
Laga soo xigtay: ANP
Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aadan ku qanacsanayn xerada
Qodobkaan sii wadaaji
Ma ku qanacsanid miyaa xerada aad joogto? Markaa waxaad kala hadleysaa COA ama dowlada hoose, ayaad ka ashtakoon kartaa ama ka mudaaharaadi kartaa.
COA ama dowlada hoose ayaa dejintaada suura gelinaaya
Haddii aad Nederlaan magangelyo weydiisaneyso ama rabto inaad weydiisato, waa in
Kuma qanacsanid xaalada xerada
Xerooyinka qaarkood waxaa suura gal ah inaad xaaladeeda aysan fiicnayn. Xaaladaha xun tusaale ahaan waa
Xerada kuma haboona degaan ahaan. Halkani waa qabow, wasakh ama ma jiro meel adiga kuu gaar ah.
Tayada cuntada xerada laga bixiyo oo aan fiicnayn
Ma jiro waxbarashada ilmaha da'dooda ka yar tahay 18 jir
Ma jiro dhaqdhaaqyo xerada
La hadalka shaqaalaha xarunta
Maku qanacsanid xerada aad degan tahay sababaha kor ku qoran midkood? Ama wax kale? Markaa waxaad marka hore wadahadal la yeelan kartaa shaqaalaha Xeradaada. La socodsii inaad rabto inaad ka hadasho dhibaatada xerada
Wadahadalkan ka hor ayaad sii diyaarin kartaa. Tusaale adigoo dhibaatooyinka aad qabto wada qora. Haddii aad ogtahay xalalka dhibaatooyinka, kuwaasina waad ku dari kartaa.
Ashtakada oo la gudbinaayo
Ma heli weysey inaad wadahadal layeelato COA ama dowlada hoose? ama wadahadalkaagii waxba iskama bedelin xaalada xerada? Markaa waxaad gudbin kartaa ashtako COA ah ama dowlada hoose oo ku saabsan xerada. Ashtakada sababo badan ayaad u gudbin kartaa.
Ashtakada xagga COA
Ashtada laga gudbinaayo COA laba qaab ayaa loo sameyn karaa:
Waxaad taasi u adeegsan kartaa foomka ashtakada ee COA. Foomka ashtakada ee COA looguma talo gelin ashtako dadka meesha kula deganku saabsan. Taasi waxaad kala xariireysaa shaqaalaha-COA oo xerada jooga.
Warqad ahaan xitaa ashtakada waad u gudbin kartaa ee COA. Warqadaada ama e-mailkaaga waa inuu ku qornaadaa Nederlaanka ama Inglishka. warqada ama e-mailka waxaad u direysaa: Team Juridische zaken Postbus 30203 2500 GE Den Haag info@coa.nl
Ashtakada dowlada hoose
Dejintaada ma waxaa maamusha dowlada hoose een ma maamulaan COA? Markaa waxaad ashtakada u gudbineysaa isla dowlada hoose. Qaabka aad ashtakada u gudbin kartaa, waxey ku xiran tahay dowlada hoose. Mar mar waxaad ka heleysaa xerada warbixin qaabka aad dowlada hoose ula xariiri karto.
Warbixinta lala xariirka dowlada hoose Websaaytkan waxaa ku qoran warbixinta dhamaan dowladaha hoose ee Nederlaan. Ka raadi magaca dowlada hoose ee xeradaada ka tirsan tahay. Waxaad la xariiri kartaa dowlada hoose xagga e-mailka, boostada ama telefoon ahaan. Marka aad la xariireyso waxaa keliya lagula xariiri karaa luqada Nederlaanka ama Inglishka.
Ka mudaaharaadka xaalada xerada
Haddii aad ku qanacsanayn xaalada xerada waa mudaaharaadi kartaa. Nederlaan waxaad xaq u leedahay inaad mudaaharaado taasoo ku qoran dastuurka Nederlaan. Taasi waxey hoos imaadaa xoriyada fikradaada oo aad soo bandhigeyso ee ka jira Nederlaan. Xitaa haddii aadan sharci magangelyo oo 5 sano aadan lahayn, waa mudaaharaadi kartaa.
Ma rabtaa inaad mudaharaado Markaa arrimahan ayaa muhiim kuu ah:
Waa inaad dowlada hoose u sheegtaa inaad mudaaharaadeyso. Taasi waxaad sameysaa 48 saac ka hor adigoo adeegsanaaya websaaytka dowlada hoose. Dowlada hoose waa iney mudaaharaadkaaga ay ogoshahay. Tusaale ahaan haddii aad mudaaharaadkaaga u baahan tahay wax hagaaya dariiqyada, waa in dowlada hoose taasi ay kuu abaabushaa. Haddii keligaaga aad mudaaharaadeyso looma baahna inaad ogeysiiso.
Uma baahnid fasax si aad u mudaaharaado. Sidoo kale fasax ugama baahnid dowlada
Boliiska mudaaharaadkaaga iskama joojin karaan. Keliya haddii uu duqa magaalada ee degmada ayaa mudaaharaadka xadidi kara ama mamnuuci kara
Marka aad mudaaharaadeyso waa in boliiska kaa badbaadiyaan dadweynaha.