
Waxbarashada Nederlaan iska bixiso sharci deganaansho la''aan
La wadaag baraha bulshada:
Weli ma heysatid sharci deganaansho, laakiin magangelyo waad ka weydiisatay Nederlaan? Markaa sida uu qabo nidaamka halkan wax waa ka baran kartaa. Waa inaad iskaaga waxbarashadaada iska bixisaa iyo lacag kama heleysid dowlada.
Xaq uma liid maalgelinta waxbarashada
Adiga xaq uma lihidmaalgelinta waxbarashadahaddii aad weli ka helin sharci deganaansho magangelyo Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) . Taasi waxey micnaheeda tahay inaad waxbarashada aad iskaaga u bixin kartid. Ama aad adeegsan kartodeeq waxbarasho.
Waxaa laga yaabaa inaad caawino ka hesho Ururka UAF
Sharuudaha caawinaada ee Stichting UAF
Waxey ku xiran tahay xaaladaada gaarka ah
Waxaad leedahay asal ah magangelyodoon*
Waxaad rabtaa inaad wax ka barato heerka mbo 3-4, xagga hbo ama jaamacad
Waxaad soo dhigatay ugu yaraan 11 sano oo waxbarasho ah
Waxaad ku hadashaa luqada Inglishka ama Nederlaanka oo darajo ilaa (B1 ama ka koreeya)
* Waxaad heysataa sharci deganaansho Nederlaan ah oo ku salaysan magangelyo ama waxaad weydiisatay magangelyo oo waxaa kuu socda dacwada.
Ma buuxineysaa sharuudahan? markaa la xariir UAF.
Weli ma heysatid heerka luqada Nederlaanka B1? Haddii aad la qabsashada ku sameysay Jidka waxbarashada "Onderwijsroute"ama xagga jidka-B1 "B1-route", waxaad luqada Nederlaanka ka baraneysaa degmada. Kala hadal wixii suura gal ah degmada. Haddii aadan garan karin? Markaa UAF ayaa talo ku siin kara.
Weli ma sameyneysid la qabsashada bulshada? Markaa UAF ayaa marka hore kaa caawinaaya barashada luqada. Taasi oo loogu baahan yahay xag waxbarasho ama xag shaqo. UF ayaa kaa caawineysi barashada luqada Nederlaanka ilaa darajada B1 xagga
Goorma ayaad iska diiwaan gelin kartaa UAF Academy?
Waxaad soo dhigatay ugu yaraan 11 sano oo waxbarasho ah
Waxaad ku hadashaa Inglishka ama Nederlaanka ilaa xad dhexdhexaad, si aad u qaadan karto koorsooyinka interneetka ee UAF-Academy
Waxaad weydiisatay magangelyo
Dacwada magangelyada ayaa weli kuu socda
ama:
Waxaad heysataa sharci deganaansho magangelyo laakiin weli ma aadan bilaabin la qabsashada bulshada
Ma tahay qaxooti Yukrayn hoos yimaada
Waxaad heleysaa caawino dheeraad ah aad ku maalgeliso waxbarashadaada marka aad heysato sharci deganaansho
Haddii ay IND codsigaaga magangelyo ay ku ogolaatay, wey ka sahlan tahay inaad Nederlaan wax ka barato. Badiyaa waxaa heleysaa cashar Nederlaanka ah. Sidoo kale sharciga deganaanshaha sharuudo gaar ah aad ku weydiisaan kartaa maalgelinta waxbarashada. Sidaa awgeed wey ka fududahay inaad tababarka iska bixiso.