Qof ayaa ku haaya kaarka bankiga laptop-ka agtiisa. Waxa meesha yaala buuga xisaabta iyo taleefoon.
Laga soo xigtay: Anna Shvets

Waxbarashada Nederlaan iska bixiso sharci deganaansho la''aan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 4:19 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Weli ma heysatid sharci deganaansho, laakiin magangelyo waad ka weydiisatay Nederlaan? Markaa sida uu qabo nidaamka halkan wax waa ka baran kartaa. Waa inaad iskaaga waxbarashadaada iska bixisaa iyo lacag kama heleysid dowlada.

Xaq uma liid maalgelinta waxbarashada

Adiga xaq uma lihidmaalgelinta waxbarashadahaddii aad weli ka helin sharci deganaansho magangelyo Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) . Taasi waxey micnaheeda tahay inaad waxbarashada aad iskaaga u bixin kartid. Ama aad adeegsan kartodeeq waxbarasho.

Waxaa laga yaabaa inaad caawino ka hesho Ururka UAF

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Ururka UAF
waxey adiga kaa caawin karaan raadinta sidaad u hesho maalgelin waxbarashadaada. Sidoo kale tani waa inaad sharuudo gaar ah ka soo baxdaa.

Sharuudaha caawinaada ee Stichting UAF

Waxaad heleysaa caawino dheeraad ah aad ku maalgeliso waxbarashadaada marka aad heysato sharci deganaansho

Haddii ay IND codsigaaga magangelyo ay ku ogolaatay, wey ka sahlan tahay inaad Nederlaan wax ka barato. Badiyaa waxaa heleysaa cashar Nederlaanka ah. Sidoo kale sharciga deganaanshaha sharuudo gaar ah aad ku weydiisaan kartaa maalgelinta waxbarashada. Sidaa awgeed wey ka fududahay inaad tababarka iska bixiso.

Qodobkan ma ku caawiyay?