Laba wiil Suuriyaan ah iyo mid yamani ah oo socda oo qoslaaya jid Rottedam ah
Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland

Warbixin dheeraad ah oo dacwada magangelyodoonka haddii aad Suuriya ka timid

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/4/2024, 2:24 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma ka timid Suuriya oo ma weydiisatay 1 may 2023 ka hor magangelyo Nederlaan? Markaa waxaa loo maleynayaa inaad warqad ka heleyso Adeega Socdaalka iyi Jinsiyada (IND) ku saabsan codsigaaga magangelyo.

Waxaa IND waxey uga shaqeysaa codsiyada magangelyada ee Suuriya mar mar si dhaqso

Miyaa ka timid Suuriya oo magangelyo ma weydiisatay Nederlaan? Markaa waxaa suura gal ah inaad hesho warqad IND ah oo aad ka qeyb qaadaneyso dacwada deg dega ah. Waqtigan xaadirka IND wey dedejigsaa ka howlgeliada codsiyada magangelyada ee dadka ka yimid Suuriya.

Haddii aad hesho casumaad IND oo dacwada deg dega, waa waajib inaad ka qeyb qaadato. Grayaqaankaaga ayaa helaayo isla warqada aad heshay oo kale. Warqada waxaa ku qoran meesha iyo waqtiga aad wadahadal la leedahay shaqaalaha IND. Si wadajir ayaa garyaqaankaaga ula diyaarineysaa wadahadalka.

Markaa wadahadal gaaban ayaa mareysaa, laga yaabo xeradaada aad degan tahay in lagaaga qaado

Haddii aad ka timid Suuriya, markaa wey badan tahay rajada inaad sharci deganaansho magangelyo hesho. Maadaama wadankaaga aad ka timid oo badankiisa amaan daro ah. Sidaa awgeed ayaa IND kuugu casumeysaa wadhadal gaaban sababaha aad magangelyo u weydiisaneyso. Waxaa wadhadalkan ay IND ku magacowdaa wareysi. Ka dib ayaa IND go'aan gaareysaa oo codsigaaga magangelyo ah.

Waxaa suura gal ah in shaqaalaha IND uu xeradaada imaado si wadahadalka aad u marto. Markaa looma baahna inaad aado u safarto xafiiska IND.

Qof walba oo ka yimid Suuriya ma helaayo dacwada deg dega ah

Ma ka yar tahay 18 jir oo weli ma aadn marin wareysiga 1aad ee IND? Markaa IND ayaa laga yaabaa iney kuu casumaan si lagaaga qaado wareysil isku jira. Markaa waa wareysigaaga 1aad iyo 2aad oo hal mar ah. Wadahadaladaan waxaa la yiraahdaa "wareysiga is dhiibida"iyo "wareysiga dambe". waxaa casumaadaasi ee laga yaabo inaad hesho, ku qoran warbixin dheeraad ah oo wareysiga isku jirka ah.

Laguma casumin, laakiin waxaad ka timid Suuriya ama Yaman? IND uma wada casumeyso dhamaan dadka ka yimid Yaman ama Suuriya dacwadan deg dega ah. Waadix ma ahan cida heleysa casumaad iyo kuwa aan heleynin casumaad ee dacwadan deg dega ah.

Qodobkan ma ku caawiyay?