Laga soo xigtay: Shutterstock / Martijn Klungel
Qodob

Kuwani waa noocyada kala duwan ee xeryaha dejinta haddii aad magangelyo ka codsato Nederlaan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 12/26/2024, 6:19 GD

Haddii aad Nederlaan magangalyo ka codsato, waxaad xaq u leedahay xero. Waxaa jira noocyo kala duwan oo xeryaha ah, iyadoo ku xiran xaaladdaada iyo inta ay tahay inaad sugto go'aanka codsigaaga magangalyo. Mararka qaarkood waxaa laguu rari doonaa meel kale oo soo dhaweyn ah inta lagu jiro dacwadaada. Hoos waxaad ka akhrisan kartaa wax badan oo ku saabsan goobaha soo dejinta ee kala duwan.

Xarunta iska diiwaangelinta ee Ter Apel

Ter Apel waa xarunta 1aad ee dejinta ee aad timaaddo marka aad magangelyo codsaneyso. Haddii meel bannaani ka jirin Ter Apel, waxaa laga yaabaa inaad si ku meel gaar ah u hoyato hoy u dhow.

Ter Apel gudaheeda ayaa codsigaaga magangelyo laga diiwaangelinaayaa

. Boliiska ama
ayaa baaraaya dukumentiyadaada, sawir iyo faraha kaa qaadaaya. Halkan ayaana codsigaaga magangelyo ku saxiixeysaa.

Badiyaa waxaad joogtaa Ter Apel wakhti gaaban. Nidaamka diiwaangelinta ka dib, dadka intooda badan waxay aadaan xero kale. Laakiin haddii aysan boos jirin xeryahaasi, waxaa suura gal ah inaad waqti dheer Ter Apel joogto.

Ter Apel waxaad ka heli doontaa hoy iyo tas-hiilaadyo aasaasi ah, sida cunto, sariir iyo daryeel caafimaad. Haddii ay boos Ter Apel uusan ka jirin? Markaa mararka qaarkood waa inaad seexataa hoy ku meel gaar ah oo u dhow xarunta diiwaangelinta.

Xero u dhow xafiiska IND

Aqoonsigaaga, diiwaangelintaada iyo codsigaaga magangelyo ka dib, waxaad aadi doontaa (haddii uu boos jiro) hoy kale oo Nederlaan ku yaal. Caadi ahaan waxaad tagtaa hoy u dhow xafiiska IND. Sidan ayaad si fudud ugu safri kartaa balamahaaga IND.

Xero u dhow xafiiska IND waxay qaadan kartaa dhawr wiig ilaa bilo. Waxay ku xiran tahay inta ay IND u baahan tahay inay go'aan gaarto iyo haddii ay jirto gabaabsi xeryaha ah. Waxaa laga yaabaa inaad dhowr jeer guurto ilaa IND ay go'aan ka gaarto inaad heli doonto sharciga degenaanshaha.

Xerada waxaad fadhiga la wadaageysaa dad kale iyo waxaad heleysaa tas-hiilaad asaasi ah, sida cuntada iyo daryeelka caafimaadka. Haddii ay leeyihiin maaweelo ama waxbarasho ilmaha ah, taasi xero walba wey ka duwan tahay mida kale.

Goobaha hoyga degdega ah: hoy ku meel gaar ah

Hoyga xaaladaha degdegga ah ayaa la isticmaalaa marka meel kale laga waayo xeryaha caadiga ah. Inta badan waa meelo ku meel gaar ah, sida hoolalka ciyaaraha, hoteelada, goob ganacsi oo duug ah ama doonyo. Haddii kuwani ay buuxaan, degmooyinku waxay mararka qaarkood diyaariyaan hoy kale, tusaale ahaan teendhooyin waaweyn oo kuleyliye leh. Hoyga xaaladaha deg-degga ah, inta xadka uu qofkii loogu talo galay ayaa inta badan xaddidan. Tani waxay keeni kartaa walaac, sidaas darteedna waxaa loo arkaa xal ku meel gaar ah.

Hoyga xaaladaha degdegga ah waxaa loogu talagalay sidii xal ku meel gaar ah halkaas oo aad joogtid dhowr toddobaad. Laakiin had iyo jeer waxay qaadataa waqti dheer sababtoo ah xeryaha oo yar awgeed.

Maadaama ay xeryahan yihiin kuwo ku meel gaar ah, tas-hiilaadka waa mid sahlan. Waxaad xaq u leedahay cunto nafaqo leh, daryeel caafimaad iyo waxbarasho caruurtaada. Laakiin badiyaa adiga wax ma karsan kartid, wax badan oo la sameeyaa ma laha oo ma jiro badiyaa meel adiga kuu gaar ah.

Xarunta magangalyodoonka (AZC)

Haddii IND u baahan tahay waqti dheeraad oo codsigaaga magangelyo, ama aad sarci deganaansho leedahay, laakiin weli guri helin, waxaad badiyaa degan tahay AZC. Xitaa haddii codsigaaga magangelyo la soo diiday, waxaad marka hore joogeysaa AZC. Mar mar ka hor ayad halkan imaaday maadaama aysan xeryaha boosas lahayn. AZC- yada wadanka oo dhan ayey ku yaalaan oo waxaa loogu talo galay deganaansho dheer.

Way adag tahay in la sheego inta aad joogi doonto AZC. Tani waxay noqon kartaa dhowr bilood, laakiin mararka qaarkood 1 sannad ama ka badan. Waxay ku xiran tahay inta uu qaadanayo dacwadaada magangalyada iyo inta ay qaadaneyso ilaa guri uu kuu soo baxaayo markaad sharciga qaadato ka dib.

Waxaad AZC uu leeyahay tas-hiilaad ka badan xeryaha kale. Marka laga soo tago baahiyaha aasaasiga ah cuntada, hoyga iyo daryeelka caafimaadka, waxaa sidoo kale jira waxqabadyo madadaalo, waxbarashada carruurta, casharro luqada dadka waaweyn, iyo hagitaan loogu talagalay dadka waaweyn si loogu diyaariyo mustaqbalka Nederlaan. Waxay leeyihiin meelo la wadaago sida garoommada ciyaaraha, maktabadaha, iyo tas-hiilaadka isboortiga. Inta badan waxa jira helitaan caawino nafsi ah iyo hagitaan xagga sharciyada.

Hoy haddii codsigaaga magangelyo iyo racfaanka la diiday

Haddii codsigaagii magangelyo iyo racfaanka la diiday, waa inaad Nederland kaga baxdaa 28 maalmood gudahooda ee diidmada. Ilaa markaas waxaad joogi kartaa AZC. Ma awoodid inaad Nederland ka baxdo waqtigii loogu talagalay? Markaa waxaad mararka qaarkood joogi kartaa meel xaddidan xorriyaddaada ugu badnaan 12 toddobaad.

Haddii aadan ku laaban karin waddankaagi intaa ka dib, dejintu badanaa way joogsataa. Markaa waa inaad iskaaga u heshaa meel aad ku noolaato. Qoysaska leh carruurta ka yar 18 sano waxay had iyo jeer helaan xero. Waxay aadaan goob qoys, sababtoo ah carruurta da'doodu ka yar tahay 18 jir ee Nederlaan waxay xaq u leeyihiin meel ammaan ah.

Tas-hiilaadka xerada haddii codsigaaga magangelyo iyo racfaanka la diiday

Tas-hiilaadkaa ku yaal xarumaha xoriyada xaddidan iyo goobta qoysku waa kuwo iska fudud, sababtoo ah meelahan waxaa loogu talagalay xal ku meel gaar ah. Tas-hiilaadka loogu talogalay carruurta waxay la mid yihiin kuwa AZC-ga. Waxay aadi karaan iskuul, waxaa jira garoon lagu ciyaaro, waxaana jira waxqabadyo sida isboortiga, ciyaaraha, fanka iyo muusiga.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful