
Tani waa waxa uu lawyarka kuu sameeyo inta lagu jiro dacwada magangelyada
Qof walba oo Nederlaan magangelyo ka weydiista, wuxuu xaq u leeyahay lawyer lacag la'aan ah. Lawyarkan wuxuu kaa caawinaayaa mudada dacwada magangelyada uu socdo. waaa kaloo uu lawyarka hubinaayaa in xaquuqdaada la dhowro
Waxaa laguu qaban doonaa qareen isla marka uu si rasmi ah u bilowdo dacwada magangalyada
Haddii aad Nederlaan magangelyo ka weydiisato, waxaad si toos u heleysaa garyaqaan lacag laáan ah
Lawyarkaaga ayaa kula soo xariiri doona ka hor marka aad wareysiga 2aad leedahay
Lawyarkaaga ayaa ilaalinaya xuquuqdaada inta lagu jiro dacwada magangalyada
Lawyarkaaga ayaa adiga kuu jooga oo ilaaliya xuquuqdaada inta lagu jiro nidaamka magangalyada. Nederlaan, lawyaradu way ka madax bannaan yihiin dawladda. Taas waxay micnaheeda tahay in qareenku uu ku dadaalo adiga oo aanu u shaqayn dawladda. Lawyarku wuxuu kaliya la wadaagi karaa macluumaadka ku saabsan kiiskaaga IND haddii aad fasax u siiso.
Waxan ayuu lawyarka kuu sameynayaa wadahadalkaaga IND
Ka hor intaanad wareysiga 2aad la yeelan IND, lawyarku wuxuu kuu samayn doonaa waxyaabaha soo socda:
Sharaxaad ku saabsan dacwada magangelyodoonka
Diyaarinta wadahadalka 2aad ee IND
Hubinta waraaqahaaga dokumentiyada
Tani waa waxa uu lawyarka kuu sameeyo inta lagu jiro dacwada magangelyada
Mudada dacwada magangelyada waxan ayuu lawyraka kuu sameynayaa
Fiirinta qoraalada- IND
Fiirinta go'aanka IND
Wixii suura gal ah ka dib diidmada ayaa lagaala hadlayaa
Tani waa waxa lawyarka adiga kaa filaayo
Lawyarka waxa kale oo uu kaa filayaa dhawr waxyaalood, kuwaas oo kala ah:
In aad soo ururiso dukumeentiyada muhiimka ah
In aad si wanaagsan isu diyaariso waraysiyada IND
In aad u sheegto qareenkaaga haddii ay wax qaldamaan
Intee jeer ayaad aragtaa ama la hadashaa lawyarka
Waxaad arki doontaa lawyarka mar walba 3 jeer, kuwaas oo kala ah ka hor wareysiga labaad ee IND, wareysiga 2aad ee IND ka dib iyo marka ay IND go'aan soo gaartay. Mar mar ayaa lawyarka ka badan arkaysaa, taasi waxey ku xiran tahay sida uu dacwadaada magangelyo u adag yahay
Waxaa marka ad aadeyso lawyarkaaga
Haddii aadan ku qanacsanayn lawyarka, waxaad gudbin kartaa ashtako
Waxaa suura gal ah inaad u aragto inuu lawyarka shaqadiisa si wanaagsan u qaban. Tusaale ahaan iney kula tahay in codsigaaga loo diiday tahay dayacaad xagga lawyarka ah. Ama in arrintaada uusan ka jawaab celinin ama waqtiga oo dhacay uu jawaab celiyey. wey fiican tahay inaad tani marka hore lawyarka kala hadasho. Ma u aragtaa wadahadalkalawyarka ka dib in weli uusan shaqada si fiican u qabnin, markaa ashtako ayaad ka gudbin kartaa. VluchtelingenWerk Nederland (VWN) ayaa ashtakada gudbinteeda kaa caawin karta