
Sidee ayaa sharci loo sameeyaa Nederlaan?
La wadaag baraha bulshada:
Hadii aad Nederlaan degan tahay waxaa dhaqso u dareemeysaa in sharciyada saameyn ku leeyihiin noloshaada. Tusaale ahaan dacwada magangelyada, mideynta qoyska ama shaqada. laakiin sidee sharciyada loo sameeyaa? Iyo yaa ka go'aaminaaya taasi? Qodobkan ayaa wax dheeraad ka aqrineysaa sida sharciyada Nederlaan loo sameeyo.
Maxey yihiin sharciyada iyo yaa sameeya?
Sharciyada waa xeerar ay soo dejisay dowladda Nederlaan oo khuseeya qof walba oo Nederlaan jooga. Dowlada iyo baarlamaanka ayaa sameeya sharciyadan.
Dowladdu waxey ka kooban tahay Boqorka iyo wasiirada. Xakuumada waxaa loo yaqaan dowlad "Rijk"ama
Baarlamaanka wuxuu ka kooban yahay laba qeybood: 
Golaha Wakiilada ayaa ka kooban 150 xubnood oo ay soo doorteen dadka Nederland doorashada baarlamaanka. Golaha Wakiiladu waxa uu leeyahay laba hawlood: oo kala ah la baaritaanka waxqabadka xukuumadda, iyo ka qayb qaadashada sameynta shuruucda iyo horumarinta wax ka bedelka shuruucda.
Golaha Sare waa 75 xubnood. Xubnaha toos Nederlaanka uma soo dooranin, laakiin xagga 
Waxaa sharciyada laga sameeyaa Golaha Wakiilada
Sharciga la soo jeediyey waa dokumenti lagu sharaxaayo sharciga cusub. Soo jeedinta waxaa soo gudbinaaya wasiirada, xoghaynta dowlada, ama xubnaha Golaha Wakiilada.
Haddii wasiirada ama
Waxaa RvS fiirisaa haddii sharciga la soo jeediyey uu yahay mid fulin karo iyo inuusan ka soo horjeedin
Golaha wakiilada ayaa ka doodaya oo cod u qaadaya sharciga lasoo jeediyey
Golaha Wakiilada waxey ka munaaqashoodaan sharciga la soo gudbiyey inta doodda socoto. Markaasoo xubnaha baarlamaanka su'aalo weydiin karaan wasiirka iyo wax ka bedel sharciga soo bandhigi karaan. Waxaa ka bedekan waxaa la yiraahdaa
Dooda ka dib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka u codeynayaan sharciga la soo bandhigay. Haddii Aqlibiyada ay u diidmo u codeeyaan sharciga la soo bandhigay, lama dhaqan geli doono sharciga. Markaa waa in wasiirka ama xildhibaanka sharciga soo fekeray uu wax ka bedelaa ama ka tanaasulaa.
Haddii ay aqlibiyada sharciga ogolaansho u codeeyaan, markaa soo jeedinta loo gubinaayaa Golaha Sare.
Golaha Sare ayaa baareysa sharciga la soo jeediyey
Golaha sare waxey ka doodayaan senatorada soo jeedintaasi. Waxey fiirinaayaan iney qaab-dhismeedkeeda fiican yahay iyo in aysan dhibaato keeni doonin. Tusaale ahaan maadaama uu Dastuurka ka soo horjeedo.
Golaha Sare soo jeedinta wax kama bedeli karo. Golaha keliya wey ogolaan karaan ama xannabi karaan keliya.
Haddii aqlabiyada diidmo u codeeyaan soo jeedinta, markaa soo jeedinta waa la soo diidayaa iyo ma noqonaayo sharci. Markaasi waa in wasiirka ama Xildhibaanka Golaha Wakiilada ee soo fekeray uu ka tanaasulaa, ama uu wax ka bedelaa oo markaa mar kale uu soo jeediyaa.
Haddii aqlibiyada Golaha Sare ay soo jeedinta ogolaadaan, markaa waxaa sharciga saxiixaaya Boqorka. Ka dib marka sharciga