Laga soo xigtay: Shutterstock
Muhiim
Warar cusub

Aqalka wasiirada ayaa ansaxiyey sharciyo adag oo magangelyada: hadda waa in Aqalka Sare ay go'aamiyaan

La shaaciyey: 7/4/2025, 12:00 GH

Aqalka Wasiirada ayaa xalay ansaxiyey laba sharciyo magangelyo oo wasiiradii hore Faber: Sharciga Magangelyada ee Deg dega iyo Sharciga fulinta Labada nooc ee deganaanshaha. Hadda waa in Aqalka Sare ay taasi ka codeeyaan. laakiin taasi waxey noqoneysaa fasaxa xagaaga ka dib. Ka aqri qodobkan waxa uu yahay sharciyadan ka kooban yahay iyo waxa uu keeni karo haddii sharciyadan Aqalka Sare ay ansixiyaan.

Dowladda dhacday waxey sameysay sharciyo adag oo magangelyodoonka

Sharciga Magangelyada ee Deg dega wuxuu ku saabsan yahay in la adkeeyo nidaamka magangelyodoonka iyo qaxootiga ee Nederlaan. Sharcigan waxaa la wada sameeyey sharciga Labada nooc ee deganaanshaha oo ay sameysey wasiiradii hore ee magangelyada Faber ee PVV. Ulajeedada waa in la adkeeyo sidii sharci deganaansho loo heli lahaa Nederlaan iyo in dadka waqti gaaban u joogi karaan Nederlaan.

Golaha wasiirada ayaa cadeynta ka dib sharciga ansaxiyey. Iyo waxaa jirey dhowr mooshin iyo wax ka bedel la qaatay oo lagu daray sharciga:

  • Marka mooshin laga keeno waxaa Golaha Wasiirada muuijiyaan sidey fikradooda tahay iyo waxa ay rabaan. Waxey ku dhawaaqaan fikrad ama rabitaan. Haddii Golaha mooshinka ansaxiyo, markaa Golaha waajib kuma aha iney fuliyaan. Mar mar Golaha warqad ayey diraan ay ku sharaxayaan sababta aysan u sameyneynin.

  • Wax ka bedelka waa wax la bedelo ama lagu kordhiyo sharciga. Wax bedelka markaa dhab ahaantii wuu bedelaa sharciga> Markaa wuu ka muhiimsan yahay mooshin.

Fikradaha la ansaxiyey ayaa sharciga ka dhigaaya mid adag. Tusaale ahaan wax ka bedeka ah in dadka sharci darada ku jooga yahay arri ciqaab ah. Iyo caawinta dadka sharci daradana sidoo kale

Golaha wasiirada ka dib waa in Golaha Sare iyagana ay u codeeyaan. Xubnaha Golaha Sare waxba kma bedeli karaan sharciga. Keliya wey ansaxin karaan ama diidi karaan. Marka Golaha Sare sharciga ansaxiyaan, markaa sharciga wuu dhaqan galayaa.

Maxey micnaheeda tahay haddii sharciga tallaabada Degdega ee magangelyo sidoo kale laga ogolaado?

Golaha sare waxey ka codeyn doonaan sharciga fasaxa xagaaga ka dib. Bilowga sebtambar ayaa maraka hore ay Golaha sare ka sii hadlayaan sharciga. Markaasi weli codeyn ma jiro. Golaha wasiirada waxey casumi karaan khubaro si ay warbixin dheeraad uga bixiyaaan sharciyada la soo jeediyey. Si ay xubnaha Golaha Sare wax dheeraad ah uga ogaadaan ka hor inteysan sharciga la soo jeediyey ka hadlin iyo codeynin. Xubnaha Golaha su'aalo qoraal ahaan ayey ka weydiin karaan sharciga. Waxaa kaloo Golaha Sare ay sugayaan talada Golaha Dowladda ee ku saabsan in dembi laga dhigo dadka sharci la'aanta iyoo siinta caawinada dadka aan heysanin sharci deganaanshaha

Haddii Golaha Sare sharciga oggolaadaan, isla markii sharciga ma dhaqan geli doono. Golaha wasiirada ayaa warqad soo diraaya ay ku qoran tahay taariikhda sharciga dhaqan galaayo. Taariikhdaasi waxey noqon kartaa wax yar ka dib codeynta.

Haddii Golaha Sare ay sharciga Tallaabada degdega ee Magangelyo la ansaxiyo, taasi waxey micnaheeda tahay in isla markii ay sharciga cusub dhaqanngelaayo, taasi:

  1. Sharciga deganaansho magangelyada mudada ah uu soconaayo ugu badnaan 3 sano. Hadda taasi waa 5 sano. Markaa 3 sano ka dib ayaa dib looga goáaminaayaa haddii aad 3 sano aad sharci deganaansho magangelyo heleyso.

  2. Sharciga deganaansho magangelyada aan waqti ku xirnayn inaan la bixin doonin.

  3. Lamaanayaasha aan is guursanin lamaanahooda kaasoo sharci deganaansho ku heysta Nederlaan, aan sharci deganaansho magangelyo la siineynin. Sidoo kale ilmaha ka weyn 18 jir markaa ayagana lama siinaayo sharci deganaansho magangelyo.

  4. Dadka aan si fudud codsi labaad oo magangelyo u weydiisan karin. Waxaa imaanaaya 'in la fiiriyo in lagu dhaliileyn karo' dadka marka labaad (ama dhowr jeer) magangelyo codsada.

    IND
    waxey baareysaa sababta aad codsiga labaad ama dokumentiga marka koowaad u sheegi weydey ama u tusin weydey. Haddii aad sababta markii hore aad sheegi kartay, markaa codsigaaga lagama howl galaayo ama lama fiirinaayo.

  5. Dadka Nederlaan sharci darada ku jooga waa la xiri karaa, waxaana lagu xakumi karaa xabsi lix bilood ah.

  6. Qeybta ah "waxa la damacsan yahay ee dacwada' waa laga saarayaa dacwada magangelyada. Taasi waxey micnaheeda tahay in IND aysan wargelin qaxootiga inay rabaan iney soo diidaan codsiga magangelyo. Waxaa taasi ay ku sheegayaan sababaha ay codsiga magangelyo u soo diidayaan. Taasi waxey micnaheeda tahay in qaxootiga uusan fikradiisa ku saabsan diidmada uusan dhiiban karin.

Maadaama aad su'aalo badan ka qabtaan arrintan, waan sharixi doonaa qaar ka mid qodobada kore

  1. Haddii sharcigu meel maro, waa in dadka sharciga heysta ay codsadaan, sharci magangelyo cusub 3 sannadoodba mar. IND ma heli doonto waqti ay dib ugu eegaan dhamaan sharciyada. Waxay taasi sameyn doontaa kaliya haddii ay jirto sabab gaar ah oo lagu eegayo sharcigaaga. Tani waa xaalad, tusaale ahaan, haddii xaaladda dalkaaga ay si joogto ah u soo fiicnaatay. Sidaa darteed, IND waxay wey cusbooneysiin doontaa sharcigaaga haddii aysan jirin sabab dib loogu eego. Markaa ma jiri doono wareysi cusub. Haddii aad hadda haysato sharci degenaansho 5 sano ah, waxba iskaama beddelayaan marka hore haddii sharcigu oggolaado. Sharcigaagu hadda waxa uu leeyahay taariikhda dhicitaanka. Taariikhdaas waxay ahaan doontaa sideedii. Waxa kaliya 5 ta sano ka dib marka uu sharcigaaga dhamaado oo aad heli doontaa sharci cusub oo 3 sano ah marka uu dhaco sharcigaaga. Dhammaan sharciyada cusub iyo sharciyada la cusbooneysiinaayo, waxay weli shaqayn doonaan 3 sano.

  2. Haddii Golaha Sare uu ansaxiyo Sharciga Degdega tallaabo magangelyada, markaa dowlada Nederlaan ma bixin doonto sharci deganaansho aan waqti ku xirnayn. Waxaa mar walba heysataa sharci deganaansho waqti ku xiran 3 sano. Markaa ma noqon kartid muwaadin Nederlaan. Qofka raba inuu Nederlaan noqdo waa inuu marka hore heystaa sharci deganaansho aan waqti ku xirnayn. Waxaa jira waxyaalo ka reeban. Dadka aan waddan lahayn waxaa hadda markay 3 sano Nederlaan joogaan ka dib soo gudbin karaan codsi iney Nederlaan noqdaan. Taasi sidaas ayey ahaan doontaa. IND ayaa go'aaminyesa codsigan. Dowladda ineysan sharci deganaansho 5 sano iyo mid aan waqti xirnayn bixineynin, tani waxba kama bedeleyso.

  3. Sharciga la soo gudbiyey waxaaku qoran in isku keenista reerka hadhow loo oggol yahay keliya caruurta ka yar 18 jir. Golaha wasiirada ma aysan diyaarin xilliga loo wareegi doono. Haddii Golaha Sare sharciga ansaxiyo, markaa waxey u badan tahay in dib u dhaqan galeyso. Taasi waxey micnaheeda tahay in sharciga qabanaayo codsiyada dadka hore u sameeyeen. Sharciga ma quseeyo ilmaha iyo lammaanyaasha Nederlaan sii jooga.

Muxuu yahay micnaha Sharciga ku dhaqanka labada deganaansho haddii la ansaxiyo?

Golaha wasiirada ee dhacay waxey rabaan iney soo saaraan nidaam laba nooc oo sharciga iyo iney adkeeyaan keenista reerka. Nidaamka labada sharci ee golaha wasiirada ay rabaan iney kala saaraan:

  • Sharci-A: dadka soo qaxay maadaama ay qatar nafsadooda ah ku jirey xagga asalkooda, jinsiga ay jeclaadaan ama diinta iyo

  • Sharci-B: dadka u soo qaxay dagaal awgeeda iyo dhibaatooyinka (dabeecada)

Ha ka baqin in sharcigaaga aad hadda heysato in la bedelo. Maadaama haddaba uu jiro sharciga labada nooc. Go'aanka aad heleyso haddii laguu oggolaado inaad Nederlaan joogto, haddaba wuu ku qoran yahay sharci deganaansho Sharci-A (sharciga qaxooti) ama sharci-B inaad heysato. Kala saarida u dhexeeya sharci-A iyo sharci- B haddaba wuu jiraa. Keliya hadda labada nooc ee sharciga isku xaquuq ayey leeyihiin

Maxaa isbedeli doona

Haddii aad leedahay sharci-B, xaquuq ka yar ayaad leedahay qofka heysta sharci-A haddii Golaha Sare sharciga ansaxiyo. Waa inaad markaa tusaale ahaan dhaqso wadankaaga ugu noqotaa haddii xaalada meesha uu fiicnaado

Mideynta qoyska aad bey ugu adkaan kartaa dhamaan dadka sharciga heysto. Haddii fulinta Sharciga labada nooc Golaha wasiirada laga ansaxiyo, markaa ilmaha da'weynta ee adiga kugu tiirsan, ilmaha la koriyey iyo lamaanhaaga aadan is abin looma ogolaan doono iney imaadaan Nederlaan. Ma heysataa sharci-B markaa sharuudo adag ayaa lagu xiri doonaa. Mideynta qoyska waa mid aad u adag ama muddo dheer qaadata. Haddii aad sharci-B heysato, iyo weli aad weydiisaneyso mideynta qoyska, markaa adiga sharciga cusub ayaa ku saameynaaya haddii Golaha Sare sharciga ansaxiyo

Ma ahan waadix in sharciyada cusub yihiin kuwo dib loogu dhaqan gelin karo

Tani waxey micnaheeda tahay ma cadda in sharciyada cusub keliya codsiyada cusub khuseeyaan iyo sharciyada. Haddii sharciyada awood dib u dhaqan gelin leeyihiin, markaa waxey kaloo khuseeyaancodsiyada hore loo sameeyey iyo kuwa hadda jira. Dhamaan waxa aysoo jeediyaan xubnaha baarlamaanka mudada ku meel gaarka ma aysan ansaxinin Golaha Wasiirada. Markaa waxay u muuqataa wax macquul ah in sharciyada dhamaan codisyada iyo sharciyada khuseeyaan. Laakiin wasiirka wuxuu hore u yiri in fulinta Sharciga labada nooc si tallaabo tallaabo u howl geleyso, marka hore koox yar. Haddii taasi ay dhab ahaan u dhici doonto, hadda waadix ma aha. Iyo iney khuseeyaan labada sharci. Markaa ma naqaano in sharciyada cusub leeyihiin awood dib u dhaqan gelin.

Waxaa dhacay qalalaase badan ka dib markii la ansaxiyey sharciyada magangelyo ee golaha Wasiirada

Waxaa 2 dii julay ay Golaha Wasiirada u codeeyeen laba sharci cusub: Sharciga tallaabooyin degdega ee magangelyo iyo Sharciga fulinta labada sharci. Wax ka badan kala bar ayaa u codeeyey sharciyadan. Sharciyadan waxey adkeynayaan maamulka magangelyada.

Codeynta ka dib waxaa isla markiiba qalalaase ka dhashay Nederlaan. Siyaasiyiin badan iyo ururo badan ayaa ka xanaaqay qeyb ka mid ah Sharciga tallaabooyin deg dega ee Magangelyo. Sharcigan ayaa mar dhow ka dhigaayo dembi in la caawiyo dadka aan sharci deganaansho lahayn. Taasi waxey micnaheeda tahay in dhaqtarka qoyska, kaniisadaha, degmooyinka, boliiska iyo ururada bulshada ay dembiile noqon karaan haddii ay dadkan caawiyaan.

Sharciyadan weli ma dhaqan gelin. Marka hore waa in Golaha Sare ay codeeyaan. Taasi waxey dhici doontaa fasaxa xagaaga ka dib, laakiin weli ma cada goorta.

Xisbiyada Golaha wasiirada ee sharciga u codeeyey, ma laha aqlabiyada Golaha Sare. Sidaa awgeed waxey u baahan yihiin taageero xisbiyada kale. Hadda weli lama yaqaan in xisbiyadaasi ay u codeyn doonaan. Dad badan ayaa isku dayaaya iney ku qanciyaan ineysan taasi sameynin.

Dacwadaha ka soo horjeeda sharciyada

GroenLinks/PvdA ayaa betishan

bilaabay ka soo horjeeda sharciyadan (tani keliya af Nederlaanka ku aqrisan kartaa). Ka badan 125.000 qofaad ayaa saxiixay. xisbiga wuxuu ku magacaabay sharciyadan mid bulshonimada ka baxsan, aan fiicnayn iyo ka baxsan bani'aadannimo. Waxey rajeynayaan haddii dad badan ay codkooda maqashiiyaan, Golaha Sare aysan sharciyada ansaxin doonin.

Sidoo kale

VluchtelingenWerk Nederland
wey ka soo horjeedaan sharciyada. Waxey u arkaan sharciyada kuwa ka baxsan bani'aadanimada sidaa awgeed ayey bilaabeen betishan. Waxey u arkaan in sharciyadan sababayaan qalalaase, xasilaan daro iyo dacwado magangelyo dheeraada. Waxaa kaloo ay leeyihiin in sharciyadan reerka kala fogeynayaan. Ku dhowaad 70.000 qofood ayaa saxiixay betishanka. Waxaad https://actie.vluchtelingenwerk.nl/2025-petition-asylum-lawsbetishanka halkan ayaa ka aqrin kartaa Inglish ahaan.

Weli mala joojin karaa sharciyadan?

RefugeeHelp waxaa soo gaara su'aalo haddii sharciyadan qaab kale loo joojin karo? Naiib daro taasi ma jiro. Haddii sharciyada Golaha Wasiirada iyo Golaha Sare laga ansaxiyo, markaa waa la dhaqan gelinayaa. Laakiin garyaqaanada ayaa hubaal u bilaabi doona dacwado maxkamadaha. Marka hore Nederlaan ayey ka sameynayaan Ka dibna waxey aadi karaan maxkamada Yurub. Taasi waqti badan ayey qaadaneysaa. inta u dhaxeysa sharciyada waa ay dhaqan galeen. Qof walbana waa inuu u hogaansamaa.

Maxaad adiga qaxooti ahaan sameyn kartaa?

Qaxooti badan ayaa weydiinaaya haddii ay iyaga wax sameyn karaan si ay u saameeyaan codeynta Golaha Sare. Laakiin taasi run ahaanti ma jiro, dabcan waad banaan bixi kartaa. Mar walbana wey fiican tahay inaad hadasho. Tusaale ahaan xubnaha Golaha Sare, xitaa wargeysyada, raadiyaha ama Tiifiiga degaankaaga. U sheeg sharciyadan waxa ay u dhiganto iyo saameynta ay noloshaada ku yeelanayaan. Dabcan wey fiican tahay inaad betishanka kor ku xusan aad saxiixdo.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful