Laga soo xigtay: Yuri A / Shutterstock
Qodob

Maxaa ku qoran warqada mushaharkaaga?

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 8/11/2025, 1:03 GD

Haddii aad shaqo heysato bil walba mushahar ka heleyso waxaa ku shaqeysaa shaqo mushahar. Bil walba shaqo siiyaha wuxuu soo diraayaa warqada mushaharka. tani waa muuqaal sida uu mushaharkaaga u dhisan yahay. Warqadan mushaharka kuma qorna keliya inta lacag aad qaadato, waxaa kaloo ku qoran inta canshuur aad bixiso iyo waxaa ku bixiso. Qodobkan waxaad ka aqrineysaa waxa kale ee warqada mushaharka ku qoran iyo maxey muhiim u yihiin.

Waxaa warqada mushaharka ku qoran warbixintaada iyo shaqadaada

Macluumaadkaaga shaqsiga iyo macluumaadkaaga shaqada

Sida magacaaga, jagadaada, taariikhda dhalashadaada, cinwaankaaga iyo akoonkaaga bangiga

Macluumaadka loo shaqeeyaha

Sida magaca iyo cinwaanka loo-shaqeeyahaaga

Taariikhda aad shaqada bilowday

Warqada mushaharka waxaa ku qoran taariikhda aad sida rasmiga aad shaqada u bilowday shaqo siiyahaaga.

Heshiiska shaqada: heshiis muddo ah ama heshiis aan xad lahayn

Warqada mushaharka waxaad badiyaa ka arkeysaa nooca heshiiska shaqada ee aad heysato. Waxaa ku qoran inaad heshiis muddo ah (oo leh taariikhda uu dhamaanaayo) ama heshiis aan waqti ku xirnayn (aan waqti dhamaad lahayn)

Heshiiska wicitaanka/ shaqaale la soo wacaayo

Heshiiska wicitaanka waa heshiis aad keliya shaqeyneyso marka uu shaqo bixiyaha ku weydiiyo. Markaa ma lihid saacado joogto ah. Shaqo bixiyaha ayaa ku wacaaya ama emailka ku diraayo marka aad shaqeyn doonto

Heshiiska sjhaqada oo qoraal ah

Waxaa warqada mushaharka ku qoran in aad heysato heshiis shaqo qoraal ah. Taasi waxey micnaheeda tahay in adiga iyo shaqo siiyahaaga aad ballamada shaqadaada warqad ku qorteen aad saxiixdeen

Macluumaadka mushaharkaaga

Muddada

Tani waxay ku tusaysaa bisha ama muddada aad heleyso mushaharkaaga.

Saacadaha la shaqeeyey

Isku darka tirada saacadaha aad shaqeysey bishaasi ama mudadaas.

Mushaharka saacadii

Lacagta aad ku shaqeyso saacadii shaqadaada.

Miisaanka mushaharka

Miisaanka mushaharka waa jadwal cadadka la xariira jagadaada. Miisaan mushahar walba wuxuu leeyahay tiro tillaabooyin ah, ama jaraanjaro lagu magacaabo. Qofka aad u shaqeyso wuxuu dooran karaa boos (tallaab) marka aad shaqada bilaabeyso. Markaad muddo dheer u sii shaqeyso isla shaqo siiyaha, tallaabada waad sii koreysaa ee missaanka mushaharkaaga. Markaa mar walba hal tallaab ayaad kor aadetysaa. Ilaa aad tallaabada ugu sareysa gaarto. Markaa halkaa ayaa joogeysaa.

Miisaanka mushaharka aad ku shaqeyneyso waxey ku xiran tahay jagadaada, qibradaada iyo ballamada ku qoran

. Waxaa cao uu quseeyaa shaqaale badan oo nooc shaqo ah qabta sida, daryeel caafimaadka, dhismaha ama dukaamada. Maka shaqeysaa shirkad leh cao? Markaa waa in shaqo siiyaaaga uu nidaamka dhowraa

Jaraanjar

Jaraanjartu waxey tusineysaa meesha aad ku jirto miisaanka mushaharka. Miisaan walba wuxuu leeyahay tallaabooyin badan, tallaabo walba xoogaa kor ayuu noqonaa mushaharka.

Badiyaa waxaad ku bilaabeysaa jaraanjar hoose marka aad shaqada bilaabeyso. Sannad walba hal tallaabo ayaa kor aadeysaa, tusaale ahaan haddii aad qibrad dheeraad yeelato ama si fiican u shaqeyso. Taasi waxey tahay in mushaharkaaga sii kordhaayo. Shaqo siiyahaaga ayaa xadidaaya tani iyadoo ku saleysan jagadaada, qibradaada iyo ballamada cao.

Midabka jadwalka

Waxaa kaloo warqada mushaharkaaga leeyahay midab jadwal. Wuxuu midabkan jadwal sheegayaa jadwal canshuurta mushaharka ee qofka aad u shaqeyso

iyo
u xisaabiyo. Haddii aad shaqo mushahar ku shaqeyso jadwalka waa cadaan. Taasi wuxuu shaqo siiyaha aad u shaqeyso u isticmaalaa jadwalkan haddii aad mushahar qaadato oo shaqada hadda ku jirto (hadda shaqo siiyahan ayaad u shaqeysaa). Mar mar waxaa ku qoran jadwal cagaaran warqada mushaharkaaa. markaa mushaharkaaga si kale ayaa loo xisaabinaa. Badiyaa waa iyadoo qarash celis ama ceyr aad hal mar heleyso

Mushaharka ugu yar

Waxaad xaq u leedhay Nederlaan mushaharka ugu yar. Taasi waa lacagta ugu yar ee shaqo siiyahaaga saacdii ku siinaayo. Dowlada ayaa xadida lixdi bilood mar xadka mushaharka ugu yar. Da'daada, ayaa xadidaaya inta uu yahay mushaharka ugu yar ku quseeya. Shaqo siiyahaaga waa inuu mushaharka ugu yar ku qoraa warqada mushaharka. Taasi waa waajib xitaa haddii aad shaqeyso wax ka badan mushaharka ugu yar

Mushaharka guud

Mushaharka guud waa waxa aad shaqaale ahaan ka hesho shaqo siiyahaaga. Caddadkan waxaa ku jira qaddarka ku baxa canshuuraha iyo qarashaadka kale

Mushaharka saafiga ah

Shaqo siiyahaaga qadar go'an oo ka jarayaa mushaharka guud oo canshuur iyo qarash kale ah. Waxa soo hara waa mushaharka saafiga. Taasi waa lacagat bangiga kuugu soo dhaceyso.

Lacagta fasaxa

Bil walba waxaa kuu aruuraaya wax yar lacag fasaxa ah. Badiyaa waa 8% oo musharkaaga guud. Dad badan waxaa ay helaan lacagatan may ama juun. Mar mar wuxuu u bixiyaa shaqo siiyaha bil walba xoogaa

Bisha 13aad

Bisha 13-aad waa mushaar dheeri ah oo shaqaalaha qaar ay helaan dhammaadka sanadka, badiyaa bisha December. Inta badan waxay la mid tahay mushaharka guud ee hal bil. Waxaad sidoo kale bixineysaa canshuuraha iyo khidmadaha bisha 13 aad.

Lacag celiska iyo canshuuraha

Lacag celin

Warqada mushaharkaaga waxaa ku qornaan kara soo celis kala duwan. Kuwaasi waa qarashyo dheeraad ka sokow mushaharkaaga. Tusaale: qarash celiska safarka iyo qarash celiska ka shaqeynta guriga. Shaqo siyahaaga wuxuu badiyaa lacag celinta ku qoraayaa warqada mushaharka. Sidaa ayaa si sax ah u arki kataa wixii dheeraad ee aad bishaasi heshay

Canshuurta mushaharka laga gooyo

Waxaad mushaharkaaga ka bixineysaa canshuur. Lacagtaasi waa canshuur iyo qarashka waajibka. Shaqo siiyahaaga si toos ayuu uga jaraayaa mushaharkaaga.

Canshuur mushaharka

Waa inaad canshuur mushaharka aad siisaa dowladda. Waxaad bixineysaa canshuur mushaharkaaga ah, lagacta fasaxa, ama lacagta aad heshay shaqada dheeraadka

Qarashka waajibka

Kuwani waa xaddi qarash go'an aad siineyso ceymiska. Tani waxey ka dhigan tahay inaad ceymis ku jirto maqnaanshaha jirrada (WGA), shaqo la'aanta( WW), hawlgabka da'da (OP) iyo caymiska naafada (AP)

Shaqo bixiyahaaga ayaa qarashkan waajibka ah ka reebaaya mushaharkaaga oo siinaaya dowlada. Markaa ceymis ayaad ku jirtaa oo markaad jirato mushaharka wuu kuu soconayaa ama haddii aad muddo shaqo la'aan tahay

Ka dhimista canshuurta

Ka dhimista canshuurta waa dhimis canshuurta aad bixineyso. Dhimistaan oo ah inaad canshuur daqliga iyo qarashka waajibka oo ka yar inaad bixineyso. Inta ay tahay dhimista, waxey ku xiran tahay dhimista guud iyo dhimista shaqada.

Dhimista canshuurta guud

Dhimista canshuurta guud waa dhimis canshuuraha iyo khidmadaha kale aad ka bixiso daqligaaga. Dhimistaan awgeed waxaad bixineysaa canshuur yar.

Qof kasta oo ku nool kana shaqeeya Nederlaan wuxuu xaq u leeyahay qiimo dhimistan. Qadarka qiimo dhimista waxay ku xiran tahay dakhligaaga, haddii aad Nederland ku noolayd sanadka oo dhan, iyo haddii aad gaartay da'dii hawlgabka dawladda AOW

Intuu yahay canshuur dhimista guud aad heleyso 2025

  • Ma qaadataa wax ka yar € 28.406 sannadkii? Markaa waxaad heleysaa lacag ah ugu badnaan € 3.068

  • Ma qaaadataa inta u dhaxeysa € 28.406 iyo € 76.817? markaa dhimista tartiib ayey u sii yaraaneysaa

  • Ma shaqeysaa wax ka badan € 76.817? markaa ma heleysid dhimista gud ee canshuurta

Ka dhimista shaqada

Tani waa dhimis canshuurta. Waxaad bixineysaa canshuur yar oo mushaharkaaga. Waxaad heleysaa markiiba hal shaqo siiye oo dhimista shaqada ah. Ma u shaqeysaa shaqo siiyayaal kala duwan? Markaa keliya hal shaqo siiye ayaa dhimista shaqada heleysaa kii aad adiga sheegatao. Badiyaa waxaad dooraneysaa shaqada aad lacagta ugu badan ka shaqeyso


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful