
Sidee ku-deeqidda xubnaha jirka uga shaqeysaa Nederlaan?
La wadaag baraha bulshada:
Haddii aad ka weyn tahay 18 oo aad ka diiwaangashanayd degmo ku taal Nederlaan ugu yaraan 3 sano, waxaad noqon kartaa ku-deeqaha xubnaha. Haddaadan taasi rabin. Akhri maqaalkan si aad u barato habka ku-deeqidda xubnaha jirka iyo sida aad u muujin karto inaadan rabin inaad noqoto deeq-bixiye.
Haddii aad ka weyn tahay 18 sano oo aad Nederlaan ku noolayd ugu yaraan 3 sano, dawladda Nederlaan waxay ku weydiin doontaa haddii aad rabto inaad noqoto deeq bixiye xubin
Nederlaan, qof kasta oo 18 jir ah waxa uu dawladda ka helayaa warqad ay ku weydiinayaan haddii aad rabto inaad ay noqoto ku-deeqaha xubnaha jirka dhimashadaada ka dib. Ku-deeqidda xubnaha waa ku-deeqidda xubnaha ama unugyada qof kale. Tani waxay badanaa dhacdaa ka dib marka deeq-bixiyuhu dhinto. Qofka kale wuxuu u baahan yahay xubnahan ama unugyadan si uu u soo kabsado ama u noolaado
Dadka yimid 3 sano ka hor Nederlaan oo ka diiwaangashan degmo Nederlaan, waxey markey 18 ama ka badan gaaraan la weydiinayaa haddii ay ku deeqe xubnaha noqonayaan iyo in kale
Dhalinyarada 12 iyo 18 jir u dhexeeya si iqtiyaari ayey u muujin karaan iney deeqe noqonayaan. Waa iney ugu yaraan 3 sano Nederlaan degan yihiin
Ku-deeqidda xubnaha waxay suurtogal ka tahay Nederlaan oo keliya haddii aad ku dhimato cisbitaal. Tani maahan xaalad haddii aad ku dhimato guriga ama meel kale. Taas waxaa keenaaya dhiiga dheeraadka ah ee xubnuhu u baahan yihiin inta u dhaxaysa wakhtiga dhimashada iyo tallaalka
Haddii aad Nederland joogto 6 bilood, waxaad sidoo kale noqon kartaa ku-deeqaha xubinta
Hadda heysanin jinsiyada Nederlaan iyo aad 6 bilood Nederlaan degan tahay, waa in cisbitaalka markaad dhimato marka hore baaraa inuu jiro warqad saxiixaaga saaran oo ku qoran inaad deeqe xubnaha tahay iyo in kale. Cisbitaalka waa inuu ogaadaa in
Haddii aad fasax ku joogto Nederland, waxaad sidoo kale noqon kartaa deeq bixiye
Haddaad muddo gaaban Nederlaan joogto, tusaale ahaan, fasax ahaan, markaana waa noqon kartaa deeq bixiye. qaraabadaada ayaa ogolaansho bixinaaya oo deeqida. haddii aan qaraabadaada la helin, markaa deeqis suura gal ma aha.
Diiwaanka deeqaha ayaa ku sheegeysaa inaad rabto inaad noqoto deeq-bixiye xubin ama aadan rabin inaad deeq bixiye xubin noqoto
Diiwaanka Deeq-bixiyayaasha waxa ku qoran 4 doorasho:
1. Haa, waad rabtaa inaad noqoto deeq bixiye.
Doorashadan waxaad ku sheegi kartaa xubnaha iyo unugyada aad rabto inaad ku deeqdo ama aadan ku deeqin dhimashadaada ka dib.
2. Maya, adiga ma rabtid inaad noqoto deeq bixiye.
Cisbitaalka dhimashadaada ka dib kuma deeqi doono xubnahaaga.
3. Lammaanahaaga ama qoyskaaga ayaa go'aaminaaya dhimashadaada ka dib.
Hadaad lamaane leedahay, qofkaasi ayaa u ogolaan kartaa inuu deeqaha ka go'aamiyo dhimashadaada ka dib. Haddii aadan lamaane lahayn, markaa familkaaga ayaa ka go'aaminaaya deeqda.
4. Waxaad dooraneysaa 1 qof oo ka go'aamiya dhimashadaada ka dib.
Waxaad dooran kartaa in 1 qof, sida saaxiib ama xubin qoyska ka mid ah, uu go'aansado ku-deeqidda dhimashadaada ka dib. Kadibna waxaad gelisaa magacooda iyo macluumaadka lagala xiriiri karo Diiwaanka Deeqaha. Cisbitaalku ayaa la xiriiri doonaa qofkaasi geeridaada ka dib
Haddii aad waxba ku buuxin, waxaad toos u tahay deeq bixiye
Haddii aadan cayimin doorasho, waxaa Diiwaanka deeq bixinta ku qoran 'Diidmo ma jiro'. Taasi waxey micnaheeda tahay in dhamaan xubnahaaga iyo unugyadaada lagu deeqi karo. Markaa si toos ayaa u tahay ku deeqaha xubinta.
Dadkaaga saameyn ayey ku leeyihiin doorashada ku deeqida
Cisbitaalka ayaa dhaqtarka uu kala hadlayaa ehelka doorashada uu qofka dhintay sameeyey ee ku deeqida xubinta. Dhaqtarka wuxuu ku saleynayaa xaalada waxa ku qoran Diiwaanka deeq bixinta. Haddii Diiwaanka deeq bixinta ku qoran yahay inuu qofka dhintay uusan deeq bixiye ahayn, markaa familka taasi waxba kama bedeli karaan. Haddii 'Haa' ama 'Diidmo ma jiro' ku qoran, markaa xubnaha iyo unugyada waa lagu deeqi karaa, ilaa haddii ay ehelkaaga diidmo ka qabaan go'aankaasi.
Xaaladaha qaarkood waxaad ehel ahaan, diidmo ayaad sameyn kartaa oo ku saabsan doorashada qofka dhintay:
Haddii aad hubto in qofka dhintay aanu doonayn in uu noqdo ku-deeq-bixiye, laakiin Diiwaan-gelinta Deeq-bixiyeha waxa ku qoran 'Haa' ama 'Diidmo ma jiro". Waa in aad dhakhtarka siisaa caddayn, tusaale waraaqo shakhsi ah.
Haddii qofka dhintay ka yar yahay 16 jir. Ilmaha 12 ilaa16 jir si ikhtiyaari ayey u dooran karaan Diiwaangelinta deeqaha. Haddii ay 'Haa' ay ku buuxiyeen oo aad adiga ka raali ahayn, taasi waad iska hortaagi kartaa
Xaaladahan mar walba ehel ahaan adiga ayaa go'aaminaaya deeqidda xubinta ee qofka dhintay:
Haddii Diiwaanka deeqda ku qoran yahay in lamaanaha, familka ama adiga aad go'aamineysaan ku deeqista xubnaha ee qofka dhintay
Haddii qofka dhintay uu ka yar yahay 18 jir
Haddii marxuumka u dhaxeeyo 12 iyo 18 jir ahaa oo aan weli doorasho sameynin
Haddii qofka dhintay aanu weli ka diiwaan gashanayn Diiwaanka Deeqaha, tusaale ahaan isaga ama iyada ayaa hadda 18 jirsaday ama uu Nederlaan ku noolaa wax ka yar 3 sano.
Haddii marxuumka 4 wiig dhimashada ka hor uu doorashad(diisa ama deeda) wax ka bedelay oo foom qoraal ahaan. Markaa doorashada weli lagama arkaayo Diiwaanka deeqda
Haddii qofka dhintay
ahaa asaga ama iyada oo doorashada ku deeqa xubnaha sameynaayey.qof maskaxdiisa dhimanKa aqri wixii dheeraad ah ka go'aaminta deeqa xubnaha ee dadka maskaxda dhiman websaaytka Diiwaangelinta deeqa.