Laga soo xigtay: Patrick Rasenberg
Qodob

Maalinta doorashada oo la sharaxay: laga bilaabo sahanta ilaa codbixinta iyo natiijooyinka

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/7/2025, 7:12 GH

Toddobaadyadii ugu dambeeyay ka hor doorashooyinka Golaha Wakiillada, waxaa la samayn jiray 'saadaasha ra'yiga dadweynaha'. Baarayaal iyo wariyeyaal ayaa isku dayi jiray inay saadaaliyaan sida dadku u codeyn doonaan maalinta doorashada. Maalinta doorashada sidoo kale waxaa dadweynaha laga weydiin jiray waxa ay codeeyeen, saadaasha ku salaysan jawaabahan waxaa la yiraahdaa 'exitpolls'. Maqaalkan waxaad kaga baran doontaa wax badan oo ku saabsan saadaasha ra'yiga dadweynaha, exitpolls, iyo habeenka natiijooyinka doorashada.

Shirkadaha baaritaanada ayaa sannadka oo dhan sameeyaan ra' ye aruurin sannadka oo dhan

Shirkadaha baaritaanka waxey dadka Nederlaan weydiinayaan sannadka oo dhan fikradooda. Waxey rabaan iney ogaadaan waxa Nederlaanka ka qabo mawduucyada qaarkood. Waxey ku sameeyaan taasi badiyaa sahanka ama imayl ahaan, xagga interneetka ama telefoon ahaan. Mararka qaarkood u sameeyaan codsi ka yimid dowladda ama urur kale. Mararka qaarkood waxey la shaqeeyaan wargeys ama barnaamij telefishanka ah.

Dabcan baarayaasha ma weydiin karaan qof walba oo Nederlaan xisbiga ay dooranaayaan sidaa awgeed ayaa loo sameeyaan

. Xafiis walba wuxuu leeyahay koox dad Nederlaan ah oo su' aalaha ay weydiiyaan. Waa muhiim in kooxdan dadka " matalaan" dhamaan dadka Nederlaanka ah. Taasi waxey micnaheeda tahay iney ahaadaan kuwa matala dhamaan dadka degan Nederlaan. In dhamaan matalayaan dadka degan Nederlaan ay kooxda ku jiraan

Qiyaasida ma aha saadaalin la isku halayn karo. Qof walba hore uma xadidin xisbiga uu dooranaayo. Dad badan ayaa weli go' aansan ilaa maalinta doorashada.

Maalinta doorashada waaa jira cod bixin iyo natiijooyin

Xarumaha codbixinta waxaa la furaa maalinta doorashada laga bilaabo 07: 30 subaxnimo. Warbaahinta ayaa maalintii oo dhan si joogto ah ugu warbixisa doorashada. Tusaale ahaan waxaa jira warar ku saabsan tirada dadka codka bixiyay. Iyo fiidiyowyo ka yimid hoggaamiyeyaasha xisbiyada oo iyagu codbixinta tagaya. Sidoo kale waxaa la qabtaa kormeerada cod-bixinta ka dib (exit polls): dadka codka dhiibtay waxaa la waydiinayaa cidda ay codkooda siiyeen. Saacadda 21: 00 saac xarumaha codbixintu way xirmaan. Kadib, shaqaalaha xarumaha codbixinta ayaa bilaaba tirinta codadka. Marka codadka dhammaan xarumaha codbixinta ee degmada la tiriyo, waa la isku daraa oo natiijada ayaa la shaaciyaa

Telefishinka waxaa jira warbaahin badan oo habeenkii oo dhan barnaamij ka hadlaya doorashooyinka. Waxay sheegaan waxa ay tilmaamayaan natiijooyinka waqtiga baxitaanka ee la filayo, waxay ka doodaan ka-qaybgalka, waxayna la yeeshaan khubaro wareysiyo. Habeenkii qeybta dambe waxaa soo gala natiijooyinka ku meel gaarka ah ee degmo kasta. Mid mid u soo gala. Badanaa waa waddeneilandSchiermonnikoog oo ah degmadii ugu horreysay ee tirinaysa codadka oo dhan, sababtoo ah degmadaan dadka deggan waa yar yihiin. Badanaa dhammaadka habeenka weli lama heli karo dhammaan natiijooyinka ku meel gaarka ah, laakiin inta badan waa la ogaan karaa cidda guuleysatay iyo cidda laga badiyay. Natiijooyinka rasmiga ah waxay soo baxaan dhowr maalmood ka dib

Ma rabtaa inaad wax dheeraad ka ogaato sida ay u shaqeeyaan xafiisyada codbixinta ee Nederlaan? Ka aqri RefugeeHelp.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful