Laga soo xigtay: Pexels
Qodob

Ururada kaa caawiya caafimaadkaaga nafsiga ee Nederlaan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 5/18/2026, 9:54 GH

Ma u baahan tahay taageero maskaxeed? Boggan, waxaad ka heli doontaa meesha aad u tagi karto taageero maskaxeed iyo caawimo ku saabsan habaynta dhacdooyinka naxdinta leh.

Waxaad caawino takhasus ka weydiisan kartaa dhaqtarka qoyska

Ma yahay xanuunkaaga mid bil ka dib aanaysan kaa bixin ama sii darsada? Markaa aad dhaqtarka qoyska. Dhaqtarka qoyska wuxuu kuu sii gudbin karaa caawiyayaal kale oo meesha u dhow. Tusaale ahaan qabiir nafsi ah, caawiyaha dhaqtarka ama kalkaalisada wax badan ka taqaana xanuunada nafsiga.

Dhaqtarka qoyska badiyaa asaga kuma caawin karo si loo xaliyo xanuunada nafsiga. Laakiin dhaqtarka qoyska wuu kaa dhageysanayaa arrintaada iyo wuxuu fiirinaayaa waxa ugu wanaagsan ee kuu habboon. Dhaqtarka qoyska talooyin ayuu ku siinayaa ku saabsan hurdada iyo cuntada. Marmar ayuu ku siinayaa daao hurdo oo dhowr beri ah si aad u seexato.

Ma rabtaa inaad wax dheeraad ka aqriso caafimaadka nafsiga? Fiiri markaa RefugeeHelp.


Caawinaada nafsiga

Ma u baahan tahay taageero maskaxeed? Waxaa jira ururo kala duwan oo aad si bilaash ah oo qarsoodi ah uga hadli karto walbahaarka, walwalka, ama dhacdooyinka naxdinta leh.

Empatia

Waxaad wici kartaa Empatia (Isniin ilaa Jimce, 9.00 subaxi–17.00 saac galabti). Waxaad macluumaad dheeraad ah ka heli kartaa bogga internetka ee Empatia.

Mind Hulplijn

Waxaad xagga Mind hulplijn ka heleysaa caawino lacag la'aan ah iyo aadan is sheegeynin oo aad ka heleyso caawinayaal xirfadlayaal ah. Wey ku dhageysanayaan oo talo ayey ku siinayaan.Waxaad websaaytka MIND hulplijn ka heleysaa warbixin dheeraad ah.

Wereld Psychologen

Wereld Psychologen waxay bixisaa la-talis bilaash ah oo khadka tooska ah oo ay la yeelato dhakhaatiirta cilminafsiga. Caawinta waxaa loogu talagalay qaxootiga iyo dadka la shaqeeya qaxootiga. Macluumaad dheeraad ah waxaa laga heli karaa mareegaha Wereld Psychologen.

Ururada siiya taageero maskaxeed dadka Lgbtqia+

Switchboard

waa adeeg macluumaad iyo taageero ah oo loogu talagalay bulshada Lgbtqia+ ee Nederlaan. Waxay bixiyaan dhegeysi, macluumaad ku saabsan soo bixitaanka, aqoonsiga galmada, aqoonsiga jinsiga, naadiyada dhaqanka, bulshada, iyo ciyaaraha Lgbtqia+ iyo dhacdooyinka. Laakiin sidoo kale bixiyeyaasha adeegga sida qareennada, dhakhaatiirta, iyo daaweeyeyaasha


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful