
Omar wuxuu Suuriya ka soo qaxay 2015 oo yimid Nederlaan: "Guusha waxey ka bilaabatoo khasaaro, rabitaanka waa ka wanaagsan yahay awoodista"
La wadaag baraha bulshada:
Wuxuu Omar 2015 ka soo qaxay wadankiisa Suuriya dagaal awgeeda. Wuxuu ku jiray sannadkii uu dambeeyey ee injineernimada ee jaamacadda Damascus. Mudadii uu imaaday Nederlaan aad ayey u adkeyd. Laakiin toban sano markuu dib u eego wuu faraxsan yahay:"Jid fudud ma ahayn, laakiin wax badan ayaan gaaray"
Bilow cusub oo Nederlaan ah
"Waxaan ku jiray xarun magangalyodoonka. Waxaan ka tagay wax kasta oo aan ka dhisay Suuriya: saaxiibteyda, waxbarashadeyda iyo riyadayda," ayuu yiri Omar. "Khasaaruhu wuxuu ahaa qayb ka mid ah noloshayda, niyad jabkuna wuxuu xakameeyay wax walba. Ma aanan ogayn meesha aan ka bilaabi karo ama sida aan u helo jidkayga. Waxaan ku riyooday xoogaa xasillooni ah, oo ka fog dagaalka. Waxaan doonayay guri, barashada luqadda Nederlaan iyo inaan dhammeeystiro waxbarashadayda."
Omar wuxuu taagan yahay xeebta wabiga Maas ee Rotterdam, halkaas ayuu hadda degan yahay. Wuxuu dib u milicsanayaa sanadaha hore ee Nederlaan wuxuuna yiri: "Ma lihi haybad luqadaha. Waxaan ka fiicanahay xisaabinta iyo naqshadeynta. Barashada af Nederlaanka waxay ahayd mid adag, laakiin waan dadaalay oo waxaan helay shahaadadayda luqadda. Kadib waxaan awood u yeeshay inaan sii wado oo aan raadiyo meel aan ku sii wado waxbarashadayda. Waxaan jeclahay injineernimada mashiinnada, tani waa dhab ahaan hibadeyda."
"Mararka qaar xaaldaha uma socdaan sidaad rabto, laakiin mar walba rajo ayaa jirta"
Inuu Omar sii wato waxbarashadiisa uma fududeyn. Wuxuu shahaadooyinkiisa u diray iskuulka Sare ee Den Haag (De Haagse Hogeschool) asagoo rajeynaayey inuu waxbarashadainjineernimada halkaa ka sii wato. Laakiin sikuulka wuxuu yiri inuu dib u bilaabo, sannadkii koowaad. "Aniga waan ka naxay," ayuu yiri Omar. "Taasi waxey micnaheeda tahay inaan shan sano waxbarasho iga dhumaayo"
Markii uu la hadlay la taliyaha waxbarashada sidoo kale wax natiijo ma dhalin, ayuu Omar go'aansaday inuu qorsho kale sameeyo. Wuxuu rabey inuu macalin noqdo. Wuxuu 3 sano waxbarasho ka dib noqon karaa macalin: " Xamaasadeyda iyo riyadeyda ayaan meel iskadhigay waxaan fiiriyey xaqiiqda"
Xoogaa ka hor bilowga daraasaddiisa cusub, Omar wuxuu si lama filaan ah u helay emayl ka yimid De Haagse Hogeschool. Shahaadooyinkiisa waxaa mar kale la eegi jiray, wuxuuna ogolaaday inuu sii wato waxbarashada. Waxayna u baahan tahay oo kaliya 2.5 sano, ma noqon doonto mid gebi ahaanba cusub. "Maalintaa aad ayaan u faraxsanaa, mana awoodin inaan seexdo," ayuu yiri Omar isagoo dhoolla caddeynaya.
Waddan cusub caawino ayaad u baahan tahay
Dhisida nolol cusub ma sahlana. Gaar ahaan waddan wax walba kala duwan oo nidaamyo badan jiraan. Omar wuxuu dareemay inuu tallabo walba caawino u baahan yahay: "Sannadkii koowaad si buuxa ayaan waxbarashada u wadey," ayuu yiri Omar. "sannadkii labaad waxaan maray shaqo barasho shirkad ah. Wuxuu la taliyaha waxbarasho igula taliyey inaan isla wado shaqo iyo wabarasho"
Taasi waxey ahaydtalo wanaagsan: "waxey qaadatay dadaal badan, laakiin waxey ka dhigtay waxbarashada mid xiiso leh. Wixii aan casharka ku soo bartay isla marki ayaan ku dabaqaayey shaqadeyda."
Caqabadaha ayaa sii badanaayey markaad shaqooyin badan hesho
Omar markuu shaqada bilaabay, wuxuu dareemay iney caqabadaha sii weynaanayeen: 'Luqada guud ahaan waan bartay, laakiin mudadii waxbarashada iyo shaqada wey sii adkaatay. Waxaan ku qasbanaaday inaan barto ereyada farsamada iyo mida shaqada."
Omar waxaa ku taageeray macallinkiisa waxbarashada doorka muhiimka ah inta uu ku jirey waxbarashada. "Markaan daalo ama niyad-jabsan ahay, had iyo jeer waxaan xasuusanaayey ereyadiisa. Wuu i dhiirro gelin jiray. Ma aan rabin inaan niyad jabiyo, waxaan rabay inuu igu faano."
Sidoo kale Omar shaqadiisa taageero ayuu ka helay. "Maamulaheyga wuu dulqaad badnaa,"ayuu yiri Omar. "Wuxuu yiri: "wuxuu yiri waad caqli badan tahay oo shaqadaadana waad jeceshahay. Waxaan arkaa inaad waxbarashada sii jeclaaneyso. Waxaad rabtaa horumar, rabitaanka ayaa ka fiican awoodista."
Eraeyadani waxey siiyeen Omar karti. "Runtii wey i taabteen. Wey i dhiiro geliyeen inaan ku sii dadaalo waxbarshada. maamulaheyga mar kasta su'aalaheyga wuu ka jawaabaayey marna warbixin igama qarinin. Sidaas ayaan iigu suura gashay inaan waxbarashada iyo shaqada isku dheelitiro si fiican."
Laba sano iyo bar oo waxbarasho iyo shaqo ka dib Omar wuu qalin jibiyey. "Waan qalin jebiyey oo waxaan helay qandaraas joogto ah,"ayuu yri asagoo faraxsan. "Ma ahayn jid sahlan, laakiin wax badan ayaan gaaray. Qandaraaska ka dib waxaan awood u yeeshay inaan saaxibteyda Nederlaan keeno. Waxey i sugaysay shan sano."
"Hadafyada oo la gaaro ma ahan dhamadka safarka"
Markuu sannad shaqeeyey wuxuu Omar go'aansaday inuu tallaabo kale qaado: inuu shirkadiisa gaarka sameysto. "Shaqada wey fiicnayd laakiin hamigeyga intaa wuu ka weynaa. "Wuxuu sameeye baaritaan dheeraad, wuxuu sameeyey qorsho iyo wuxuu fiiriyey suuqa shaqada. "Bilowgii wey adkayd, laakiin si tartiib ayuu magaceyga u noqday mid caan ah xagga shaqadeyda."
Omar uma arkeynin qalinjibinta iyo shaqada madax banaan dhamaadka. " Dunida si joogto ayey isu bedeshaa iyo u hormartaa, waa inaad ax sii barataa oo sii hormartaa,"ayuu yiri. Taasi darteed ayuu qaatay waxbarsho kale iyo tababaro kala duwan.
Xariirinta iyo helida shaqooyinka wey adag tahay, maadama aan waddanka ku cusbahay oo aan weli heysan xarriro badan, ayuu yiri Omar."Laakiin waa dadaalayaa waana adkeysanayaa. Riyadeyda waa inaad yeesho shirkadeyda la talinta iyo injineernimada. Taasoo rabta shaqo badan iyo qorsho, lakkiin waan ogahay inaan ku guuleysan karo sababtoo ah waxaa jecelahay xirfadeyda. Shaqo xoogan iyo dadaal ayaan guulo badan ku gaaray, waan siiwadayaa inaan hadafyo kale sii gaaro."