Laga soo xigtay: Ashraf (links) en Mustafa (rechts) / RefugeeHelp
Muhiim
Khibradaha

Marka labaad oo la codeeyo: waa muwaadin cusub oo Nederlaan ilaa codeeye wax garad ah

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/15/2025, 8:38 GH

Laba sano ka hor ayaa Mustafa iyo Ashraf u dhashay Suuriya ayaa loo ogolaaday iney ka codeeyaan Nederlaan. Waxey taasi ahayd wax hor leh. Waxey ku doorteen xagga dareenkooda. Doorashooyinka hadda soo socda si kale ayey wax yeelayaan. Waxey rabaan iney si istratiiji ah u codeeyaan, hadda wax dheeraad ayey ka og yihiin sida Nederlaan u shaqeyso.

Xaqa codbixinta: Fikrad cusub oo shicib

Mustafa (39) iyo Ashraf (36) oo u dhashay Suuriya, oo qaatay baasaboorka Nederlaanka 2022, codeynta markii ugu horreysay waxay ahayd dhacdo gaar ah. Codbixinta Nederlaan aad ayay u kala duwan tahay, ayuu yiri Mustafa: "Halkan waxaad ku arkeysaa barnaamijo xisbiyo, jihooyin siyaasadeed iyo danaha kala duwan." Waxay ahayd waayo-aragnimo cusub oo yaab leh labadoodaba. Mustafa: "Suuriya, waad ogtahay inaad xaq u leedahay inaad cod bixiso, laakiin waxaad sidoo kale ogtahay inaad u codeyneyso dad aan ku matalin." Waxa uu yiri sababtaa darteed uu mar xitaa guriga u joogay, laakiin xubin qoyska ka mid ah ayaa qaaday kaarka codbixinta oo ay u codeeyey isaga oo aan waxba weydiin.

Xitaa qaabka qolka codbixinta Mustafa wax kale ayuu u arkay. Mustafa: " Qolka codbixinta wuxuu u ekaa qol qarsoodi ah iyo warqada codeynta waxaa ku qornaa xisbiyo badan oo kala duwan... Qalinka cas wuxuu ahaa mid aad u muuqda. Codbixinta wuxuu la mid ahaa adigoo gelaaya magaalo weyn oo aadan aqoonin. Waxaa ka mahadnaqayaa in Nederlaan ay xaqan i siisay."

Ashraf ayaa si karti ah u soo koobay khibradiisii ​​ugu horeysay ee codbixineed 2023: "Waxay ahayd waayo-aragnimo aad u wanaagsan, waxaan dareemay markii ugu horeysay inaan ku dhaqmi karo xuquuqda muwaadinimo, Taa nalooma ogolayn inaan ku samayno Suuriya." Isaga, codbixintu waxay u ahayd wax ka badan fal siyaasadeed; waxa dareemay in loo gudbay qaxooti xuquuq la'aan oo noqday qof ra'yigiisa la qiimeeyo.

Doorashada koowaad: Qoomamao ilaa raadinta saamaeyn bulshada

Wixii ay labada nin ay doorteen 2023 waxay ku salaysnaayeen dareen ka badan xeelad. Mustafa wuxuu u codeeyay Volt, isagoo doortay xisbiga sababtoo ah wuxuu u arkayay aragtidooda Yurub mid muhiim ah. "Waa xisbi da'yar oo difaacaya Yurub," ayuu yidhi Mustafa, isaga oo intaa ku daray in xisbigu uu yahay mid udub dhexaad u ah, maaha mid bidix ama mid midigta culus. Waxa uu ka labalabeeyay in uu si xeeladaysan ugu codeeyo isbahaysiga garabka bidix ee GroenLinks-PvdA, laakiin waxa uu raacay dareenkiisa.

Ashraf wuxuu u codeeyay Denk 2023: "Laakin run ahaantii, kuma qancin, waa xisbi yar oo leh laba ama saddex kursi." Waxa uu aqoonsaday in u codaynta xisbi yari ay saameyn yar ku leedahay siyaasadda. Wuxuu aaminsanaa in u codeynta xisbi weyn ay saameyn badan yeelan karto.

Codeynta marka labaad: raadin istraatiijiyad iyo dheelitirnaan

Hadda, oo loo diyaar garoobaayo doorashooyinka soo socda, Mustafa iyi Ashraf labadaba si kale ayey wax yeeli doonaan. Hadda waxey yihiin codbixiye dareen ku jira oo istraatiijada ka hormarinaaya dareenka.

Mustafa: "Waxaan si maalinle ah ula socdaa wararka ah oo aan akhriyo qoraallada xisbiga, anigoo isku dayaya inaan sawir cad ka helo xisbiyada sida aadka ah ugu dhow fikradahayga." Mawduucyadiisa siyaasadeed ee ugu muhiimsan ee doorashadan waa socdaalka iyo magangalyada, guri la'aanta, kor u kaca qiimaha, iyo iskahorimaadka Gaza. Mustafa: "Markan, waxaan u codeynayaa si xeeladaysan, sababtoo ah doorashadeyda wax badan kama soo bixin markii ugu dambeysay"

Ashraf wuxuu akhriyaa iyo isbarbar dhigayaa barnaajijyada. Waxa uu raadinayaa isu dheeli tirnaanta xisbiyada siyaasadda gudaha iyo dibadda. Waxa uu xiriir shucuureed oo xoog leh la leeyahay Denk, laakiin waxa uu aqoonsanayaa xaddidaaddiisa. "Siyaasadda gudaha ee Denk waa mid aan macquul ahayn. Sidaa darteed waxay u badan tahay inaanan u codayn iyaga markan"

Hadda waxa uu muhiimada siinayaa xisbi haaya xalalka guri la' aanta, shaqada iyo ka hortagida takoorka. Isla markaana waa inuu xisbiga " asalkiisa ixtiraamaa". Wuxuu aaminsan yahay dheelitirkan uu ka jiro xibiyada garabka bidix ee Nederlaan. " waxay u badan tahay inaan doorto isbahaysiga garabka bidix ee GroenLinks-Pvda. Waa inaan xisbi weyn taageernaa si aan uga hortagno weynaanshaha xisbiga midigta culus

Codeynta: waajib

Labada ninba wey isku raacsan yihiin in codeynta tahay waajib. Mustafa wuxuu dhaliilay dareen darida muwaadiniinta qaarkooda. " Waxaa iigu yaabka badnaa in qeyb badan oo dadka Nederlaanka ee asalkooda meelo kale ka soo jeeda aysan codeynin." Ma fahmin sababta ay dadka u dhahaan ma xiiseeyaan siyaasadda, sababtoo ah siyaasadda adiga ayey kuu daneysaa iyo siyaasiyiinta waxey gaaraan go' aano saameeya nolol maalmeedkaaga"

Ashraf wuxuu xaqiiq nka taagan yahay saameyntab ay hal cod yeelan karto, laakiin iskama fadhinaayo. " Codeynta waa muhiim, laakiin ahay qof waaqici ah. Siyaasaddu way ka weyn tahay 1 qof keliya."


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful