
Alaa (41): "Si aad wadaan cusub u dhex gashaa waa inaad ahaataa qof firfircoon"
La wadaag baraha bulshada:
Nolol cusub oo waddan kale laga dhixaa marna ma fududa. Waa inaad luqad cusub barataa, dhaqanka fahantaa iyo meel boos ka heshaa bulshada. Alaa (41) oo u dhashay Suuriya wuxuu yiri in Nederlaan uu tallaabo tallaabo u dhisay.
Tallabooyibka ugu horreeyey ee Nederlaan: shaqo tabaruc ah
Markuu Alaa yimid Nederlaan, waxaa ku waajibay inuu sugo dacwadiisa magangelyada. Haddan ma uusan sii fariisan. Maadaama uu luqada Inglishka si fiican u yaqaanay wuxuu bilaabay shaqo tabaruc ah oo
Markii uu helay sharciga daganaanshaha, waxa uu u guuray Haarlem isaga iyo xaaskiisa. Alaa waa guursaday. Haarlem, wuxuu si degdeg ah ugu gudbay
Maadaama Alaa uu shaqada bulshada xiiseynaayey, wuxuu ku sii jirey firfircoonida tabaruc ahaan."Shaqada tabaruca waan ku ag waday waxbarashadeyda. Taasi ayaa igu caawisay inaan sii kordhisto luqada oo aan dhisto shabakad. sidaa ayaan ugu shaqeeynaayey degmada Bloemendaal. "Ulajeedada ma ahayn keliya inaan lacag helo, laakiin gaar ahaan inaan khibrad kororsado."
Helitaanka shaqo lacag ah wey adag tahay
Helida shaqada ma fududeyn, Alaa: "wax badan ayaan shaqo dalbaday, laakiin waa la i soo diiday marar badan. Haddana ma aanan quusan, arjo ayaan weli sii lahaa."
Maalin ka mid ah maalamaha ayuu lahaa Alaa 3 wareysi oo shaqada wuxuuna helay 3 jeer ah in la ogolaaday. "Taasi waxey ahayd mid aan la yaabo. Aniga ayaa dooran karey! Waxaan doortay shaqo buuxda. Hadda waxaan u shaqeeyaa tababare shaqada."
Wuxuu si xamaasad leh u yiri: "Hadda waxaan la shaqeeyaa 5 degmadood iyo waxaan caawiyaa dadka cusub si ay shaqo u helaan. Tan ugu fiican waxay ahayd markaan la shaqeeyey tababaraheyga shaqada hore ee Haarlem. waxaan heli jirey tababar, hadda aniga ayaa bixiya. Taasi waxaa u dareemaa si gaar ah."
Waxa ugu muhiimsan firfircooni iyo dhisida shabakad
Siduu yiri Alaa shabakada waa mid aad u muhiim ah si aad shaqo u hesho. Mudadii corona wuxuu bilaabay koox u soo adeega waayeelka ka baqaaya banaanka iney aadaan. "Naag ayaa aad ugu mahadcelisay iaan caawiyey aabaheed. Ka dib ayaa iyada iga caawisay shaqo" ayuu yiri Alaa.
Waxaa kale Alaa casharo Carabiga siinaayey dadka raba iney luqada bartaan. "Aniga ayaa taasi fekeray oo waxey ahayd qibrad wanaagsan." Wuxuu kaloo ahaa tabaruce ururka SchuldHulpMaatje, halkaasoo uu caawinaayey dadka deynta lagu leeyahay.
Haarlem, waxa uu madax ka yahay ururka Tulp en Jasmijn, kaas oo u qabanqaabiya casharo iyo waxqabadyo carabi ah oo loogu talagalay carruurta iyo dadka cusub. Alaa waxa kale oo uu u shaqeeyay Laanqayrta Cas, isaga oo ku soo dhawaynayay qaxootiga Ukraine Amsterdam. "Si fiican ayaan u aqoonsaday xaaladdooda, sababtoo aniga xitaa waxaan soo maray dagaal."
Weligaa ha joojin inaad wax barato
Inkastoo ay jiraan caqabado haddana Alaa mar walba mustaqbalka ayuu fiiriyaa. Waxaan qaadanayaa koorsooyin tababar iyo aqoon is weydaarsiyo. Shaqada bulshada waa mid ballaaran iyo oo xiiso leh. waxaan kaloo rabaa inaan qaato tababarka Tababare Shaqo si aan u sii wato horumarinta xirfadeyda.".
Asagoo dhoola cadeynaayo ayuu ku celceliyay: "Si aad waddan cusub bulshada u dhexgashaa waa inaad firfircoonaataa. Waa inaad raadisaa fursadaha, sii wadaa waxbarashada iyo aadan marna quusanin."