Mawduucyada

show menu options
Af Soomaali (Somali)



Dadka reerka ee loo ogolaaday iney isla markii soo galaan Nederlaan marka loo ogolaado mideynta reerka

La shaaciyey: 2/8/2023 2:30 GD

Haddii mideynta reerka la ogolaado, reerka uma baahna iney sii sugaan si ay Nederlaan u imaadaan. Golaha dowladda ayaa go'aamisay Arbacadii.

'qiyaasta safarka ka dib'

Waxaa xiiligii kuleylaha ee la soo dhaafay ay dowladda Nederlaan goundefinedaamisay familka ama

sharciga heysta
inaan loo ogolaan doonin iney isla markii imaadaan Nederlaan. dadka reerka ah waaa iney sugaan ugu badnaan 6 bilood ku sugaan wadankooda asalka ka hor intaan loo ogolaanin iney imaadaan Nederlaan. Taasi waxaa lagu magacaabaa undefinedqiyaasta safarka- ka dibundefined.

Dadka familka waxa keliya loo ogolaa iney Nederlaan ka hor imaadaan haddii uu guri ay degaan uu jiro.

Dhaleeceyn ka timid garyaqaanada

Waxaa dowlada ay u hindistay undefinedqiyaasta safarka-kadibundefined si loo yareeyo qaxootiga ka buuxay xeryaha qaxootiga. Xaalada hoyga magangelyodoonka wuxuu ahaa mid aad u daran waqtigaasi oo dadka dariiqa ayey seexanayeen habeeno badan xerada leyska dhiibo ee Ter Apel.

Si ay ahaataba, waxaa khubarada sharciga ay uga sii digeen in undefinedqiyaasta safarka- ka dibundefined inaan la ogolayn. Sharci ahaan, lama oggola in dadka reerka oo hore loogu ogolaaday dib loo dhigo iney u imaadaan qofkooda. Haddana ma oggola sharciga Yurubiyanka.

Qaadiga wuu ku raacsan yahay dadka sharciga heysta

Taasi waa sababta ay dad badan oo sharciga heysta ay maxkamada u aadeen sannadkii hore. Ma rabin in reerkooda ay muddo dheer sugaan, iyadoo reerka hore loogu ogolaaday iney u imaadaan qofka familkooda. Dhowr xaakin ayaa cadeeyey iney saxsan yihiin. Markaa ka dib, reerka waa loo ogolaaday iney imaadaan Nederlaan.

Eric van de Burg, Xoghayaha dowlada ee magangelyada iyo socdaalka ayaa ka soo horjeestay goundefinedaanka xaakinka. Dacwad ayuu ka qaatay. Inkastoo,

Golaha dowlada
waxey goundefinedaamisey in dadka heysta sharciga ay reerkooda ay isla markii ayey Nederlaan imaan karaan.

'Qiyaasta safarka dambe' lama oggola

Dowladda Nederlaan sidaa awgeed ma xadidi doonto isku keenista reerka dadka sharciga heysta. Tani waxey quseysaa dhamaan kiisaska: codsiyada familka kuwa hore loo codsady iyo codsiyada mustaqbalka la sameynaayo.