Ra'iisal wasaaraha dowlada fulinta howsha Mark Rutte oo jooga qolkiisa shaqada.
Laga soo xigtay: Wikimedia Commons
Warar cusub
Dowlada Nederlaan oo kala daadatay markii taasoo keentay munaaqashadii maamulka magangelyodoonka awgeed: tani waa inaad ogaataa
La shaaciyey: 7/10/2023, 3:29 GD

Golaha wasiirada ee Nederlaan ayaa dhacay 7 julay 2023 ka dib markii munaaqashad dheer oo ku saabsan maamulka soo galootiga. Xaquuqda mideynta qoyska ee dadka heysta sharciga deganaanshaha magangelyada ayaa ahaa mawduuc mhiim ah.

Xisbiyada wada shaqeeya wey isku raaci waayee mideynta qoyska

Wiigii hore waxaa cadaaday

xisbiyada wada shaqeeya
iyo VVD iyo CDA iney rabaan iney ku adkeeyaan mideynta qoyska qeyb qaxootiga ka mid ah qaxootiga heysta sharciga deganaanshaha magangelyada. Xisbiyada wada shaqeeya VVD, CDA, D66 iyo ChristenUnie arrintaasi wey ku heshiin waayeen. Taasi waxey dhalisay in
golaha wasiirada
uu dhacay. Dhexbartanka nofeembar 2023 ayaa doorashooyin cusub la qaban doonaa.

Golaha wasiirada waa "mid shaqooyinka fulineysa". Taasi waxey micnaheeda tahay inaan go'aano waaweyn oo siyaasi aan la qaadi doonin ilaa doorashooyinka ka dib. Sidaa awgeed wax badan isma bedeli doono waqtiyada soo socda qaabka mideynta qoyska uu waqtigan xaadirka uga jiro Nederlaan.

VVD waxey rabeen in la kala saaro qaxootiga

Wadanka Nederlaan 2 sababood ayaa sharci deganaanso oo magangelyo ah ku heleysaa, taasi waxaan ku magacownaa

qodobka-A
ama
qodobka B
. Labada sharci deganaanshaba isku xaquuq ayaa leedahay Nederlaan. Tusaale ahaan labada cooc ee sharci deganaanshaha waad ku dalban kartaa mideynta ama keenista reerka.

Xisbiga VVD waxey rabeen in taasi la bedelo, laakiin taasi kuma guuleysanin. Waxaa VVD ay soo bandhigeen in lakala saaro xaquuqda qaxootiga leeyihiin. Iyagoo markaa rajeynaayey in dad yar ay Nederlaan qaxooti ka weydiistaan.

Dadka heysta sharciga qodobka- B waxaa sida ay VVD soo badhigeen la siinayaa sharci degaaansho oo sanad walba la cusbooneysiiyo tahay. Waxaa kaloo la adkeyn lahaa qaxootiga heysta qodobka-B mideynta reerka iney u dalbaan dadka reerkooda ah.

Arrintan bilooyin ayaa laga hadlaayey. Xisbiyada wada shaqeeya ChristenUnie iyo D66 arrintan kuma aysan raacsanayn. Sidaa awgeed ayaa golaha wasiirada uu hadda u dhacay.

Sharuudaha sharciga magangelyada ee deganaanshaha
Boggan ayaa ka aqrineysaa wax dheeraad oo sharuudaha sida magangelyo looga weydiisto Nederlaan. Waxaa Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) go'aamineysaa haddii aad sharuudaha ka soo baxeyso. Halkan ka aqri sharuudaha aad magangelyo ku weydiisan karto.

Waxaa suur gal ah wadahadalo cusub doorashooyinka ka dib

Dowlada markey tahay mid shaqooyinka fulineysa lama oggola iey ka howlgalaan mawduucyo fikrado kala duwan ay ka qabaan xisbiyada siyaasiga. Waxaa suura gal ah in xisbiyada wada shaqeynta cusub ee doorashooyinka nofeembar ka dib la sameeyo ay ka hadli doonaan maamulka magangelyada ee qaxootiga ee Nederlaan.

Ra'iisal wasaaraha Mark Rutte ee ka tirsan VVD wuxuu sheegay inuusan dib isu soo sharixi doonin in la doorto.

Keenista ama mideynta familka/reerka
Ma heysataa deganaansho magangelyo oo ma rabtaa in qoyskaaga laguu keeno? Markaa waxaad weydiin kartaa in qoyskaaga Nederlaan laguu keeno. Taasi waxaa lagu magacaabaa mideynta qoyska. Boggan ayaad ka aqrineysaa sida mideynta qoyska u shaqeeyo.
Maxey kula tahay qodobkan?