
Kulamo ku saabsan siyaasadda maxalliga ah: u codeynta doorashooyinka degmooyinka
La wadaag baraha bulshada:
Si wadajir hay'adda AaARDE iyo WE organisation, VluchtelingenWerk Nederland ayaa qabanqaabinaya kulamo loogu talagalay dadka asal ahaan ka soo jeeda qaxootiga oo ku saabsan doorashooyinka siyaasadeed ee degmada. Wax badan ka baro kulamadan ka dhacaya aaggaaga.
Yaa shirka loogu talo galay?
Koorsada waxaa loogu talo galay Nederlaanka cusub, dadka haysta sharciga deganaanshaha, iyo dadka weli dacwada magangelyada ku jira. Iyo qof walba oo raba inuu wax ka barto siyaasadda Nederlaan.
Qof walba waa lagu soo dhaweynayaa inuu ka qeyb qaato. Uma baahnid inaad Nederlaanka oo buuxa ku hadleyso.
Si wada jir ah
Kulamadu waxay ku qoran yihiin luqado badan
Wada kulanka waa Af- Nederlaanka, Inglishka iyo Carabiga. Waxaa jooga tarjumaano.
Maxaan uga qeyb qaadanayaa?
Baro xaquuqdaada: waxaad baraneysaa asaaska siyaasadda Nederlaan.
Codkaaga adeegso: Waxaad baran doontaa sida aad uga qayb qaadan karto doodaha iyo go'aan qaadashada degmadaada. Waxaad sidoo kale baran doontaa sida loola hadlo siyaasiyiinta.
Koorsadu waa mid fudud in la raaco waxaana lagu heli karaa luqado badan. Waxaana jira fursado badan oo su'aalo lagu weydiin karo.
Maxaad baran doontaa inta uu kulanku socdo?
Waxaan sharaxnaa, waxyaabo ka mid ah:
Waxa degmadu ka qabato mawduucyo kala duwan sida guryaha, daryeelka caafimaadka, shaqada, dakhliga, waxbarashada, amaanka, iyo goobaha dadweynaha.
Sida loo maamulo degmada.
Maxaa
.duqa magaalada iyo la taliyayaasha (B&W)Waxa golaha deegaanka
.sameeyoYaa codeyn kara iyo shuruudaha khuseeya.
Sababta codkaagu u saameeyo go'aamada xaafaddaada. Xitaa haddii aadan weli xaq u lahayn inaad codeyso.
Goorma iyo xaggee?
Maastricht: 1 da Maarso.
Rotterdam: 4 ta Maarso.
Amsterdam: 5 ta Maarso.
Den Haag: 17 Maarso.
Isku diiwaangeli aqoon-isweydaarsiga bisha Maarso
Iska diiwaan geli foomka diiwaangelinta magaaladaada:
Maastricht:
iska diiwaan geli. Rotterdam:
Halkan iska diiwaan geli. Amsterdam:
Halkan iska diiwaan geli. Den Haag
halkan iska diiwaan geli .
Su'aalaha ku saabsan aqoon-isweydaarsiyada
Ma haysaa wax su'aalo ah oo ku saabsan kulanka? Emailka u dir: