Laga soo xigtay: Mikhail Nilov
Qodob

Waxaad dhiganeysaa casharo iyo sameyn doontaa imtixaano

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/30/2024, 2:56 GD

Waxaad ku baaseysaa la qabsashada bulshada haddii casharada aad dhigato iyo ka dib 6 imtixaano kala duwan aad ku baasto. Wixii dheeraad ah boggan ayaa ka aqrin kartaa.

Waxaad baraneysaa af Nederlaanka

Waxaad dhiganeysaa casharo Nederlaanka. Waad ku baastay haddii luqada Nederlaanka ugu yaraan darajada

taqaano oo 4 qeybood:

  • Qorista

  • Ku hadalka

  • Maqalka

  • Aqriska

Waxaad kaloo dooran kartaa in luqada Nederlaanka aad darajo sare ah barato. Taasi waxey gaar ahaan muhiim u tahay haddii aad dhaqso shaqeyn rabto, ama aad Nederlaan inaad wax ka barato rabto. Waxaad heysataa darajada luqada

ama
ayaa u baahan tahay.

Waxaad baraneysaa bulshada Nederlaanka

Waxaad dhiganeysaa casharo ku saabsan bulshad Nederlaanka. Ka dibna imtixaan ayaa sameyneysaa. Taasi waa

. waxey ku saabsan tahay nidaamka Nederlaan iyo waxa dadka Nederlaan muhiim u arkaan

Imtixaanka wuxuu ka kooban yahay 8 mawduucyood oo bulshada Nederlaanka:

  • Shaqada iyo daqliga

  • Aqlaaqda, qiyamka iyo dhaqanka iyo caadooyinka

  • Deganaanta

  • Caafimaadka iyo daryeelka caafimaadka

  • Taariikhda iyo juqraafiga

  • Maamulka Nederlaan

  • Siyaasadda qaranka iyo sharciga

  • Waxbarashada iyo barbaarinta

Mawduuc walba waxaa lagu sharaxayaa waxa loo baahan yahay inaad ogaato si aad imtixaanka uga gudubto. Xagga "waxbarashada iyo barbaarinta" tusaale ahaan baraneysaa sida uu nidaamka waxbarashada Nederlaan u shaqeeyo iyo sida aad tababarka iskaga bixin karto.

Waxaad baraneysaa shaqada Nederlaan

Waxaa kaloo cashar lagaa siinayaa ka shaqeynta Nederlaan. Taasi waxaa la yiraahdaa Oriëntatie op de Nederlandse Arbeidsmarkt (ONA). Waxaad baraneysaa sida aad Nederlaan shaqo u heli karto adiga kugu habboon.

Waa inaad 3 qeybood aad ka gudubtaa:

  • Barashada ka shaqeynta Nederlaan ooxaalada sii diyaarinta

  • Sameynta faylka shaqsi

  • 64 saac oo koorso ama hal wadahadal gabagabo oo la yeelato

Halkan hoose ayaa ka aqrineysaa waxa uu qeyb walba ka kooban yahay:

Waxaa marxalada is diyaarinta ka jawaabeysaa su'aalo la mid: "Yaan ahay aniga? mMaxaan awoodaa? Sidee ku gaarayaa hadafkeyga?" waxaa kaloo aruurineysaa cadeymo, sida shahaadooyin, qiimeynta shahaadada, warqada shaqo raadiska iyo taariikhda nolosha (cv).

Waa inaad imtixaanka ka hor diyaarisaa feylka shaqsiga. Taasi waxey ka kooban tahay foomam aad ku tuseyso shaqada aad rabto inaad sameyso iyo waxa taasi loo baahan yahay inaad ka sameyso. Sidoo kale waxaa feylka shaqsiga ka bixineysaa warbixin suuqa shaqada ee Nederlaan. Waxaa kaloo uu faylka shaqsiga ka kooban yahay warqada dhiiragelida.

Waad isku diyaarin kartaa imtixaanka adigoo sameeya koorsada ONA. Waxaad wada baareysaan adiga iyo macalinka iyo ardayda kale waxa shaqo ee aad rabto inaad qabato iyo wixii taasi ka suura gal ah Nederlaan.

Ma dhigatay 64 saac oo koorso ah? Markaa looma baahna inaad sameyso wadahadalka gabagabada ee DUO. Markaa si fudud ayaa imtixaanka uga baasi kartaa.

Ma soo dhiganin koorso? Markaa waa inaad sameysaa wadahadalka gabagabada ee DUO. Mudada wadahadalka gabagabada waxaa shaqaalaha DUO ku weydiinayaan xagga faylka shaqsiga iyo buuxinta shaqooyinka.

Qarashka imtixaanada

Ma ku qaaday imtixaanka 1 mar? markaa qarashka imtixaanka ee deynta DUO waad bixineysaa. Taasi waxaa ku bixin kartaa xagga iskuulkaaga. Ogsoonow: haddii aad dhowr imtixaano aad dib sameyneyso markaa deynta waa kaa dhamaan karaa. Markaa waa inaad qarashka adiga iska bixisaa.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful