• Bilowga
  • Shaqo
  • Weydiiso DigiD si aad uga gasho websaaytyada dowlada ee Nederlaan
Sawir uula socdo warqad oo ay ku qoranyihiin warbixinta codsashada DigiD.
Laga soo xigtay: Flickr / Mystic_Mabel

Weydiiso DigiD si aad uga gasho websaaytyada dowlada ee Nederlaan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/17/2024, 8:55 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Nederlaan waxyaalo badan oo shaqsi ah online-ka ayaad ka sameyneysaa. Tusaale ahaan arrimaha dowlada Nederlaanka. Ama ceymiskaaga ama hawlgabka. Kuwaani waxaad u baahan tahay DigiD. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa waxa uu DigiD yahay iyo sida aad u codsan karto.

Wuxuu yahay DidiD aqoonsi yahay

DigiD waa "aqoonsi dhijital". of walba online-ka arrimahiisa ka sameysanayaa, waa inuu heystaa DigiD heystaa. Waayo si aad qaab amaan ah arrimahaaga online-ka uga hagaajisataa, waa inaad online-ka aqoonsi ku sameysaa. Markaa sidaa ayaa dowlada ku arki kartaa inaad adiga nafsadaada tahay oo arrimaha sameysanaaya. Si aad DigiD u isticmaasho, waa inaad sameysataa akoon.

Waxaad DigiD ku geli kartaa websaaytyo kala duwan. Sida:

  • degmada aad degan tahay

  • waxa

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Ururka Fulinta Ceymiska Shaqaalaha (UWV)

  • waxa

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Bangiga Ceymiska Bulshada (SVB)

  • boliiska tusaale ahaan si aad dacwad markaad rabto inaad gudbiso

  • waxa

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Adeega Canshuuraha

  • ceymiskaaga caafimaadka

  • Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    de Kamer van Koophandel (KvK)

Websaaytyada aad DigiD-ga ku geleysaa, waxaad ku aqoonsanaysaa calaamada DigiD eemadowga-oranjaha ah oo soo baxaaya marka aad gelitaanka ama (log in) sameyneysid. Calaamada markey soo baxdo waa inaad gashaa.

Warbixintan ayaad u baahan tahay si aad DigiD u codsato

Waxaa DigiD aad codsan kartaa haddii

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
aad heysato nambarka adeega shaqsiga (BSN)
heysato. Waxaad kaloo u baahan tahay warbixintan soo socda

  • Taariikhda dhalashadaada

  • Boostada namabarkaaga iyo nambarka gurigaaga

Weli ma heysati BSN? Isku qor sida ugu dhaqsaha badan degmada aad degan tahay. Waxaa lagugu qoraaya

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Diiwaangelinta Asaasiga Shaqsiga(BRP)
. Markaa waad hagaajinsan kartaa wax walba. Markaa waxaad tusaale ahaan ka furan kartaa Nederlaan xisaabta bangiga.

Sidan ayaa loo sameysataa DigiD

Keliya 1 mar ayaa dalbaneysaa DigiD. Raac tallaabooyinkaan si aad DigiD u weydiisato:

  1. Aad www.digid.nl.

  2. Markaa riix 'Aanvragen of activeren'.

  3. Riix 'Aanvraagformulier DigiD'.

  4. Ku buuxi nambarka adeega shaqsiga, taariikhda dhalasho, boostada iyo nambarka guriga.

  5. Dooro magaca isticmaalka iyo ereyga sirta ah.

  6. Ku buuxi nambarka telefoonka gacanta iyo e-maylkaaga.

  7. Ku hubi nambarkaaga telefoonka iyo e-maylkaaga nambarada laguugu soo diro sms ama e-amaylka.

  8. Waxaad 3 beri gudahooda ku heleysaa warqad ay ku qoran tahay nambarka lagu howlgelinaayo oo boostada ka heleysid. Nambarkaasi ayaad DigiD-ga ku howlgelin kartaa.

Qofka aad la xariirto

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Ururka qaxootiga Caawiya(VWN)
ama hagahaaga bulshada ee urur kale ah ayaa kaa taageeri kara codsashada DigiD.

Sidan ayaad u hawlgelineysaa DigiD

Ma ka heshay boostada nambarka ka shaqeysiinta> Markaa hubi inaad DigiD aad 21 beri gudaheeda aad howlgelisaa. Haddii kale waa inaad mar kale dib u weydiisataa. Tixraac tallaabooyinka DigiD sida loo howlgeliyo:

  1. Aad www.digid.nliyo riix 'Aanvragen of activeren'.

  2. Riix 'Activeringscode invoeren'.

  3. Ku buuxi magaca isticmaalka iyo ereyga sirta.

  4. Ku buuxi nambarka-sms ee aad heshay.

  5. Ku buuxi nambarka howlgelinta ee aad boostada ka heshay.

  6. Riix 'Activeren'.

Hadda DigiD -gaaga wuu shaqeynayaa, iyo si amaan ah ayaad u geli kartaa websaaytyada dowlada. Waxaad hadda DigiD ku isticmaali kartaa websaaytyo badan oo dowlada. La xariirahaaga VWN ama caawiyaha bulshada oo urur kale ka socdaayaa kaa caawini kara ka howlgelinta DigiD-ga.

DigiD-gaaga waa mid adi kuu gaar ah

Digid-gaaga wuxuu ka kooban yahay magaca istimaalaha iyo ereyga sirta ah ee aad adiga dooraneyso. Maadaama ururada dowlada warbixino shaqsi ah kaa hayaan, waa muhiim inaad magaca istcmaalka iyo erayga sirta ay adiga kugu koobnaato oo aadan dad kale la wadaagin.

Haddii aad rabto in qof kale uu inuu arrimaahaga kuu hagaajiyo ee xagga dowlada, qofkaasi waad wakiilan kartaa. Marka aad qof wakiilaneyso waxey micnaheeda tahay in qofkaasi fasax heysto inuu DigiD-giisa ama keeda ay magacaaga arrimaha kuugu hagaajinayaan. Sidaa ayaa warbixintaada ku heysanaysaa oo warbixintaada u yihiin kuwo adiga kuu gaar ah iyo isla markaana qofkaasi ku caawini karaa.

Qodobkan ma ku caawiyay?