Laga soo xigtay: Studeren
Qodob

Sidaan ayaa waxbarashada u hawlgashaa Nederlaan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/19/2025, 1:15 GD

Dugsiga sare ka dib waxbarasho waad sii wadan kartaa. Waxaad wax u baran kartaa darajado kala duwan. Darajada waxbarashadaada waxey ku xiran tahay shahaadadaada dugsiga sare. Qodobkan waxaad kaheleysaa warbixin darajadaha kala duwan ee waxbarashada.

Noocyo kala duwan oo waxbarasho

Nederlaan waxaa ka jira 3 darajooyin kala duwan oo aad wax u baran karto:

  • waxbarashada dhexe shaqooyinka (mbo)

  • wabarashada sare een shaqooyinka (hbo)

  • jaamacadda, tani waxaa kale oo lagu magacaabaa waxbarashada sayniska (wo)

Halkan hoose ayaa ka aqrineysaa calaamadaha iyo nooca waxbarashada la socda.

Mbo-ga

Waxbarashada dhexe ee shaqooyinka (mbo) waa iskuul aad shaqo ka baraneyso. Waxaad tababarka-mbo dhigan kartaa ka dib marka aad hesho shahaadada-vmbo.

Mudada waxbarashada waxaad baraneysaa waxyaalo ficil ahaan ah

Mudada waxbarashada ee mbo wax kama baraneysid keliya buugaagta. Mudada waxbarashadaada waxaad aadeysaa shrikado si aad u barato sida meesha looga shaqeeyo. Sidaas ayaa ku arkay qibrad ahaan sida ay tahay ee loo shaqeeyo. Waxaa mbo bandhigaan tababaro oo darajooyin kala duwan, darajada 1 ilaa 4. Darajada 1 waxaad inta ugu badan ka baraneysaa ficil ahaan. Darajada 4 waxaad inta badan ka baraneysaa qoraal ahaan.

Waxaa tababarka ee mbo

Haddii aad dhameyso tababarka mbo waad shaqeyn kartaa ama waxbarasho ayaad sii wadan kartaa. Haddii aad wax sii baraneyso, waxaad dhigan kartaa tababar-mbo oo isla darajo la mid ah. Iyo waxaad kaloo dhigan kartaa tababarka darajada-mbo 3 ama 4 ilaa waxbarasho shaqooyinka sare (hbo).

Jidka waxbarashada shaqooyinka (BOL)

Badankooda ardayda dhigata mbo waxey dhigtaan tababarka-BOL. Waxaa tababarka-BOL ay ardayda qaadanayaan casharo aragtiyeed badan oo iskuulka ah iyo wax ay guriga uga shaqeynayaan. Intaa waxaa dheer iney ardayda maraan shaqo barasho halkaasoo ay qibrad shaqo ah ku kororsanaayaan.

Jidka waxbarashada shaqooyinka (BOL)

Ardayda dhigata mbo waxey kaloo dhigan karaan tababarka-BBL, ilaa ay jiraan 16 jir ama ka weyn yihiin. Gaar ahaan wax badan ayey shaqeynayaan 1 ama 2 beri ayey iskuul aadayaan. Ardayda waxey baranayaan iney gaar ahaan ficil ahaan iyaga wax u sameeyaan iyo qibrad kororsadaan.

Waxaad mbo dhigan kartaa noocyo kala duwan oo tababar ah, waxey ku xiran tahay waxa aad xiiseyneyso iyo hadafyadaada yihiin. Tusaale

  • Tababarka kaaliyaha maamulka

  • Tababarka makaanika

  • Tababarka kalkaalisanimo

  • Tababarka wax dubista foornada

  • Tababarka fuundi ama dhismaha

  • Tababarka tima jaraha

Hbo-ga

Waxaa waxbarashada sare ee shaqooyinka (hbo) waa iskuul aad shaqo ka baraneyso ama farsamo baraneyso marka aad qaado shahaado-havo. Ama meel aad wax dheeraad oo farsamada ah ka baraneyso ka dib waxbarashada dhexe ee shaqooyinka (mbo).

Mudada waxbarashada waxaa baraneysaa waxyaalo badan oo ficil ahaan ama aqoon aragtiyeed

Waxaa hbo mid aan ku badnayn xagga ficilka markaa mbo loo fiiriyo. Waxaad wax ku baraneysaa xagga aqoon aragtiyeedka. Casharada ka sokow waxaad sameyneysaa badiyaa mashruucyo iyo howlo adiga kuu diyaariya xaaladaha dhabta ah ee shaqada. Sidoo kale waxaad mareysaa mudada tababarkaaga shaqo barasho 1 ama kuwo dhowr ah.

Ka dib waxbarashadaada hbo

Isla sida mbo ayaa ka dib hbo dooran kartaa inaad shaqeyso shaqo xirfada aad soo baratay ah. Waxaa kaloo jiro darajo ka sareeya oo aqoonta ah iyo xirfadaha. Ama waxaad dooran kartaa inaad weli waxbarashada sii wadato, tusaale ahaan jaamacadda.

Waxaad hbo ka sameyn kartaa 3 tababaro oo kala duwan. Badiyaa dadka waxey dhigtaan hbo-bakaloorka. Ka dib bakeloorka waxaa laguu tababaray shaqo iyo waad shaqeyn kartaa

  • hbo-bakaloorka

Tababarkaan waa tababar guud oo mawduuc guud ku saabsan. Kani wuxuu soconayaa 4 sano. Ka dib markaad shahaadada soo qaado waxaa heleysaa magaca bakaloorka.

  • hbo-masterka

Ka dib bakaloorka waxbarasho ayaad sii sameyn kartaa 1 ilaa 3 sano. Mudada waxbarashadan waxaad noqoneysaa qabiir oo mawduuc gaar ah

  • Associate Degree

Waxbarashada loo yaqaan (associate degree) waa tababar 2-sano socda. Darajada dhamaadka ee (associate degree) wuxuu u dhexeeyaa mbo-4 iyo bakaloorka-hbo. Waxaad qaadista shahaadada ka dib bilaabi kartaa bakaloorka-hbo oo isla mawduucii ah.

Waxaad hbo ka baran kartaa tababaro kala duwan, sida mbo. Tababaradan si qoto dheer ayay shaqooyin kala duwan ku jiheysan yihiin. Tusaalooyinka tababaradaasi waa:

  • Tababarka kalkaaliso

  • Tababar macallinnimo

  • Tababar suxufinimo

  • Tababar Maamule

Jaamacadda (wo)

Jaamacadda Nederlaan waxaad noqoneysaa saynisyahan. Waxaadma baraneysid 1 shaqo laakiin waxaad baraneysaa waxyaalo faahfaahsan oo farsamo ama mawduuc. waxaad aadi kartaa jaamacadda haddii aad shahaado-vwo ama shahaado-hbo heysato. Sidoo kale waxaa mar mar aadi kartaa jaamacadda haddii aad sannadka koowaad ee tababarka-hbo aad qaado.

Mudada waxbarashada waxaad baraneysaa waxyaalo badan aqoon aragtiyeed ahaan ah

Mudada waxbarashadada jaamacadda waxaad baraneysaa oo baaritaano ayaa ku sameyneysaa mawduucyo ama mawduucyo ayaa si ballaaran ah. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad wax badan aqrineyso iyo baaritaan sameyneyso. Wax yar oo qibrad ficil ah ayaa sameyneysaa. Waxbarashada qaarkood waxaad mareysaa nooc shaqo barasho. Laakiin inteeda badan waa aqoon aragti ahaan.

Waxbarashada jaamacada ka dib

Haddii aad waxbarashada jaamacadda dhameyso waad shaqeyn kartaa ama waxaad sameyn kartaa PhD. PhD wuxuu micnaheeda yahay inaad afar sano dhan aad baaritaan sameyneyso 1 mawduuc gaar ah. Ka dib Phd-gaaga waxaad tahay qabiir sayniska.

Tababarka jaamacadda wuxuu ka kooban yahay bakaloor- iyo tababarka- master-ka. Waxaad dooran kartaa inaad keliya bakaloorka dhigatid. Laakiin badiyaa dadka labada bakaloor iyo master-kaba wey sameeyaan.

  • Bakaloorka

Tababarkaan waa tababar guud oo mawduuc guud ku saabsan. Kani wuxuu soconayaa 3 sano. Ka dib 3 ta sano waxaa heleysaa magaca bakaloorka.

  • Masterka

Ka dib bakaloorka waxaad weli wax sii baran kartaa 1 ilaa 3 sano oo masterka. Mudada tababarka waxaa noqoneysaa qabiir mawduuc gaar ah.

  • waxbarashada cafimaadka, tababarkan dhaqtar ayaad noqon kartaa

  • cilmi nafsiga, tababarkan waxaad ku noqon kartaa tusaale ahaan dhaqtar nafsiga

  • waxbarashada sharciga, tababarkan waxaad tusaale ahaan ku noqon kartaa sharci yaqaan, qareen ama garsoore

  • waxbarashada dhismaha, tababarkan waxaad tusaale ahaan ku noqon kartaa injiyeerka dhismaha

Mudada waxbarashadaada jaamacadda waxaa laguu tababaraayaa saynis yahan ama cilmi baare. Taasi waxey micnaheeda tahay inaan hal shaqo laguu tababareynin. Waxaad markaad waxbarashada dhameyso badiyaa ka shaqeyn kartaa shaqooyin kala duwan.

Waxaa websaaytka Study in Holland waxaa ku yaala muuqaal dhamaan waxbarashada Inglishka hbo iyo wo-waxbarashada Nederlaan. Halkan ayaa ka heleysaa warbixinta ku saabsan qarashka waxbarashada.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful