Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




  • Bilowga
  • Codsashada mideynta qoyska ee IND
Seddex naago oo wada sheekeysanaaya
Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland

Codsashada mideynta qoyska ee IND

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/22/2023, 11:17 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Maka soo baxayaan xubnaha reerkaaga sharuudaha keenista reerka? Markaa codsiga keenista reerka ayaa ka bilaabi kartaa IND. Boggan ayaa ka aqrineysaa wixii aad arrintan lagaa rabo inaad sameyso.

Waxaa codsigaaga bilaabeysaa 3 bilood gudahooda marka aad sharcigaaga deganaansho ee magangelyo

Markaad codsigaaga sii bilowdo 3 bilood gudahooda aad bilowdo, markaasi waxaa sugeysaa inuu codsigaaga sameyso sida codsiga"ka daba safrida magangelyodoonka. Codsigaasi looma baahna inaad sharuudo adag ka soo baxdo. Iyo badiyaa waa lacag la'aan.

Codsigaaga waxaad u baahan tahay dokumentiyo badan oo familkaaga ku saabsan. Sidoo kale haddii aad weli dhamaan heysanin dokumentiyada keenista reerka u dalbato

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
adeega socdaalka iyo jinsiyada (IND)
. Waa inaad ka dib markaa wixii dokumentiyo ee suura gal ah aad wada keento si aad u muujiso xariirka aad reerka la leedahay.

Codsiga reerka in laguu keeno

Waxaa jira 2 qaab oo aad keenista reerka u dalban karto ee IND:

  • Xagga Online-ka

  • Qoraal ahaan xagga boostada

Caawinaada keenista reerka

Marka aad codsaneyso keenist reerka wey dhib badnaan kartaa. waa in qofka la xariiriyahaaga ee

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama caaiyaha bulshada ee urur kale aya kaa caawin kara.

Waxan ayaa VWN kuu qaban karaan

La xariiriyahaaga ee VWN wuxuu:

  • Warbixin kaa siin karaa dacwada mideynta qoyska halka ay mareyso.

  • Wuxuu kaa caawin karaa buuxinta foomka codsiga.

  • La xiriirka IND asaga oo magacaaga ku hadlaaya inta hawshu mideynta qoyska socoto.

  • Adiga kaa caawin karaa ka jawaabista su'aalaha IND ee xariirka aad reerkaaga la leedahay.

  • Waxaa mar mar VWN ay kaa caawin karaan qarash

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    VluchtelingenFonds
    . Halkaasoo qeyb ka mid ah qarashka safarka ee dadka qoyskaaga lagu bixinaayo.

  • Kaa caaiwin karaan arrimaha la taaban karo sida isla marka qoyskaaga ay imaadaan Nederlaan oo guri la idiinka helo degmada. Tusaale ahaan codsiga ceyrta iyo kabitaanka. Ama marka aad sameysaneysid ceymiska caafimaadka ama aad iska qoreysid dhaqtarka qoyska, dhaqtarka ilkaha iyo iskuulka.

  • Marka codsigaaga dib u mideynta qoyska la diido oo ma rabtaa inaad rafcaan ka qaadato?, VluchtelingenWerk waxa ay kaa caawin kartaa inaad hesho garyaqaan.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Keenista reerka oo 3 bilood gudahood lagu codsanaayo marka sharci deganaanshaha aad hesho ka dib