Qalabka baarista stethoscoop ku sawiran qalbi gaduudan

Macluumaadka iyo daryeel caafimaadka galmada

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 3:45 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma raadineysaa daryeel iyo caafimaad ku saabsan galmada? Tusaale ahaan galmada sida amaanka, uur aan la rabin iyo xanuunada STD ga. Halkan ka aqri macluumaadka galmada ku saabsan iyo daryeelka ee Nederlaan.

Daryeelka galmada wuxuu ku saabsan yahay jirka iyo dareenkaaga

Caafimaadka galmada waa in si uu qof waliba leeyahay waayo aragnimo galmo oo amaan ah oo farxad geliya oo wanaag ku dareemaayo. Caafimaadka galmada waxey la xariirtaa jirkaaga iyo dareenkaaga marka ay timaado galmo. Waxey kusaabsan tahay mawduucyo badan. Tusaale ahaan ku saabsan

  • galmada amaanka ah

  • uur aad yeelato oo aad uurka u lahaato qaab adiga wanaag ku dareemeyso

  • inaad dareen ahaan wanaag ku dareemeyso xariirkaaga

  • fahamka sida uu galamada u shaqeeyo iyo bixinta ogolaanshaha galmada

  • daryeelka galmada iyo wargelinta transgender-ka

Qodobkan waxaan ka hadleynaa su'aalaha badiyaa ka jira arrimaha galmada. Galmada amaanka ah, std, iyo uur aan la rabin.

Waxan ayaad sameyn kartaa si aad galmada amaanka u sameyso

Ma rabtid inaad qaado std inaad uur yeelatid ama qof uur u yeeshid? Markaa waa inaad mar walba galmo badbaado leh sameysaa. Galmo badbaado leh waa mid aad wanaag ku dareemeyso oo ka hortgaysa inaad urr aadan rabin yeelato ama qof aad uur ay rabin u yeesho. Iyo waxey ka hortageysaa inaad qaado cudurada leys qaadsiiyo ee (STD). STD waa cududro leys qaadsiiyo oo aad qof kale qaadsiin karto maraka aad sameyso galmo aan badbaado ahayn.

Waxan ayaad sameyn kartaa si aad badbaado u dareento marka aad galmada sameyneyso:

  • Ha sameynin wax aadan rabin iyo samey waxa aad adiga rabto

  • Weydii lamaanahaaga iney rabto in galamada sameyso.

  • Kala tasho lamaanahaag wixii aad labadiina sameyneysaan xagga uurka iyo/ ama ka hortaga xanuunada galmada std looga hortago

  • Haddii mudada wada kulanka aadan si fiican dareemeynin. U sheeg lamaanahaaga ku dheh jooji

Halkan ka aqri wixii dheeraad ah ee loo baahan yahay inaad ogaato xaaladaha soo socda:

Ka hortagida uurka
Ka hortaga std
Wixii kaloo suura gal marka uu jiro galmada aan amaanka ahayn
Waxa suura gal ah marak uu jiro qibrad jinsi aan wanaagsanayn
Warbixin ku saabdan caafimaadka galmmada ee dadka lhbtqia+-

Waxan ayaad sameyn kartaa si aad uga hortagto uurka aan la rabin

Uurka aan la rabin waa uur aadan rabin markaasi. Taasoo aad sababo kala duwan u haysan kartoinadan markaasi uurka rabin. Tusaale ahaan adigoo uurka u leh qof aadan rabin inaad uur u yeelato, maadaama aad uurka ku talo gelin ama inaad fursad heynin aad ilmo ku koriso

Marka uu jiro uur aan la rbin waxaad aadi kartaa dhaqtarka qoyska. Dhaqtarkaasoo kaa wargelin kara wixii doorasho oo aad leedahay uurka aad heysato, inaad ilmaha dad kale siiso ama inaad iska soo xaaqdo. Kaasoo kuu diri ara daryeelka aad u baahan tahay dhaqtar dumarka, xafiiska ilmaha dadka lagu wareejiyo ama kiliniiga uurka. Dhaqtar qoyska kuguma qasbi karo inaad go'aan gaarto oo wuxuu u joogaa inuu ku caawiyo oo warbixin ku siiyo

Ilmaha oo la soo xaaqo waa mid sharciga oggol yahay Nederlaan oo amaan ah. Markaa iska soo xaaqdo ka dib weli uur waad bixin kartaa. Rajada inaad markaa ka dib dhibaato kala kulanto uurka waa mid aad u yar. Sida uu sharciga qabo ilaa 24 wiig uurka waad iska soo xaaqi kartaa. Taasoo ah waqtiga uu abuurkaasi jirkaaga banaankiisa uu ku noolaan karo. Sida badiyaa dhacdaa dhaqaatiirta ilaa 22 wiig wey ku caawini karaan. Waxaa kaloo jira taageero nafsiyan ah oo lacag la'aan ah haddii aad go'aansato inaad uurka iska soo xaaqdo. Markaa waxaa jira dad kaa caawini kara nafsiyan ahaan sidaad uga gudbi lahayd marxalada uur soo xaaqida ka dib.

Qodobkan ma ku caawiyay?