Laga soo xigtay: Arthur Krijgsman
Qodob

Dugsiga hoose dhexe

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/7/2025, 7:43 GH

Ilmaha jira 4 ilaa iyo 12 jir ayey aadayaan dugsiga hoose. Dugsiga hoose wuxuu leeyahay 8 fasal. Ilmaha waa waajib iney iskuul aadaan laga bilaabo 5 jir laakiin badiyaa ilmaha Nederlaan laga bilaabo 4 sano ayey aadaan dugsiag hoose. Boggan ka aqri wax walba oo ku saabsan dugsiga hoose.

Waxbarashada dugsiga hoose waa lacag la'aan iyo waajib

Dugsiga hoose waxaa loogu talagalay carruurta da'doodu u dhaxayso 4 ilaa 12. Ilmahaagu wuxuu bilaabi karaa dugsiga hoose fasalka ilmaha (kooxda 1 iyo 2) oo dugsiga hoose 4 jirka, laakiin tani looma baahna. Inta badan carruurta waxay bilaabaan da'da 5 jirka. Laga bilaabo da'daas, xaadiritaanka dugsiga hoose waa qasab. Tani waxay khusaysaa dhammaan carruurta Nederlaan. Waxbarashada aasaasiga ah waa bilaash

Waa muhiim inuu ilmahaaga uu luqada Nederlaanka si ku filan u fahmayaa oo ugu hadlaaKa hor intaan ilmahaaga aadin dugsiga hoose, wuxuu sii aadi karaa waxbarashada hore-iyo xanaanada. Taasi wa ilmaha da'da 2,5 ilaa 4 sano. Ilmahaaga kuma qasbana inuu aado. Laakiin ilmahaaga wax tar ayey u leedahay. Tusaale ahaan haddii guriga aan af Nederlaanka lagu hadlin oo uu ilmaha maqlin iyo ku hadlin

Xanaanada wuxuu ilmahaaga ku baranayaa ilmo kale inuu barto oo la ciyaaro. Wuxuu baranayaa ereyo cusub iyo nambarada iyo midabyada iyo qaababka inuu aqoonsado. Mar hore uu aado iskuulka wuxuu ilmahaaga ka caawinaayaa inuu fahmo luqada. Iyo inuu si fiican u hadlaa. Ilmahaaga markaa dib u dhac la'aan (luqada) ayuu aadayaa kooxda 3 ee dugsiga hoose ayuu bilaabi karaa. Dhamaan dugsiga hoose waxey haystaan fasalka ilmaha kooxda 1 iyo 2.

Dugsiga hoose waa bilaash. Waxbarashada hore xanaanada caruurta maaha bilaash. Qadarka aad bixinayso waxay ku xiran tahay dakhligaaga. Badanaa, canshuuraha ama degmada ayaa qeyb ka bixiya.

Dugsiga hoose wuxuu ka kooban yahay 8 sano

Dugsiga hoose waxaa loo qeybiyey 8 sanad iskuuleed, ama kooxo lagu magacaabo. Marka ilmaha 4 jir yahay, wuxuu ka bilaabayaa kooxda 1. Kooxda 1 iyo kooxda 2 waxaa kaloo lagu magacaabaa fasalka xanaanada. Laga bilaabo kooxda 3 waxey ilmaha baranayaan ilmaha aqriska, qorista iyo xisaabta. Kooxda 8 waxey ilmaha sameynayaan imtixaanka dhamaadka, taasi waxaa lagu magacaabaa imtixanka 'sii gudbida'. Natiijada imtixaanka iyo talada macalinka ayaa lagu qiyaasayaa darajada darajada ilmahaaga ee dugsiga sare.

Cashada dugsiga hoose dhexe

Casharada muhiimka ah ee dugsiga hoose waxaa ka mid ah luqada Nederlaanka, xisaabta, juqraafiga, taariikhda, dabeecada iyo farsamada, sawir gacmeedka, farshaxanka iyo jimicsiga. Maado wala ilmaha darajo ayuu ku heleyaa. Darajadana waxaa lagu qorayaa warbixin. Dugsiyada hoose badankooda ilmaha sannadkii 3 jeer ayaa warbixintaasi la siiyaa.

K qeyb gaka waalidka

Waalidka waxaa la weydiinayaa iney ka soo qeyb galaan waxbarashada ilmahooda. Waxaa waalid ahaan si joogto ah xariir la leedahay macalimiinta. Tusaale ahaan waxaad aadeysaa habeenada waalidiinta. Taasi waa wada kulan macalinka iyo waalidiinta si looga hadlo sida ilmaha xaalad iskuuleedkiisa yahay.

Maalmaha iskuulka iyo maalmaha fasaxa

Ilmaha waxey wiigii aadayaan 5 beri sikuulka, isniin ilaa iyo jimce. Saacadaha iskuulka wey kala duwan yihiin iskuul walba, laakiin badiyaa subaxii ayey bilaabaan oo galabtiina wey dhamaadaan. Mudada sannad dugsiyeedka waxaa jiro fasaxyo kala duwan, sida fasaxa kuleylaha, midka Kirismaska iyo fasaxa horaanta sannadka.

Ilmaha keliya fasaxyada iskuulka kama joogaan, haddii ay jiran yihiin ama ay xaalado gaar ah darteed ay fasax loo siiyo sida aroos, aasitaan ama maalmaha ciida -iyo xuska. Waa inaad mar walba iskuulka ogeysiisaa haddii uu ilmahaaga jiran yahay ama aad iskuulka weydiisaa haddii ilmahaaga maalin gaar ah fasax uu rabo.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful