Isdhicitaanka xagga e-mailka. Whatsapp ama SMS marar badan ayaa la sameeyaa. Tuugada waxey tusaale ahaan kuu soo jiidanayaan xagga e-mailka ama SMS bixinta lacagta oo been ah. Waxey ku weydiinayaan tusaale ahaan inaad warbixintaada bangiga soo ku soo buuxiso. Halkan ka aqri waxa aad sameyn kartaa si aad uga hortagto in lagu dhaco
Isdhicitaan oo interneetka waa qaabab kala duwan. Qof ayaa wuxuu iska dhigayaa xagga Whatsapp-ka inuu yahay saaxiib ama qof familka ah oo lacag raba inuu kaa deynsado. Laakii qaabab kalena wey jiraan. Noocyadan dhicitaanka ah wey sii badanayaan waqtiyadaan
Waxaa loo soo dirayaa jeeg (been)ah Whatsapp-ka ama e-mailk-ka
Link-ka ama isku xiraha qofka baakadaha dalabka keena adigoo aan waxba dalbanin
Waxaa lasoo dirayaa codsi lacag bixin-oo been ah oo xagga Whatsapp-ka ama websaaytka sida Marktplaats
Handadaad xagga e-mailka oo ah filimada qaawanaanta daawashadeeda
Handadaad in lagaa xiraayo ama baloogaayo interneetka ama telefoonka
Tani ayaad sameyn kartaa si aad uga hortagto isdhicitaanka interneetka
Haka jawaabin e-mailka,, SMS ama fariimaha Whatsappka dadka aadan aqoon. Xitaa haddii uu qofka iska dhigaayo sida inuu yahay shaqaalaha bangiga, saaxiib ama qof familka ah
Ha riixin link-yada codsiga lacag bixinta ama baakada aadan dalbanin
Marna hakala xaajoonin handadaada iney wax sameyn doonaan
Ma shakineysaa? Iskaaga ula xariir xagga telefoonka rasmiga ee bangigaaga, saaxiibkaaga, familkaaga ama shirkada telefoonka. Ama weydii caawino qof kula fiiriya fariimahaaga.
Ma lagu dhacay xagga interneetka? Markaa qaad tallaabooyinka soo socda.
Sida ugu dhaqsaha badan la xariir bangigaaga. Mar mar ayaa bangiga lacagta soo celin karaa. Ama waxey ka hortegi karaan in tuugada ay lacag badan xisaabtaada ka baxsadaan.
Dacwad ka qor xagga boliiska
U gudbi dhicitaanka www.fraudehelpdesk.nl.Taasi af Nederlaanka keliya ayaa ku sameyn kartaa