Laga soo xigtay: Merkportaal
Qodob

Sug ilaa go'aanka codsigaaga mideynta qoyska

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/24/2025, 5:41 GD

Adeega Socdaalka - iyo Jinsiyada (IND) codsigaaga mideynta qoyska ayaa ay hadda go'aaminaayaan. Waxaadna go'aanka ka heli doontaa boostada.

Waxaa suura gal ah 2 go'aan

Ka dib marka IND go'aan ka gaaraan codsigaaga, waxaa heleysaa go'aan warqad ah. Go'aankan waa ogolaansho ama diidmo:

  • Go'aan ogolaansho: xubin reerkaaga ayaa Nederlaan imaan karo.

  • Go'aan diidmo:xubin reerkaaga ayaan loo ogolaanin inuu Nederlaan imaado.

Waxan ayaa dhacaaya marka aad go'aan ogolaansho ka hesho IND

Haddii IND ay ogolaato codsigaaga mideynta qoyska? Markaa waxaad warqad ka heli doontaa IND. Warqadan ayaa kuu sharxi doonta waxii kale oo loo baahan tahay inaad sameyso.

Codsigaaga, waxaad ku sheegtay safaarada xubnaha qoyskaaga ay u safri karaan haddii loo ogolaado inay qaataan fiisahooda. Fiisahaan waxaa loogu yeeraa

. Fiisahaan, xubnaha qoyskaaga waxay u safri karaan Nederlaan. Si ay u qaataan fiisahaan, xubnaha qoyskaaga waa inay marka hore ballan la qabsadaan safaaradda. Marka ay ballantan qabsadaan, waxay heli doonaan iimayl xaqiijin ah oo ka imanaya safaaradda oo sheegaya waxa ay u baahan yihiin inay keenaan safaaradda. Si taxaddar leh u akhri iimaylkan oo samee waxa la codsaday. Akhri qorshahan tallaabo-tallaabo ah si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Kama jiro safaarad Nederlaan ah wadanka aad ka soo jeedo? Markaa waa in xubinta reerkaaga ay wadan deriska ah oo leh safaarad Nederlaan ah aadaa. IND ayaa arrintan kaa wargelin doonta.

Ka dib marka uu xubinta reerkaaga imaado Nederlaan ayaa sharciga deganaanshaha helaayaa.

Waxan ayaa dhacaaya marka aad go'aan diidmo aad ka hesho IND

Ma soo diiday IND codsigaaga keenista reerka? Markaa waxaa xubinta reerkaaga lama siinaayo fiiso uu ku imaado Nederlaan. Adiga waad ka dacwoon kartaa go'aanka IND. Taasi waxaa ugu fiican adigoo kaashanaayo garyaqaan.

Racfaan ka qaadashada go'aanka IND

Haddii aad hesho go'aan diidmo ah, qareenku wuxuu gudbin karaa diidmo isagoo magacaaga ku hadlaya. La xiriir qareen sida ugu dhakhsaha badan. Waa inaad soo gudbisaa diidmo 4 toddobaad gudahooda markaad hesho go'aanka diidmada ah ee codsigaaga midaynta qoyska.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful