Ceymiskan caafimaadka waa inaad sameysataa marka aad heysato sharciga deganaanshaha magangelyada
Ma heshay sharci deganaansho magangelyo? Markaa waa inaad sameysataa ceymiska caafimaadka isla markii aad guri hesho. Bogaan ayaa ka aqrineysaa wixii dheeraad ah ee sameysashada ceymiska caafimaadka.
Waa waajib inaad sameysataa ceymiska caafimaadka ee asaasiga
Qof walba oo jooga Nederlaan waa waajib inuu lahaadaa ceymiska asaasiga. Markaa ceymiska asaasiga ayaa heysataa. Sida dhaqtarka qoyska, cisbitaalka, daaweynta nafsiga iyo farmashiga. Bil walba waxaad bixineysaa qadar lacag ah oo xadida si aad u isticmaasho daryeelka asaasiga. Taasi waxaa loo yaqaanaa lacagta joogtada. Sannad walba janaayo ayaa ceymiska caafimaadka dooran kartaa.
Adigaa dooran kara inaad sameysato ceymis caafimaadka oo dheeraad ah
Ceymiska caafimaadka ka sokow, waxaad sameysan kartaa ceymis buuxin oo dheeraad ah. Taasi oo lacag dheeraad ah bishii. Ceymiskaasi dheeraadka ah waxey bixineysaa qarashka siyaadada ee ceymiska asaasiga uusan bixineynin.
Tusaale ahaan ceymiska ilkaha, ceymiska haddii aad muraayado ama lens-ka u baahan tahay, ama jimicsiga (fiisoterabi). Ceymiska dheeraadka ah qasab ma aha. Sannad walba ayaad 1 janaayo ka hor aad sameyn kartaa ceymiska dheeraadka aad dooran kartaa.
Waxaad dooran kartaa xadka qarashka aad adiga iska bixineyso
Ka sokow ceymiska asaasiga waxaad kaloo bixineysaa qeyb ka mid ah qarashka caafimaadka aad isticmaasho. Taasi waxaa loo yaqaan (qarashka aad iska bixiso) "eigen risico". Waxaa ceymiska asaasiga oo qof walba oo weyn 2025 yahay qarashka uu iska biiyo ugu yaraan € 385,- sannadkii.
Sidee ayaa taasi noqanayaa? Ka soo qaad, waaad aaday dhaqtarka qoyska. Ballanta dhaqtarka qoyska looma baahna inaad iskaaga u bixiso; taasi waxey ku jirtaa ceymiska asaasiga ee aad bixiso. Laakiin haddii uu dhaqtarka qoyska daawooyin kuu qoro, (qeyb) adigaa ka bixinaayo qarashka aad iska bixiso.
Tusaale: waxaa laguu qoray daawo isku darkii ah € 500,-. Waxaad adiga marka hore bixinaaya € 385,-, waayo taasi waa qarashka aad iska bixineyso. Ceymiska wuxuu bixinayaa inta kale € 115,-.
Doorashooyin dheeraad ee qeybta aad iska bixineyso
Shirkadaha ceymiska badankooda waxey ku siinayaan inaad qarashka aad iska bixineyso ee waajibka ah inaad ka hor bil bil u bixiso. Waxaad bixineysaa ka sokow lacagta bisha walba la bixiyo, lacag dheeeraad oo qarashka waajibka ee aad iska bixineyso, Haddii aad taasi dooratay, laakiin aadan lacagta wada dhameynin? Markaa waxaa ceymiska caafimaadka ayaa kuu celinaayaa
Waxaad kaloo dooran kartaa qeybta iskaaga oo aad u sareeyo. Markaa bishii ayaad in ka yar bixineysaa, laakiin waa inaad haddii aad daryeel dheeraad u baahato adigaa daryeelka iskaaga u bixinaaya. Taasi wey fiican tahay marka aad daryeel badan u baahnayn iyo aad lacag badan oo keyd ah leedahay si aad daryeelkaasi u bixiso.