Sidaan ayaa ceymiska caafimaadka loo sameystaa
Ma ogtahay nooca ceymiska caafimaad aad rabto? Soo sameyso ceymis caafimaad. Halkan ka aqri sida taasi loo sameeyo.
Waxa ayaad u baahan tahay si aad u sameysato ceymiska caafimaadka
Si ceymiska caafimaad aad sameysato waxaad u baahan tahay warbixintan:
- Nambarka adeega haqsiga (BSN)
Nambarka bangiga ee Nederlaan
Cinwaan degaan oo sax ah
Ceymiska xagga interneetka ayaa ka sameysan kartaa
Waxaad aadaa websaaytka shirkada iyo dooro nooca ceymiska aad rabto. taasi ku samey 4 bilood gudahooda marka aad sharciga deganaanshaha hesho. Ku buuxi warbixintaada websaaytka. Waxaad markaa heleysaa e-mail cadeyn ah oo shirkada ceymiska iyo dhamaan sharuudaha ayey kuu soo dirayaan. Sannad walba ayaad dooran kartaa ceymiska caafimaadka. Taasi waa iney u dhexeysaa bilowga nofeembar ilaa dhamaadka disambar.
Ma kugu adag tahay inaad interneetka ka sameyso ceymiska? Markaa waad wici kartaa ama chat-ka ayaa kala xariiri kartaa. Ma u baahan tahay caawino? Markaa weydii caawiyaha bulshada inuu kaa caawiyo.
Hadaad doorasho qalad ah aad sameysey? Markaa 14 beri gudahooda aad ogeysiin kartaa shirkada inaadan rabin. Markaa 14 beri si lacag la'aan ayaa ceyiska u joojin kartaa oo aad mid kale u dooran kartaa.
Mar mar ayaa kabista caafimaadka lagu siin karaa
Ma leedhay daqli hooseeya? Markaa badiyaa kabsta caafimaadka ayaa heli kartaa. Taasi waa qarash ay dowlada ku siineyso si aad kuli ama qeyb qarashka bisha ee caafimaadka aad ku bixiso.