
Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aad nafsiyada ahaan si fiican dareemeynin iyo aad heysato sharci deganaansho magangelyo ah
La wadaag baraha bulshada:
Haddii aad soo qaxday welwelka, hurdo xumida, ama ku koobnaanta oo xumaada ma ahan calaamado la yaab leh. Calaamadahan waxey la socdaan caafimaadka nafsiga. Noocan caafimaadka waxey quseysaa sida aad dareemeyso. Ka aqri xaalada caafimaadka iyo waxa aad sameyn karto si aad u fiicnaato.
Welwelka waxaa badiyaa keenaa inaadan si fiican dareemeynin
Marka aad waddan kale u qaxdo caafimaad daro ayaad dareemi kartaa. Taasi waxaa badiyaa keena welwelka. Marka aad welwel leedahay, waxaad dareemi kartaa niyad jab iyo cabsi.
Dadka qaarkooda ma rabaan iney dad la xariiraan iyo waxaa dhiba kalsoonida. Taasi waxaa lagu magacaabaa xanuun nafsi ama jirada nafsiga. Marmar waxaa suura gal ah in ay sababaan xanuuno jika ah, sida xanuun iyo inaan cuntada nafsiyad loo heynin
Tani wax la yaab ah ma aha marka aad so qaxday. Welwelka waa jawaab dabiici ah oo jirka marka uu jiro xaalad adag ama dhacdo dhibaato leh. Taasi waa caadi. Badiyaa xanuunka muddo ka dib waa iska dhamaadaa. Marmar waxaad u baahan tahay caawino si aad u soo bogsato
Tani waa qaabka aad ku aqoonsan karto inaadan nafsi ahaan si fiican dareemeynin
Waxaa jira calaamado badan oo welwelka ah. Calaamadaha hoos ku qoran ayaa lagu aqoonsadaa haddii aad nafsi ahaan caafimaad u dareemeynin
hurdo la'aanta
fekerka badan
daal badan
ku koobnaanshaha oo adkaada
ilowsho badan
dhaqso loo xanaaqo
dhaqso loo ooyo ama dhaqso loo naxo
riyooyin cabsi leh
Dabcan wey jiraan calaamado badan oo ku saabsan caafimaadka nafsiyada. Ma dareemeysaa muddo dheer inaadan xaaladaada fiicnayn iyo inaad niyad jab ama welwel aan dhamaaneynin dareemeyso? Markaa waxaad qabtaa xanuun nafsiyada ah. Waxaa jiro noocyo kala duwan oo xanuun nafsiga ah. Mar mar waxaad dheheysaa tusaale ahaan inaad dhibaato nafsiyada ah aad dareemeyso ama inaad nafsiyad ahaan caafimaad dareemin.
Waxa aad adiga sameyn karto marka aad xanuun nafsiyada ah qabto
Marmar adiga ayaa waxyaalo sameyn kara aad ku soo bogsato. Hoos ayey ku qoran yihiin waxyaalaha aad tijaabin karto si aad u soo fiicnaato.
Ka hadalka wey fiican tahay
Kala hadal qof aad ku kalsoon tahay
Ka hadalka wey fiican tahay. Markaasoo aad cidlo badan dareemeynin. Weli kuuma suura geleyso inaad si fiican uga hadasho? Markaa dad kale la sameey waxyaalo ama ka hadal arrimaha nolol maalmeedka. Taasi waxey kaa caawini kartaa fekerka badan oo kaa yaraada. Sida wada kulanka asxaabta iyo familka, dadka kale oo aad ka caawiso waxyaalaha nolol maalmeedka iyo shaqooyinka tabaruca oo aad sameyso.
is mashquuli iyo ha seexanin maalintii
Xitaa haddii aad daalan tahay, isku day inaadan sariirta sii jiifanin ama aad hurdin. Taa bedelkeeda wax kale samey. Tusaale ahaan banaanka aad ku soo lugeyso ama inaad baaskiil wado. Ama samey isboortiga. Dhadhaqaaqa wuxuu sababaa inuu kaa yaraado welwelka.
Ku dadaal inaad leedahay laxan ama waxyaalo joogto ah noloshaada
Isku day in aad leedahay laxan ama waxyaalo joogto ah noloshaada. Taasi wey adkaan kartaa marka aad xerada la degan tahay dad badan ama hadii noloshaada oo dhan is bedeshay ka dib markaad soo qaxday. Laxanka wuxuu kaa caawini karaa inaad dareento inaad noloshaada maareyn karto. Isku day tusaale ahaan inaad maalin walba isla waqti go'an aad soo kacdo iyo aad seexato. Iska ilaali inaad telefishanka fiiriso saacada aad seexaneyso. Madaxaaga wuu degaayaa haddii aad taa bedelkeeda aad dhageysato muusiga ama aad wax aqriso.
Cun cunto nafaqo leh oo joogto ah
Xitaa haddii aadan niyad u hayn, isku day inaad wax cunto. Gaar ahaan seddex jeer ayaa fiican inaad wax cunto maalintii. Cun waxyaalo nafaqo lah. Cuntada nafaqada leh waxey yareysaa dareenka welwelka iyo waxey ku siineysaa tamar.
Isku mashquuli wax aad xiiseyneyso
Haddii diintaada muhiim kuu tahay, isku day inaad aado masjidka ama kaniisada. Waxyaalo kalea waad sameyn kartaa si noloshaada aad u maareyso. Tusaale ahaan inaad aado muusiiyamka ama tiyaatarka aado. Ama aad buug aqriso ama aad dhageysato muusiga. Nederlaan waxaa ka jira waxyaalo suura gal ah oo ay qaxootiga lacag la'aan ama si jaban ay u isticmaali karaan oo ah arrimaha dhaqanka sida maktabada ama muusiiyamka. Weydii dadka kale, sida hagahaaga bulshada, wixii talooyin ah.
Raadso caawino rasmi ah haddii aad dareen aan fiicnayn dareemeyso oo aan dhamaaneynin ama sii xumaanaaya
Marmar ayaa xanuunada sii xumaanayaan iyo oo nafsiyad ahaan u jiran tahay, taasi waxaa kaloo la yiraahdaa xanuunada maskaxda. Waxey micnaheeda ma aha inaad waalan tahay laakiin inaad muddo dheer xaalad daran leedahay iyo in jirkaaga iyo madaxaaga aan iskooda u bogsan karin welwelka.
Waxaa jira daryeelo ay ku caawini karaan si aad xanuunadan nafsiga aad ula macaamali lahayd iyo xaalada caafimaadka nafsiga inuu fiicnaado. Laakiin badiyaa keligaa ma suura geleyso inaad ka bogsato. Markaa waxaad u baahan tahay caawino takhasus ah in loo baahan yahay tusaale ahaan qabiir nafsiga. Hoos waxaa ku qoran in tusaale dhowr ah oo xanuunada madaxa. Haddii aad taasi aqoonsato, raadso caawino takhasus ah.
Niyad jabka
Marka aad niyad jabka leedahay waxaa badiyaa dareemeysaa niyad jab iyo inaad awood u heynin inaad wax sameyso. Waxey u muuqataa inaad waxba karin oo ay noloshaada wax micno ah lahayn. Badiyaa si fiican uma degana maskaxdaada. Haddii aad muddo dheer leedahay niyad jabka taasi waxaa ay noqon kartaa inay tahay niyad jab.
Dhibaatada ay kugu reebto dhacdada ka dib
Marka uu jiro dhacdo saameyn ku reebtay qofka xasuusyada dhibka badan ee taariikhdii hore ku soo noqnoqdo xasuustaada ama riyadaada. Badiyaa waa cabsaneysaa iyo dhaqso ayaad u naxeysaa. Wey adag tahay in dad kale la aamino iyo ma rabtid inaad dad kale la xariirto. Intaa waxaa dheer hurdada badiyaa kugu adag.
Ku xirnaansho ama balwad xagga daawada, daroogada ama qamriga
Haddii aadan nafisi karin daroogo la'aan, daawada ama qamrada waxaa suura gal ah in jirkaaga uu u bartay. Haddii waxyaalahan aad badiyaa isticmaasho si aad u nafisto ama aad joojiso fekerka badan ayaa dhibaato sababai kara.