• Bilowga
  • Daryeelka caafimaadka
  • Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aad nafsiyada ahaan si fiican dareemeynin iyo aad heysato sharci deganaansho magangelyo ah
Laga soo xigtay: Emma Bauso

Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aad nafsiyada ahaan si fiican dareemeynin iyo aad heysato sharci deganaansho magangelyo ah

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 12/11/2023, 10:46 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Haddii aad soo qaxday welwelka, hurdo xumida, ama ku koobnaanta oo xumaada ma ahan calaamado la yaab leh. Calaamadahan waxey la socdaan caafimaadka nafsiga. Noocan caafimaadka waxey quseysaa sida aad dareemeyso. Ka aqri xaalada caafimaadka iyo waxa aad sameyn karto si aad u fiicnaato.

Welwelka waxaa badiyaa keenaa inaadan si fiican dareemeynin

Marka aad waddan kale u qaxdo caafimaad daro ayaad dareemi kartaa. Taasi waxaa badiyaa keena welwelka. Marka aad welwel leedahay, waxaad dareemi kartaa niyad jab iyo cabsi. Dadka qaarkooda ma rabaan iney dad la xariiraan iyo waxaa dhiba kalsoonida. Taasi waxaa lagu magacaabaa xanuun nafsi ama jirada nafsiga. Marmar waxaa suura gal ah in ay sababaan xanuuno jika ah, sida xanuun iyo inaan cuntada nafsiyad loo heynin

Tani wax la yaab ah ma aha marka aad so qaxday. Welwelka waa jawaab dabiici ah oo jirka marka uu jiro xaalad adag ama dhacdo dhibaato leh. Taasi waa caadi. Badiyaa xanuunka muddo ka dib waa iska dhamaadaa. Marmar waxaad u baahan tahay caawino si aad u soo bogsato

Tani waa qaabka aad ku aqoonsan karto inaadan nafsi ahaan si fiican dareemeynin

Waxaa jira calaamado badan oo welwelka ah. Calaamadaha hoos ku qoran ayaa lagu aqoonsadaa haddii aad nafsi ahaan caafimaad u dareemeynin

  • hurdo la'aanta

  • fekerka badan

  • daal badan

  • ku koobnaanshaha oo adkaada

  • ilowsho badan

  • dhaqso loo xanaaqo

  • dhaqso loo ooyo ama dhaqso loo naxo

  • riyooyin cabsi leh

Dabcan wey jiraan calaamado badan oo ku saabsan caafimaadka nafsiyada. Ma dareemeysaa muddo dheer inaadan xaaladaada fiicnayn iyo inaad niyad jab ama welwel aan dhamaaneynin dareemeyso? Markaa waxaad qabtaa xanuun nafsiyada ah. Waxaa jiro noocyo kala duwan oo xanuun nafsiga ah. Mar mar waxaad dheheysaa tusaale ahaan inaad dhibaato nafsiyada ah aad dareemeyso ama inaad nafsiyad ahaan caafimaad dareemin.

Waxa aad adiga sameyn karto marka aad xanuun nafsiyada ah qabto

Marmar adiga ayaa waxyaalo sameyn kara aad ku soo bogsato. Hoos ayey ku qoran yihiin waxyaalaha aad tijaabin karto si aad u soo fiicnaato.

Ka hadalka wey fiican tahay
Mashquul ahoow
Noloshaada oo ay lahaato laxan
Cunto nafaqo leh
Isku mashquuli wax aad xiiseyneyso

Raadso caawino rasmi ah haddii aad dareen aan fiicnayn dareemeyso oo aan dhamaaneynin ama sii xumaanaaya

Marmar ayaa xanuunada sii xumaanayaan iyo oo nafsiyad ahaan u jiran tahay, taasi waxaa kaloo la yiraahdaa xanuunada maskaxda. Waxey micnaheeda ma aha inaad waalan tahay laakiin inaad muddo dheer xaalad daran leedahay iyo in jirkaaga iyo madaxaaga aan iskooda u bogsan karin welwelka.

Waxaa jira daryeelo ay ku caawini karaan si aad xanuunadan nafsiga aad ula macaamali lahayd iyo xaalada caafimaadka nafsiga inuu fiicnaado. Laakiin badiyaa keligaa ma suura geleyso inaad ka bogsato. Markaa waxaad u baahan tahay caawino takhasus ah in loo baahan yahay tusaale ahaan qabiir nafsiga. Hoos waxaa ku qoran in tusaale dhowr ah oo xanuunada madaxa. Haddii aad taasi aqoonsato, raadso caawino takhasus ah.

Niyad jabka
Dhibaatada ay kugu reebto dhacdada ka dib
Ku xirnaansho ama balwad xagga daawada, daroogada ama qamriga

Waxaad caawino takhasus ka weydiisan kartaa dhaqtarka qoyska

Ma yahay xanuunkaaga mid bil ka dib aanaysan kaa bixin ama sii darsada? Markaa aad dhaqtarka qoyska. Dhaqtarka qoyska wuxuu kuu sii gudbin karaa caawiyayaal kale oo meesha u dhow. Tusaale ahaan qabiir nafsi ah, caawiyaha dhaqtarka ama kalkaalisada wax badan ka taqaana xanuunada nafsiga

Dhaqtarka qoyska badiyaa asaga kuma caawin karo si loo xaliyo xanuunada nafsiga. Laakiin dhaqtarka qoyska wuu kaa dhageysanayaa arrintaada iyo wuxuu fiirinaayaa waxa ugu wanaagsan ee kuu habboon. Dhaqtarka qoyska talooyin ayuu ku siinayaa ku saabsan hurdada iyo cuntada. Marmar ayuu ku siinayaa daao hurdo oo dhowr beri ah si aad u seexato

Qodobkan ma ku caawiyay?