Lacago waraaqo ah kala duwan oo yuuro ah
Laga soo xigtay: Cottonbro Studio
Qodob

Isbedelada noloshaada waxey saameyn ku yeelan karaan xaaladaada dhaqaalaha

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/5/2024, 1:01 GD

Hadii ay noloshaada wax iska bedelo, markaa taasi waxey saameyn ku yeelan kartaa daqligaaga iyo waxa aad bixiso. Qodobkan waxaad ka aqrineysaa goorta iyo waxa la rabo inaad sii abaabusho.

Saameynta maaliyada ee marka sharciga deganaanshaha kaa istaago ama kaa dhaco

Marka sharciga deganaanshaha kaa istaago ama kaa dhaco, markaa waxaa joogsanaaya xaqa aad u leedahay ceyrta, kabista iyo maalgelinta waxbarashada. Haddii aadan heysanin sharciga deganaanshaha, markaana laguuma ogola inaad shaqo lacag aad ku qaadato sameyso. Markaa ku dadaal inaad mar walba waqtiga la rabo aad sharciga deganaanshaha cusub ku dalbato haddii sharcigaaga aad heysato uu dhici rabo. Sharciyada deganaanshaha badankooda waxaad ku dalban kartaa DigiD xagga websaaytka IND.

Ma u baahan tahay caawinaad marka aad sharciga deganaanshaha cusub dalbaneyso? VluchtelingenWerk Nederlaan ayaa bixisa caawino iyo talooyin. Markaa sidaasi ayaa ku ogaaneysaa inaad sharciga saxda ah aad dalbaneyso.

Saameynta maaliyada ee mideynta qoyska

Haddii lamaanahaaga, ilmahaaga ama labada ay Nederlaan imaadaan, waxyaalo badan ayaa is bedelaaya oo maaliyada ah. Ma qaadataa ceyrta, markaa taasi waa in loo bedelaa ceyrta reerka. Ma qaadataa maalelinta waxbarashada, markaa waa in lamaanahaaga ay ka dalbato ceyrta degmada. Haddii ilmaha da'yarka Nederlaan imaadaan, waxaa codsan kartaa lacagta ilmaha iyo miisaaniyada ilmaha.

VluchtelingenWerk ayaa kaa caawini kara sida aad waxyaalahan u abaabuleyso, laakiin haddii sharciga deganaanshaha uu sugan yahay iyo qof walba uu

BSN (Nambarka Adeega Shaqsiga)
heysto, waxyaalo badan adiga ayaaba sameysan kara.

Saameynta maaliyada ee marka aad qof wada degeysaan ama is guursaneysaan

Haddii adiga iyo lamaanahaaga aad qaadataan ceyrta, markaa waa inaad u sheegtaa degmada marka aad isla degeysaan ama is guursaneysaan. Markaa ceyrta ayaa loo bedelayaa ceyrta labada qof. Ma heystaa mid idinka mid ah shaqo lacah ku qaato midka kalena ceyr? Markaa waxaa suura gal ah in ceyrta la joojiyo. Taasi waxey ku xiran tahay daqliga qofka shaqeeyo.

Haddii aad guursaneyso waxaad adiga iyo lamaanahaaga si toos ah u noqoneysaa lamaanaha kabista. Waxaa la fiirinaayaa labadiina daqligiina. Markaasoo kabista aad heleysaan yaraan karao ama badan karo. Ama xitaa la joojin karo haddii labadiina aad lacag badan shaqeyneysaan. Haddii kabista isbedesho, markaa taasi fariin ayaa heli doontaa waaxda Canshuuraha.

Haddii aad guursaneyso waxaad adiga iyo lamaanahaaga si toos ah u noqoneysaa lamaanaha kabista. Waxaa la fiirinaayaa labadiina daqligiina.

Saameynta maaliyada ee furiinka ama kala tegida

Haddii aadan qof isla sii wada deganayn ama aad kala tagtaan, markaa waxaa suura gal ah in kabitaanka uu is bedelo maadaama aadan weli heysanin lamaane kabista ah. Intaas waxaa dheer haddii aad caruur leedahay waa inaad bixisaa masruufka ilmaha. Taasi waa qarash aad bil walbo lamaanahaaga siineyso oo ah qarashka barbaarinta ilmo(maha).

Maka tagaayaa lamaanahaag hore guriga? Taasi markaa la socodsii degmada. degmada ayaa markaa u gudbineysa waaxda Canshuuraha.

Saameynta dhaqaalaha marka aad aabe ama hooyo noqoto

Mala degan tahay lamaane, laakiin weli ma wadaagtiin canshuurta lamaanaha. Haddii aad wadajir ilmo u dhashaan, markaa si si toos ayaad u noqoneysaan lamaanaha canshuurta kabista. Taasi waxey saameyn ku leedahay kabista aad qaadato.

Marka uu ilmo kuu dhasho, waxaad dalban kartaa lacagta ilmaha. Haddii aan daqligaaga koreynin, waxaad kaloo xaq u leedahay miisniyada ilmaha. Taasi toos ayaa u heleysaa.

Ma qaadataa kabista ijaarka, markaasi dhalashada ilmaha saameyn ayey taasi ku yeelan kartaa. Degmada ayaa dhalashada ilmahaaga u gudbinaaya waaxda Canshuuraha. waaxda Canshuuraha waxey dib u xisaabinaayaan waqtigaasi kabistaada ijaarka intuu yahay.

Saameynta dhaqaalaha marka aadan sii shaqeyneynin

Haddii heshiiska shaqada aan la cusooneysiinin adigana aad shaqeysey 6 bilood ka badan, markaa waxaad ceyrta shaqo la'aanta- WW ka weydiisan kartaa UWV. Ma soo shaqeysey wax ka yar 6 bilood ama saacado yar wiigii ma sahqeysey? Markaa weydiiso ceyrta degmada. Ma ka sii heysatay ceyr degmada, laakiin mana heysatay shaqo? Markaa u sheeg degmada in shaqada kaa istaagtay. Degmada ayaa fiirineysa haddii qarashka ceyrta laguu kordhin karo.

Saameynta dhaqaalaha marka aad waxbaraneyso

Haddii aad Nederlaan wax ka baraneyso, markaa waxaad dalban kartaa maalgelinta waxbarashad. Waxaad heleysaa qarashka asaasiga waxbarasho. Taasi waa lacagta dowlada taasoo (qeyb ka mid ah) ku bixineyso qarashka waxbarashada. Xadka maalgelinta waxbarashada waxey ku xiran tahay qaabka aad u degan tahay. Haddii aad keligaa degan tahay waxaa heleysaa lacaga badan, marka loo fiiriyo haddii aad waalidkaaga gurigooda la degan tahay.

Haddii waalidkaaga ay wax yar ama aysan bixin karin waxbarashadaada, markaa waxaa suura gal ah inaad hesho qarash waxbarasho dheeraad ah.

Waxaad maalgelinta waxbarashada ka weydiisan kartaa adigoo DigiD isticmaala

Dienst Uitvoering Onderwijs (DUO)
. taasi samey ugu yaraan 3 bilood ka hor intaadan bilaabin waxbarashada. Sidaa ayaa ku ogaaneysaa hubaal inaad wax walba waqtigeeda ku habeysey.

Hadii aad waxbaraneyso waxaad badiyaa xaq u leedahay badeecada-OV. Taasi waa badeecad safarka oo ardayda. Taasoo aad ku safri karto ama wiiga gudahiisa ama wiigendiga oo lacag la'aan ah. Badeecadani safarka ardayda waxaad ku dalbaneysaa DigiD gaaga oo ka dalbaneysaa DUO. Markaasina waxaad u baahan tahay kaarka-OV.

Saameynta dhaqaalaha marka aad waxbarashada joojiso

Ma go'aansatay inaad joojineyso tababarka ama waxbarashada? Markaa waa inaad maalgelinta waxbarashada iyo sheyga safarka ee ardayda aad joojisaa. Haddii aad waxbarasho sii wadin wax xaq ah uma sii lihid kuwaasi. Haddii aad isticmaasho maalgelinta waxbarashada iyo mida safarka ardayda, markaasi waa inaad lacagta dib u bixisaa. Waxaa kaloo ay kugu dalacaayaan ganaax.


Maxey kula tahay qodobkan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful