Qof ayaa sameyneysa baarista uurka.
Laga soo xigtay: Pexels / Shvets Production

Sameynta tijaabada uurka

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 3:43 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma u maleyneysaa inaad uur leedahay? Markaa waad sameyn kartaa tijaabada uurka. Boggan ayaa ka aqrineysaa qaabka aad Nederlaan u sameyneyso tijaabada uurka u sameyn karto.

Waxaad u maleysaa inaad uur leedahay

Wey dhici kartaa in caadadaada imaado waqti ka dambeeya intii caadiga ahaa. Iyo waxaa suura gal ah inaad xanuun dareemeyso ama naasaha ku xanuunaayo. Haddii aad u maleyso inaad uur leedahay, markaa tijaabo ayaad ayaad sameyn kartaa oo kaadida ah. Taasi waa mid lagu kalsoonaan karo iyo aad ka gadan karto farmashiyaha ama dukaanaka alaabtaasi gada.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo baaritaanka ah

Waxaa jira noocyo kala duwan oo baaritaanka ah oo la helaayo. Qaarkood waxey leeyihiin shaashad yar ku qoran "zwanger" ama "niet zwanger". Baaritaanada kale waxey isticmaalaan calaamada ku dar ama calaamada ka dhin oo sheegaaya haddii aad uur leedahay. Waxaad ka aqrinrysaa qoraalka la socda baaritaanka marka aad baaritaanka sameyneyso iyo sida aad u sameyneyso.

Waxaa qarashka baaritaanka uurka yahay

Tijaabada uurka sikaaga ayaad u gadan kartaa waana inta u dhexeeya € 5,- iyo € 15, Waxaa jira tijaabooyinka oo magacyo kala duwan ah. Waxaad dooran kartaa midka adiga kugu habbon.

Waxaad tijaabada sameyneysaa waqtiga caadada kugu dhici lahayd ka dib

Waxaa badiyaa ugu fiican inaad tijaabada sameso maalin ka dib marka caadi ahaan caadada kugu dhici lahayd. Markaa waa in hormoonaad uurka oo kaafi ah (hCG) jirkaaga lahaadaa si natiijada noqdo mid lagu kalsoonaan karo.

Ma sheegayaa tijaabada inaadan uur lahayn, laakiin weli caado kuguma dhicin? Waa inaad ku fekertaa inaad tijaabo cusub sameysaa.

Sida uu uurka u sii socon doono, waxey ku xiran tahay xaaladaada

Haddii aad ogaato inaad uur leedahay, waa inaad ku fekertaa waxa aad rabto inaad sameyso. 2 wax ayaa ka dooran kartaa

  • Waxaad rabtaa inaad uur lahaato oo aad 9 bilood ka dib ilmaha dhasho.

  • . Si aad fileynin ayaad uur ku qaaday oo waxaad rabtaa inaad uurka joojiso.

Waxaad ballan la samaysanay dhakhtarkaaga qoyska si aad ugala hadasho uurka. Kadib waxaad heli doontaa taageero caafimaad. Xitaa haddii aad shaki ka qabtid uurka, waxaad kala hadli kartaa tan dhakhtarkaaga qoyska.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Markaad uur leedahay Nederlaan