• Bilowga
  • Ka sameysashada ballanta dhaqtarka qoyska marka aad uur leedahay
Kala hadalka dhaqtarka qoyska ee uurka.
Laga soo xigtay: Pexels / Mart Production

Ka sameysashada ballanta dhaqtarka qoyska marka aad uur leedahay

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 5/1/2024, 2:35 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Uur ma leedahay? Markaa ka sameyso ballan dhaqtarka qoyska. Waxaad ka wada hadleysiin waxa taasi ay micnaheeda tahay. Dhaqtarka ayaa kuu gudbinaaya daryeelka kugu habboon. Tusaale ahaan umulisada. Boggan ayaa ka aqrineysaa wixii kaloo dheeraad ah.

Ka sameysashada ballanta dhaqtarka qoyska marka aad uur leedahay

Haddii ay tijaabada ka soo baxdo inaad uur leedahay, ka sameyso dhaqtarka qoyska ballan. Haddii aad ka shakisan tahay tijaabada waxaad aadi kartaa dhaqtarka qoyska. Haddii aad uur leedahay, kala tasho dhaqtarka qoyska waxa aad hadda u baahan tahay. Koleyba 2 ayaa kala dooran kartaa

  • Waad ku faraxsan tahay uurka iyo waxaad rabtaa inaad ilmaha dhasho.

  • . Si aad fileynin ayaad uur ku qaaday oo waxaad rabtaa inaad uurka joojiso.

Haddii aad ka shakineyso uurkaaga

Waxaa suura gal ah inaadan ogayn go'aanka kuu wanaagsan wuxu yahay. Haddii aad warbixin dheeraad u baahan tahay ama aad shakineyso, waad la tashan kartaa dhaqtarkaaga qoyska. Haddii aad wadahadalka ka dib weli aadan hubin, mar kale ayaad dhaqtraka qoyska la hadli kartaa.

Waxaa kaloo suura gal ah inaad ballan sameysato si qarsoodi ah oo cisbitaal gaar ah, haddii aadan rabin inaad dhaqtarka qoyska la tashato. Halkaasi waxaad la hadleysaa dhaqtar kaa caawiaaya inaad doorasho fiican sameyn karto.

Waxaa fiican inaad ogaato in dhaqtarka qoyska iyo dhaqtarka cisbitaalka akle iney warbixintaada si kalsooni ah u xafidayaan oo aysan marna aan dad kale loo sheegeynin. Tani waa sirta shaqada.

Haddii aad rabto inaad uurka joojiso

Haddii aad doorato inaad joojiso uurka, waa inaad daryeelka sii qorsheysaa. Waxaa jira waxyaalo dhowr ah oo suura gal ah si uurka loo joojiyo. Kala tasho dhaqtarka waxa adiga kuugu wanaagsan ee xaaladaada ku habboon waxa ay tahay.

Waxaa Nederlaan jira dhowr arrin oo sharci iyo amaan ah. Daryeek wuxuu kaloo leeyahay saameyno aan fiicnayn haddii aad waqti kale aad rabto inaad uur yeelato iyo aad ilmo dhasho.

Marka la joojinaayo uurka waa la oggol yahay ilaa mudada uu abuurka uu jirka banaankiisa ku noolaan karo. Taasi waxey micnaheeda tahay in iska soo xaaqida la oggol yahay ilaa wiiga 24 aad ee uurkaaga. Muddadaa ka dib waxaa keliya uurka la joojin karaa haddii ay jiraan xaalado aad u daran oo dhibaato caafimaad ah.

Haddii aad rabto inaad uurka sii wadato, waxaad yeelaneysaa umuliso

Haddii aad go'aansato inaad ilmaha dhasho, dhaqtarka qoyska ayaaadiga iyo haddiuu rabo lamanahaaga idiinka caawin kara sidaad umuliso u heshaan. Waa muhiim in aad dhaqso ula xariirtaa umulisada si aad u hesho daryeelka iyo hagista kugu habboon mudada uurkaaga.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Markaad uur leedahay Nederlaan