Naag taleefoonkeeda ku hadleysa xerada dejinta dhexdeeda

Nolosha xerada mudada aad guriga sugeyso

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 5/1/2024, 9:06 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Ma heysataa sharci deganaan magangelyodoon iyo xerada Xarunta dhexe een Dejinta magangelyodoonk (COA) ku sugeysaa guri? boggan ayaa warbixinada muhimka ah ka heleysaa ee xaaladaada.

Waad sii joogeysaa xerada ilaa aad guri ka hesho

Ka dib marka sharciga deganaansho ee magangelyo

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
ka hesho adeega Jinsiyada iyo Jinsiyada (IND)
ka hesho, waxaa ay kuu dooreysaa
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
COA
degmada. Degmada waa iney sida ugu dhaqsaha badan guri kuugu helaan. Maadaama guri yaraan ka jiro Nederlaan, markaa taasi muddo ayey qaadaneysaa ilaa guri laga helaayo. Ilaa waqtigaasi waxaad joogeysaa xerada COA.

Waa kuwan xaquuqdaada iyo waajibaadka hooysiinta

Haddii aad sharci deganaansho heysato, waxaad xaq u leedahay tashiilaadka COA: Sida:

  • Waxaad heleysaa lacagta lagu noolaado iyo tan cuntada. Weli ma dalban kartid ceyrta. Taasi waa keliya marka aad gurigaaga u guurto.

  • Waxa weli heysanaysaa caafimaadka ee xagga COA. Weli waxaad hoos imaaneysaa

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Nidaamka Caafimaadka magangelyada (RMA)
    . Markaa looma baahna inaad iskaaga ceymis caafimaad u sameysato. Taasi waxaa keliya sameyneysaa markaad u guurto guri kuu gaar ah.

Waxaa kaloo kugu waajib ah weli waajibka isxaadiriska ee COA. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad 1 jeer wiigii inaad iska xaadiriso COA.

Waxaa codsan kartaa reerka in laguu keeno

Ma la soo ogolaaday codsigaaga magangelyada iyo ma rabtaa inaad xubno reerkaaga Nederlaan kuu imaadaan? Markaa waa inaad 3 bilood gudahooda marka aad sharciga hesho ka dib aad weydiisato mideynta qoyska. Waxaa go'aaminaaya IND iney xubnaha reerkaga imaanayaan Nederlaan iyo in kale.

Mar mar muddo ayey qaadataa ilaa guri laguu helaayo, oo aad weli deganaato xerada COA degan tahay marka IND go'aamineyso in reerkaaga Nederlaan imaan karaan. Reerkaaga markaa wey imaan karaan Nederlaan. Waxey iyagana joogayaan xerada CAO.

Waxaa La joogi kartaa reer dad soo dhaweynta

Haddii aad sharci deganaansho magangelyo heysato oo aad guri kuu gaar ah sugeyso, waxaad si muddo ah ula joogi kartaa qoys loo martiyo. Reerka loo martiyo wuxuu ka koobnaan karaa asxaabta, familka ama xitaa dad aadan aqoonin oo iska soo qoray iney qoys loo martiyo noqdaan. Haddii COA ogolaato codsigaaga ogolaato, ma leedahay mudad la soo joogista ma lihid isxaadirinta waajibka ah ee xerada.

Qodobkan ma ku caawiyay?