• Bilowga
  • Waxan ayaad sii habeyneysaa dhalmada ka dib
Ilmaha sariirta ayuu jiifaa.
Laga soo xigtay: Pexels / Kampus Production

Waxan ayaad sii habeyneysaa dhalmada ka dib

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 5/1/2024, 9:10 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Markuu ilmaha dhasho ka dib dhowr wax ayaa waajib ah inaad sameyneyso. Boggan ayaa ka aqrineysaa wixii dheeraad ah.

Ka dadaal caafimaadkaaga dhalmada ka dib

Dhalmada ka dib waxaad dhawr baaris ayaa ka samayn kartaa umulisada, dhakhtarka haweenka ama kan qoyska. Waxay eegi doonaan inaad si fiican uga soo kabanayso dhalmada iyo inaad u baahan tahay daryeel dheeraad ah.

Weli ma weydiisanin daryeel umul bixis? Markaa sida ugu dhaqsaha badan u samey maka uu ilmaha dhasho

Haddii aanad qabanqaabin daryeelka hooyada muddada uurkaaga, u diyaari sida ugu dhakhsaha badan dhalmada ka dib. Kalkaalisada hooyadu waxay kugu taageeri doontaa guriga maalmaha ugu horeeya. Nederlaan gudaheeda waa wax caadi ah in lala socdo caafimaadka iyo koriinka ilmahaaga ilaa da'da 4 jir. Tan waxaa lagu samayn karaa dhakhtarka qoyska xagiisa, laakiin dadka intooda badan waxay aadaan rugta caafimaadka

Dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal ayaa ka shaqeeya rugta caafimaad. Waxay si wadajir ah u qiimeeyaan caafimaadka dhammaan carruurta da'doodu u dhaxayso 0 ilaa 4 sano. Carruurtu waxay sidoo kale ka helaan tallaalada Barnaamijka Talaalka Qaranka ee rugta caafimaadka.

Waa muhiim inaad ballan ka sameysataa oo kantaroolo ay umulisada sameyso dhalmada ka dib. Dhaqtarka qoyska warbixinta weydiin kartaa.

Waa inaad ilmahaaga ka qortaa degmada iyo in la aqoonsado ilmaha

Waa in 3 maalmood gudahooda dhalashada ka diiwaan gelisaa ilmahaaga degmada uu ku dhashay. Kadib waxaad heli doontaa shahaadada dhalashada. Tani waa dukumeenti rasmi ah oo muhiim ah. Tusaale ahaan, waxaad u baahan tahay si aad u codsato gunnada carruurta.

Miyaanad guursanayn ama miyaadan lahayn lamaane diiwaangashan oo aad la leedahay waalidka kale ee ilmahaaga? Markaa adiga ama lammaanahaagu waa in aad ku aqoonsataan ilmaha degmada. Waxa aad sidan samaynaysaa isla marka aad ilmahaaga ka diwaangelinayso degmada. Tani waxay ku siinaysaa waalid ahaan xuquuq iyo waajibaad isku mid ah. Tani waxa kale oo loo yaqaan maamulka waalidka.

Waxaa Juridisch Loketayaa warbixin dheeraad ah ku siin kara.

Ilmahaaga ku dar ceymiska daryeelka caafimaadkaaga

Hubi in ilmahaaga lagu daro caymiskaaga caafimaadka. Uma baahnid inaad u habayso caymis caafimaad oo gaar ah ilmahaaga. Waxaad haysataa dhawr toddobaad oo aad ka diiwaan geliso ilmahaaga caymiskaaga caafimaadka.

Weydiiso gunnooyinka aad xaq u leedahay

Dhammaan waalidiinta Nederlaan waxay xaq u leeyihiin gunnada carruurta. Kani waa gunno aad helayso haddii aad leedahay hal ama dhawr carruur ah. Tani waa lacag aad ka hesho dawladda si aad ugu bixiso kharashka korinta iyo daryeelka ilmahaaga. Mararka qaarkood waa inaad adigu nafsadaada ka codsataa aad daryeelka ubadka ku bixiso

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Bangiga Ceymiska ee Bulshada (SVB)
. Mararka qaarkood waxaad si toos ah u codsataa gunnada carruurta marka aad ilmahaaga ka diiwaangelinayso degmada.

Mararka qaarkood waxaad heli kartaa in laguu ogolaado kabisyo kale, sida qarashka xanaanada ilmaha, qarashkailmaha ku xiran ama kabis ceymiska caafimaadka ah.

Sameyso dardaaran qoraal ah

Marka la sameynaayo dardaaranka qoraalka waa muhiim in la qoraa qofka ilmahaaga daryeelaaya haddii labada waalid midkooda wax ku dhaco. Waxaad dardaaranka ka qori kartaa nootaayaha xagiisa. Waxaa warbixin dheeraad ka heleysaa Het Juridisch Loket.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Markaad uur leedahay Nederlaan