Qof ayaa ka howlgelinaaya taleefoonkiisa akoonka bangiga.
Laga soo xigtay: Pexels / Anete Lusina

Sida xisaab bangi looga furto Nederlaan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 5/1/2024, 9:06 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Xisaab bangi aad ayuu muhiim u yahay Nederlaan. Waxaa kuugu soo dhacaaya mashahar ama ceyr, waxaad ku bixineysaa biilalaka iyo online-ka ayaa wax uga gadan kartaa. Qodobkan ka aqri sida aad xisaab bangi u fureyso iyo waxa la rabo inaad ka taxadarto.

Warbixintan ayaad u baahan tahay si aad bangi u furato

Dokumentiyadan ayaad u baahan tahay si aad xisaab bangi u furato:

  • aqoonsi aan dhacsanayn:taasi waxey noqon kartaa baasaboor, laysan baabuur ama aqoonsi shaqsi.

  • nambarka NederlaankaNambarka Adeega Shaqsiga(BSN)Nambarkan si too ayaa u heleysaa marka aad iska soo qorto degmo.

  • Cadeynta cinwaanka:taasi ijaar ayuu noon karaa, xisaabta tamarta ama qoraalka laga soo saaro

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Diiwaangelinta Shaqsiga (BRP)
    .

Waxaa jira noocyo kala duwan oo bangi ah

Waxaa jira noocyo kala duwan oo bangi ah Nederlaan. Mid walba sharuudo iyo faaíidooyin u gaar ah leh. Halkan hoose ka aqri farqiga bangiyada soo jireenka ah iyo bangiyada online-ka ah:

Bangiyada caadiga ee jireenka ah:

  • Bixiyaan adeegyo badan oo kala duwan, sida hubinta xisaabaadka, xisaabaadka kaydka, amaahda guryaha, credits iyo maalgashiga.

  • Waxey leeyihiin xariiro shaqo ballaaran iyo faracyo xafiisyo iyo makiinadaha lacagta laga baxsado.

Tusaalooyin:ABN AMRO, ING, Triodos, Rabobank, De Volksbank (SNS Bank, ASN Bank, RegioBank).

Bangiyada online-ka:

  • Waxey adeegooda ka bixiyaan online-ka oo ma laha xafiisyo.

  • Waxey badiyaa leeyihiin qarash ka yar kan bangiyada caadiga.

Tusaalooyin:Bunq, Revolut, N26.

Waxan ayaad ka taxadri kartaa marka aad furaneyso xisaab bangi

Bangiga adiga kuu fiican, adiga keliya ayaa xadidi kara. Waa inaad ka taxadirtaa:

  • Qarashka joogtada ah ee xisaabta bangigaaga.Qarashka xisaabta bangiga waa kala duwanaan karaa bangi walba. Waxaa jira xisaabyo lacag laáan, laakiin xisaabyobangi aad lacag bixineyso bil walbana wey jiraan.

  • Noocyada shaqada aad rabto inaad hesho.Ma rabtaa xisaab bangi keyd ah inaad furato? ama credicard-ka? waxa suura gal ah bangi kasta waa kala duwan yahay.

  • Waxa uu bangiga maalgeliyo.Bangiyada lacagyo badan ayey maalgeliyaan. Bangiyada qaar ayaa maalgeliya waaritaanka, wanaaga xoolaha iyo xaquuqda bani'aadamka. Bangiyada qaar ayaa maalgeliya hubka ama shidaalka.

  • Intee in le'eg ayay dulsaarku tahayRibadu waa magdhow aad bangiga ka hesho lacagta aad akoonkaaga ku jirto. Ama qaddarka aad bixinayso haddii aad lacag ka amaahato bangiga. Haddi iyo inta dulsaar ah ee aad hesho ama ay tahay inaad bixiso way kala duwan yihiin bangi kasta. Caadi ahaan waxaad ka heli doontaa dulsaar badan koontada kaydka marka loo eego koontada lacag lagu hubiyo.

Sidan ayaan u furaneysaa xisaab bangi

Waxaad akoon bangi ka furan kartaa online ama laanta bangiga. Balan ayaa loo baahan yahay inta badan tan. Si aad uga hortagto lacagta la dhaqay, waa in aad isku sheegtaa bangiga. Tan waxaa mararka qaarkood lagu samayn karaa wada sheekaysi muuqaal ah ama in la soo geliyo koobiga aqoonsigaaga.

Sidan ayaan u shaqeysiineysaa xisaab bangi

Ka dib markaad xisaab bangi furatay, waxaad boosto ahaan u heleysaa kaarka bangiga. Waad ka shaqeysiin kartaa xisaabtaada xagga websaaytka ama app-ka bangiga.

Waxaad taageero ka heli kartaa furida xisaabta bangiga

Degmada aad ku nooshahay ayaa kaa caawin karta furitaanka xisaab bangi. Xidhiidhiyahaaga

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama lataliyaha bulshada ee urur kale ayaa sidoo kale ku caawini kara.

Ma degan tahay xero?

Haddii aad weli guri heysanin, waxaad deganaaneysaa xerada

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Xarunta Dhexe ee Dejinta Magangelyodoonka (COA)
. waxaad qaadaneysaa lacagta lagu noolaado. Waa suura gal in COA lacagta lagu noolaado kuugu soo shubto akoonkaaga YourSafe. COA lacagta kuma soo shubeyso akoon nooc kale. Sidaa awgeed waa inaad akoonkaaga YourSafe heysataa si lacagta lagu noolaado ay kuugu dhacdo.

Qodobkan ma ku caawiyay?