• Bilowga
  • Sharuudaha aad kushaqeyn karto adigoo heysta sharci deganaansho magangelyo
Nin la hadlaaya shaqo siiyaha jooga maqaasiinka.
Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland / Goedele Monnens

Sharuudaha aad kushaqeyn karto adigoo heysta sharci deganaansho magangelyo

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 5/2/2024, 12:21 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma heysataa deganaansho magabgelyo iyo marabtaa inaad ka shaqeyso Nederlaan? Markaa waxaad leedahay xaquuqda iyo waajibaadka dadka heysta baasaboorka Nederlaanka. Boggan ka aqri sharuudaha la rabo inaad ka soo baxdo si aad u shaqeyn karto.

Waxaad u baahan tahay BSN si aad u shaqeyso

Guud ahaan, loo-shaqeeyayaasha badankoodu waxay jeclaan lahaayeen inaad haysato

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Lambarka Adeegga Muwaadinka (BSN)
. Loo-shaqeeyahaagu wuxuu markaa si fudud kuugu qori karaa heshiis oo uu mushahar kuugu shubi karaa akoonkaaga bangiga. Si aad u furato akoon bangi, waxaad u baahan tahay BSN.

Haddii aad hesho BSN marka aad iska qorto

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Diiwaangelinta Shaqsiga (BRP)
. Waxaa jira 5 meelood oo Nederlaan oo aad iska qori karto. Waxaad helidoontaa casumaad si aad isa soo qorto.

Weli ma degan tahay xerada

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Xarunta dhexe ee Magangelyodoonka(COA)
Xaaladaha qaarkood wuxuu shaqo siiyaha rabaa inuu heshiis shaqo sameeyo BSN la'aan. Iyo waxaa mushaharka lagu shubaaya xisaabtaada Yoursafe ee COA haddii aadan weli heysanin BSN. Laakiin inta lacag ee Yoursafe kuugu dhici karto iyo cidii kuu shubeyso waxey ku xiran tahay nooxa xisaabta YourSafe. Ma heysatid BSN laakiin waxa heysataa Yoursafe? Weydii shaqaalaha COA ee ku caawinaaya.

Mar mar waxaad u baahan tahay Cadeynta Asluubta (VOG)

Mar mar waxaad shaqada tabaruca

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
u baahan tahay Cadeynta Asluubta Wanaagsan (VOG)
. Badiyaa ururka ayaa kuu dalbaayaa VOG. Taasi looma baahna inaad adiga sameyso. Uma baahnid
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
nambarka-BSN
si aad u weydiisato VOG dalbato.

Tani waa inaad sii abaabushaa haddii aad kabis ama ceyr aad qaadato

Ma qaadataa ceyr ama WW? Markaa waa inaad isla markii aad la xariirtaa degmada ama

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Ururka fulinta Ceymiska shaqaalaha (UWV)
si taasi loo joojiyo.

Ma qaadataa kabista, tusaale ahaan kabis ijaarka ama kabis ceymiska caafimaadka? Markaa waa inaad isla markii aad la xariirtaa Adeega Canshuuraha oo aad u sheegtaa isbedelka daqligaaga. Laga yaabe inaad kabista ka yar aad xaq u leedahay. Haddii aad u sheegin isbedelka daqligaaga isbedelay, markaa wixii dheeraad ee kabista ah waa inaad dib u bixisaa.

Tani waa inaad sii abaabushaa haddii aad weli xero qaxooti degan tahay

Laga yaabe inaad guri sugeyso oo aad weli xerada degan tahay

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Xarunta Dejinta Magangelyadoonka (COA)
.

Hadey wax iska bedelaan inta lacag aad heysato, waa inaad isla markii ogeysiisaa COA. Tusaale marka aad shaqo bilowdo Nederlaan iyo lacag aad shaqeyneyso.

Markaa laga yaabe inaad lacag siisaa COA oo ah dejintaada iyo tan reerkaaga. Inta aad bixineyso waxey ku xiran tahay inta lacag aad shaqeyneyso.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Shaqada Nederlaan laga shaqeeyo markaad sharci deganaansho magangelyo heysato