
Sidan ayaad ku heli kartaa shatiga wadista Nederlaan
La wadaag baraha bulshada:
Ma doonaysaa in aad Nederland ka hesho liisanka wadista baabuurta? Kadib waa inaad qaadataa casharo wadista baabuurta oo aad qaadatid imtixaan aragti iyo mid wax wadista sameysaa. Maqaalkan waxaad ka akhrisan kartaa sida tani u shaqeyso iyo waxa aad u baahan tahay inaad sameyso.
Haddii aad ka timid waddan ka baxsan Midowga Yurub, uma baahnid isla markiiba inaad hesho liisanka darawalnimada ee Nederlandka
Haddii aad ka timid waddan ka baxsan EU waa laguu oggol yahay inaad laysankaaga dibada aad 180 beri(6 bilood) aad isticmaasho laga bilaabo maainta aad iska diiwaangelisay Nederlaan. Ka dib waa inaad laysankaaga Nederlaan soo qaadataa adigoo maraaaya imtixaan aragti iyo imtixaan wadista ah.
Ma heysataa laysan EU ah ama Ururka Ganacsiga Xorta ah ee Yurub (EVA)?
Ma haysataa shatiga darawalnimada ee qaybta AM, A1, A2, A, B, ama BE? Markaa waxaad ku dhex wadan kartaa Nederland 15 sano, ilaa iyo inta laysinkaaga uu sii jiro
Ma haysataa shatiga wadista qaybta C1, C, D1, D, C1E, CE, D1E, ama DE? Markaa waxaa laguu ogol yahay inaad baabuur wado ugu badnaan 5 sano laga bilaabo taariikhda la bixiyay laysanka.
Ma heysataa laysan dibada oo ka weyn 15 sano aan weli dhicin? Markaa 2 sano ayaa laguu oggol yahay inaad baabuur wado laga bilaabo waqtiga aad Nederlaan soo degtay.
Iska jir:Ma heysataa laysan EU ama
Si aad laysanka darawalnimada u qaadaa waa inaad baabuur wadis iyo aragti ahaan wax u barataa
Si aad u qaadato laysanka, waa inaad ka gudubtaa imtixaanka aragtida iyo imtixaanka waditaanka.
Goormaa bilaabi kartaa?
Waxaad laga bilaabo 16 jir sameyn kartaa imtixaanka- aragtida ee laysanka baabuurta. Laga bilaabo 16,5 jir waxaad qaadan kartaa casharada waditaanka baabuurta iyo imtixaan dhexe ayaa sameyn kartaa. Haddii aad 17 jir gaarto, waxaad sameyn kartaa imtixaanka waditaanka. Haddii aad laysanka soo qaado ka hor dhalashadaada 18 aad? Markaa keliya adigoo qof ku hagaaya kula socda ayaa baabuur wadi kartaa. Laga bilaabo 18 jir si isku filnaan ayaa baabuur u wadi kartaa
Imtixaan aragti
Imtixaanka aragtida waxaa lagu tijaabinaayaa aqoontaada boorarka taraafikada, xeerarka iyo xaaladaha. Haddii aad xaaladaha qatarta leh aad qiyaasi karto. Taasi qaabab kala duwan ayaa loo sameeyaa: buuga aragtida, xagga koorsada, xag koorso la maraayo ama xag onlaynka iyadoo lagu tababarto imtixaanka. Waxaa jira websaayto lacagg la'aan ama lacag aad ku tababaran karto.
Iskaaga waad u dalban kartaa imtixaanka aragtida
Ma ku guuleysatay? Imtixaanka -aragtida waa 1,5 ayuu ansax yahay. Mudadaasi waa inaad imtixaanka wadista ku soo qaadaa. Ma u maleyneysaa inaad imtixaanka wadista watqiga ku soo qaad karin Laga bilaabo 3 bilood dhicitaanka ayaa sameyn kartaa imtixaan-aragti dib u sameyn kartaa. Ma ku dhacday? Waxaad emayl ahaan u heleysaa talooyin mawducyada loo baahan yahay inaad si dheeraad uga fiirsato imtiaanka soo socda. Adigaa go'aansanaaya waqtiga aad imtixaanka kale sameyneyso. iska fiiri:natiijada imtixaanka racfaan kama qaadan kartid.
Waxaa jira noocyo kala duwan oo imtxaanada aragtida aad sameyn karto
Imtixaanka waditaanka
Ka hor intaadan imtixaanka sameynin, waa inaad casharo ka qaadataa iskuul wadista ku bara. Mudada casharadan waxaad baraneysaa xirfadaha asaasiga ee wadista baabuurta, sida marsheynta, steerinka iyo baarkinka. Sidoo kale sida aad si amaan ah ugu wadi karto taraafikada. Mudada casharada baabuur wadista waxaad hagis ka heleysaa marka. calin wadista oo ku ag fadhiya baabuurka.
Waxaad dooraneysaa iskuul wadista baabuurka aad casharo wadista ka qaadato
Iskuulada darawalnimada waxey leeyihiin macalimiin wadista oo kaa caawinaaya barashada baabuur wadista. Iskuulada baabuur wadista badiyaa waxey bixiyaan dhowr xirmooyin kala duwan oo casharo baabuur wadista, imtixaan aragtiyeed iyo imtixaan waditaanka. Casharada wadista waxey noqdaan qiyaastii € 50-70 casharkii. Celcelis ahaan waxaa dadka ay u baahan yihiin 30-40 casharo si ay imtixaanka wadista u galaan.. Inta aad bixineyso, waxey ku xiran tahay inta casharo aad u baahan tahay iyo inaad imtixaanka 1 mar uga soo gudbeyso.
Waa inaad buuxisaa cadeynta caafimaadka
Ka hor intaadan qaadan imtixaankaaga wadista, waa inaad buuxisaa cadeynta caafimaadka. Tani waa liiska su'aalaha ku saabsan caafimaadkaaga. Waxa lagu weydiinaa, tusaale ahaan, inaad si fiican wax u arki karto, inaad daawo qaadanayso, iyo inaad qabto wax xanuuno ah oo saamayn kara baabuur wadida. CBR waxay isticmaashaa foomkan si ay u hubiso inaad si badbaado leh u wadi karto baabuur. Waxaad ku buuxin kartaa cadeynta adigoo isticmaalaya mijn.cbr.nl oo aad bixi kartaa €45,25 (qiimaha 2025). Waxaad ku gali kartaa
Wakiilasho iskuulka wadista baabuur ee imtixaanka wadista
Haddii macalinka darawalnimada u arko inaad si fiican wax u wadeyso iyo aad imtixaanka aragtida soo qaaday, waxaad dalban kartaa imtixaanka wadista. Waa inaad iskuulka wakiilataa si ay kuugu dalbaan imtixaanka wadista. Taasina waxaad ka sameyneysaa mijn.cbr.nl
Waxaad kaloo sameyn kartaa Imtixaan u Dhexeeya(TTT)
Imtixaanka u Dhexeeya (TTT) waa imtixaan tababarasho ah oo CBR, markaasoo aad la sii qabsaneysid imtixaanka iyo talooyin ka heleyso imtixaan qaadaha. axey u egtahay isla sida imtixaanka runta ah iyo waxey qaadataa 55 daqiiqo. Waxaad imtixaankansameyn kartaa marka u macalinkaaga wadista u arko inaad diyaar u tahay. Taasi badiyaa waa marka aad qeybta ugu badnayd casharada aad taqaano. Waxaa 2025 qarashka imtixaanka u dhexeeya yahay €159,35. Haddii aad mudada imtixaankan qeybaha qaarkood aad si fiican u sameyso, sida dhaqdhaqaaqyada gaarka ah, waa lagaa dhaafayaa kuwaasi imtixaanka dhabta ah.
Imtixaanka Wadista la sameeyo Xafiiska Dhexe ee Ruqsadaha wadista (CBR) waxey kaa qaadayaan imtixaan waditaanka ah. Mudada imtixaankan waa inaad imtixaan qaadaha u muujisaa inaad si amaan ah aad wax u wadi karto xaaladaha kala duwan ee taraafikada.
Imtixaanka wadista baabuurka ee dhabta ah ku kacayaa CBR waa €138,50 sannadka 2025.
Imtixaanka wadista ka dib
Waxaad isla markiiba maqli doontaa imtixaankaaga ka dib inaad ka gudubtay iyo in kale. Haddii aad gudubto, waxaad isla markiiba ka dalban kartaa laysanka darawalka degmada.
Haddii aad ku dhacdo, isla markii ayuu qofka imtixaanka kaa qaaday kuu sheegayaa qeybaha aad ku guul dareysatay. Waxaadna taasi kala hadli doontaa macalinkaaga casharada ku siiya si aad taasi ugu tababarato marka aad imtixaanka dib u sameyneyso.
Waxaa laga yaabaa inaad dib u gasho imtixaanka ugu yaraan 2 wiig ka dib.
Haddii imtixankaaga la kansalay sababtu tahay qaab halis aad u waday baabuurka? markaa waa inaad ugu yaraan 15 wiig sugtaa ilaa aad dib u sameyso imtixaanka.
Haddii aad imtixaanka dib u sameyneyso waa inaad mar kale qarashka bixisaa ee imtixaanka wadista.
Baaritaan dheeraad oo xirfada wadista
Haddii aad ku dhacdo imtixaanka baabuur wadista 4 jeer muddo 5 sano gudahooda ah, waxaa lagu heleysaa imtixaan gaar ah: 'baaritaan dheeraad oo wadista'. Markaa imtixaan qaadaha aqti dheeraad ayuu kuu hayaa iyo ku siinayaa hagis dheeraad ah. Mudada imtixaanka labadiina waad codsan kartaa nasasho. Sidoo kale wuxuu fiirinaa imtixaan qaadaha sababta aad ilaa hadda u gudbi weydey. Iskuulka wadista ayaa imtixaankan kuu abaabuli doona.
waxaad kaloo sameyn kartaa imtixaanka Cabsida inaad ku dhacdo
Si fudud ma u welweshaa mudada imtixaanada? Markaa waxaad dooran kartaa imtixaan cabsida dhicida. Tani waxey qaadataa 80 daqiiqo waxaa lagugu qori doonaa imtixaan qaade qibrad u leh dadka cabsida imtixaanka. Waad weydiisan kartaa waqti nasasho haddii loo baahdo. Imtixaankan isla markii ayaad weydisan kartaa uu macalinkaag sheego inaad diyaar u tahay. Imtixaankan cabsida waa € 195,00.
Ka codso liisanka darawalnimada degmada
Kadib marka aad gudubto, waxa aad ka heli doontaa foomka natiijooyinka CBR. Foomkan waxa uu sheegayaa in aad gudubtay oo aad codsan karto laysanka darawalnimada. Foomkan natiijada u qaad xarunta degmada ee aad ka diiwaangashan tahay. Halkaa waxaad ka dalbanaysaa laysanka darawalnimada. Waxaad u baahan doontaa dukumentiyada soo socda codsiga:
Aqoonsi aan dhacsanayn, taasi waxey noqon kartaa baasaboor ama aqoonsi shaqsi.
Sawir wajiga oo ka soo baxaaya sharuudaha rasmiga.
Ka fiiri halkan sida sawirka wajiga la rabo inuu u ekaado. Qaabka natiijada imtixaankaaga dhabta ah. CBR waxay badiyaa tan si dhijitaal ah ugu gudbisaa degmada.
Codsiga ka dib, badiyaa 5 maalmood ayey qaadataa ilaa laysanka darawalka diyaar yahay. Laysanka darawalka waa lacag. Waxa 2025 yahay € 52,10. Ma rabtaa inaad laysanka deg deg u qaadato? Markaa waxaad degmada ka bixineysaa 2025 € 39,65 oo dheeraad ah.
Ansaxnimada
Laysanka darawalnimada 10 sano ayuu ansax yahay Nederlaan. Ka dib waa inaad cusbooneysiisaa degmada. Markaa looma baahna imtixaan cusub inaad gasho. Cusbooneysiinta waa onlaynka xagga websaaytka RDW ama degmada.
Da'da ugu weyn ee baabuur la wado
Ma jiro da'ugu weyn oo baabuur wadista. Laakiin ma jirtaa 65 sano ama ka weyn? Markaa laysankaaga cusub mar walba 5 sano ayuu ansax yahay. Iyo waxaa suura gal ah in marto baaris caafimaad ka hor intaadan laysanka cusbooneysiin.