Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland / Selma van der Bijl
Qodob

Waa inaad dhaqaale ahaan arrimahan habeysaa marka xaaladda qoyskaaga is bedelo

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 2/18/2025, 9:06 GH

Haddii ay xaaladaada qoyska is bedesho, taasi waxey saameyn kartaa daqligaaga iyo qarashka aad bixiso. Haddii aad qof wada degaysaan, guursaneyso, ilmo kuu dhasho, aad qof is fureysaan, ama lammaane kaa dhinto. Maqaalkan ka aqri waxa aad habeyneyso xaaladaha isbedela ee reerka.

Qof ayaa isla degeysaan

Haddii aad qof isla degaysaan, taasi waxey saameyn ku leedahay ceyrtaada, kabista iyo sidoo kale canshuurta. Kuwan waa arrimaha ugu muhiimsan inaad habeyso:

Waa muhiim inaad rasmi ahaan isla degitaanka uga diiwaangelisaa degmada. Taasi waxaad u sameyneysaa adinkoo wadajir iskugu qoraaya isla hal cinwaan. Waxaadna iska diiwaangelin kartaa xafiiska degamada ama onlayn adigoo isticmaalaya bogga degmada.

U soo gudbi isbedelada ceyrtaada

Haddii aad labadiinaba qaadataan ceyrta, waxaa ceyrta loo bedeli karaa 1 ceyrta qoyska ah. Taasi waxey micnaheeda tahay inuu qofkiiba qadar ka yar uu helaayo. Haddii 1 idinka mid ah shaqeeyo, waxaa ceyrta uu noqon karaa mid ka yar. Waxaad la xariirtaa degmada ku siisa ceyrta iyo u gudbi xaaladiina cusub.

Isku darida daqligiina wuxuu sameyn karaa xadka kabista ijaarka iyo caafimaadka. La sicodsii Canshuuraha inaad qof wada degeysaan. Canshuuraha waxey kuu xisaabinayaan inta kabis aad heleyso.

Markii la isku daro alaabta waxaa kordhaaya qiimaha alaabta guriga. Marka ceymiska alaabta ee wadajirka ah iyo ceymiska magdhowda wuu ka jabnaan karaa iyo ceymis qiimo fiican leh.

Waad guursaneysaa ama waxaad sameyneysaa lamaanaha diiwaangashan

Marka leys guursanaayo ama wada noolaanshaha diiwaangashan waxaad dhaqaale ahaan u noqoneysaan lammaane rasmi ah xagga Canshuuraha. Taasi waxey saameyn ku yeelan kartaa kabista, ceyrta iyo canshuuraha

U soo gudbi isbedelada ceyrtaada

Haddii aad labadiinaba qaadataan ceyrta, waxaa ceyrta loo bedeli karaa 1 ceyrta qoyska ah. Taasi waxey micnaheeda tahay inuu qofkiiba qadar ka yar uu helaayo. Haddii 1 idinka mid ah shaqeeyo, waxaa ceyrta uu noqon karaa mid ka yar. Waxaad la xariirtaa degmada ku siisa ceyrta iyo u gudbi xaaladiina cusub.

Isku darida daqligiina wuxuu sameyn karaa xadka kabista ijaarka iyo caafimaadka. La sicodsii Canshuuraha inaad qof wada degeysaan. Canshuuraha waxey kuu xisaabinayaan inta kabis aad heleyso.

Markii la isku daro alaabta waxaa kordhaaya qiimaha alaabta guriga. Marka ceymiska alaabta ee wadajirka ah iyo ceymiska magdhowda wuu ka jabnaan karaa iyo ceymis qiimo fiican leh.

Hadda si wadajir ayaad u sameyn kartaa canshuur celintaada sannadlaha ah

Waxaad dooran kartaa inaad si wadajir u sameysaan canshuur celinta. Tani waxey noqon kartaa faa'iido waxaad tusaale ahaan wadaagi kartaa dhimista qaarkood. Adeega Canshuuraha ayaa taasi kaa caawini kara.

Adiga ama lammaanahaaga ma shaqeysaan? Badiyaa marka leys guursado ama lammaanaha diiwaangashan waxaad inta badan xaq u leedahay qarashka hawlgabka reerka. taasi weydii xafiiska qarashka hawlgabka in taasi si fiican loo qoray.

Waxaad dardaaranka ku qori kartaa arrimo gaar ah aad rabto. Waxaa tani kaa caawin kara nootaayo. Tani waxey gaar ahaan muhiim u tahay haddii aad caruur leedihiin. Ama aad wax gaar ah ula rabto kuwa ku dhaxlaaya.

Waxaa kuu dhalanaayo ilmo

Haddii ilmo kuu dhasho, waxbaa iyada iska bedalaaya xaaladaada dhaqaalaha. Dhalashada ilmaha ayaa sababaaya inaad adiga iyo lammaanahaaga noqotaan shuraako dhaqaale sida aya qabaan adeega Canshuuraha. Waxaad kaloo heli kartaa kabisyo gaar ah iyo lacagta ilmaha. Tani waa inaad sameysaa:

Marka uu ilmaha kuu dhasho waxaa waalidka wada degan si toos u noqonayaan lammaane kabista sda ay u aragto Adeega Canshuuraha. Waxay adeega Canshuuraha laga bilaabo waqtigaas ay ka xisaabinayaan kabista iyadoo ku saleysan daqliga wadajirka ah. Iska fiiri oo u gudbi wixii isbedelay.

Isku darida daqligiina wuxuu sameyn karaa xadka kabista ijaarka iyo caafimaadka. La sicodsii Canshuuraha inaad qof wada degeysaan. Canshuuraha waxey kuu xisaabinayaan inta kabis aad heleyso.

Lacagta caruurta waxaa bixiya

iyo waxey kaa caawiyaan qarashka barbaarinta caruurta. Badiyaa tani si toos ayaa loo habeeyaa, laakiin iska fiiri in ay wax walba sidii la rabey u dhaceen.

Mar mar waxaad dalban kartaa lacagta gaarka ee ilmaha

Ma leedahay dakhli hooseeya? Markaa waxaad xaq u yeelan kartaa miisaaniyad la xiriirta ilmaha. Tani waa taageero dhaqaale oo dheeri ah. Qadarka ayaa ku xiran dakhligaaga iyo tirada carruurta.

Waad kala tageysaan ama waad is fureysaan

Marka aad isfureysaan ama la joojinaayo wada noolaanshaha waxaa imaanaaya arrinmo badan oo maamul dhaqaale ah. Kuwani waa tallaabooyinka ugu muhiimsan.

Furiinka ka dib ma tihiin lammane kabista. Ku dadaal in wixii hadda ka dambeeya in kabista laga xisaabiyo adiga daqligaaga. Taasi u gudbi Adeega Canshuuraha, gaar ahaan haddii kabista markii hore uu ku qornaa magaca lammaanahaaga hore.

Haddii adan isla sii degnayn waa in 1 idinka mid ah iska saaraa ku qornaanshaha degamad. Tani waa muhiim xagga canshuuraha degmada iyo qarashka kale ee magacyadiina ku wada qoran. Ha iloobin inaad cinwaanka bedesho oo aad u sheegto bangiyada, ceymiska iyo xafiisyada kale.

Ma leedihiin caruur? 1 ka mid ah waalidka ay waajib ku tahay in la bixiyo masruufka ilmaha. Samey ballamo masruufka ilmaha oo taasi halagu qoro mashruuca waalidka. Xaakinka ayaa ugu dambeyn go'aaminaaya inaad si fiican u qorsheyseen.

Waxaad hagaajineysaa ceymisyada iyo hawlgabka

Iska fiiri in ceymiska aad wax ka bedeleyso furiinka dartiisa. Waxaad kaloo xasuusnaataa nidaamka hawlgabka, waayo waxaa suura gal ah in lammanahaaga hore waxaa uu xaq u leeyahay qeyb ah hawlgabka aad dhisatay.

Ka sameeya heshiisyo ku saabsan qaybinta hantidiina, sida guriga, lacagta keydka iyo hantida kale. Taasi waxaa waxa wax caawin kara dhexdhexaadiye.

Lammanahaaga ayaa dhintay

Dhimashada lammaanhaaga waxey leedahay cawaaqib dareenka iyo kuwo dhaqaale ah. Haddii uu lamaanahaaga dhinto waa inaad aasitaanka abaabushaa, taasi waxey ku kaceysaa qarash. Haddii uu lammaanahaaga leeyahay ceymiska aasitaanka, waxaa qarashka bixinaaya ceymiska ama qeybta ugu badan. Mar mar waxaad heleysaa dhaxal lammaanahaaga. Taasi waa inaad dhaqaale ahaan u dabirtaa haddii uu lammaanahaaga dhntay:

U soo gudbi isbedelada ceyrtaada

Haddii aad labadiinaba qaadataan ceyrta, waxaa ceyrta loo bedeli karaa 1 ceyrta qoyska ah. Taasi waxey micnaheeda tahay inuu qofkiiba qadar ka yar uu helaayo. Haddii 1 idinka mid ah shaqeeyo, waxaa ceyrta uu noqon karaa mid ka yar. Waxaad la xariirtaa degmada ku siisa ceyrta iyo u gudbi xaaladiina cusub.

Isku darida daqligiina wuxuu sameyn karaa xadka kabista ijaarka iyo caafimaadka. La sicodsii Canshuuraha inaad qof wada degeysaan. Canshuuraha waxey kuu xisaabinayaan inta kabis aad heleyso.

Mar mar waxaad dalban kartaa ceyrta qofka laga dhintay

Marka uu lammaanahaaga dhinto waxaa suura gal ah inaad ceyr ka weydiisato Sharciga guud ee dadka laga dhintay (ANW). La xariir

wixii sharuudaha ah.

Mar mar waxaad xaq u leedahay hawlgabka dadka laga dhintay

Haddii guur lagugu qabay ama lammaanaha diiwaangashan, waxaa suura gal ah inaad xaq u leedahay hawlgabka dadka laga dhintay. Taasi ka weydii keydka hawlgabka ama ceymiska lammaanaha.

Haddii aad lahaydeen ceymis nolosha, taasi waxey kaa caawin kartaa inaad ku bixiso qarashka joogtada. La xariir ceymiska.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful