
Sidan ayaad u mudaaharaadi kartaa Nederlaan
Nederlaan, qof walba waa loo oggol yahay inuu mudaaharaad sameeyo, xitaa haddii aadan weli haysan dhalasho Nederlaan ah. Dawladdu waxay ku soo rogi kartaa shuruudo sidaad u muujinayso. Maqaalkani wuxuu sharxayaa sida muujinta Nederland u shaqeyso.
Waxaad jira dhowr nooc oo nabad ah oo aad u mudaaharaado
Nederlaan gudaheeda waxaad u mudaaharaadi kartaa siyaabo kala duwan. Caadiyan mudaaharaadyadani waa kuwo fagaare ah. Waxaad sidoo kale u mudaaharaadi kartaa qoraal ahaan
Dadka mudaaharaadaayo looma oggola iney dil adeegsadaan. Sidoo kale mudaaharaadyada lama oggola iney nacayb u muujiyaan dad kale, asalkooda, waxa ay soo jeedaan ama diintooda. Lama oggola takoorida, sidoo kale lama oggola nacayb iyo colaad. Dowladda mudaaharaadka wey joojin kartaa haddii waxaasi ay dhacaan
Halkan hoose waxaad ka arkeysaa qaababka kala duwan ee aad u mudaaharaadi karto:
Mudaaharaad dadweyne
Mudaharaad qoran: cabasho
Siyaabaha qaar oo loo mudaaharaado waa dembi leysku xukumi karo
Haddii aad mudaaharaadeyso, tani waa inaad degmada u gudbisaa
Haddi aad rabto in aad mudaaharaado, waa in aad taas u soo sheegtaa wakhti fiican degmada aad ku mudaararaadayso. Waxaad u sheegtaa
Waxaa duqa magaalada tusaale ahaan bedeli karaa xarunta mudaaharaadka. Ama waxey kaloo asaga ama iyada ay bedeli karaan saacadda mudaaharaadka, Xagga amaanka awgiisa. Waxa laga mudaaharaadaayo lama bedeli doono. Haddii aad mudaaharaadka ka hor u gudbinin, duqa magaalada mudaaharaadka wuu joojin karaa. Degmada taasi wax bey ka qaban doontaa:
amaanka iyo caafimaadka dadka mudaaharaadaaya ama dadka jidka maraaya ayaa qatar ku jira
mudaaharaadku wuxuu keenaa dhibaatooyin xagga gaadiidka ah
xasil daro, dagaal ama fafal dembiyeed ayaa la fili karaa
Dawladda Nederlaan waa inay badbaadisaa mudaharaadayaasha
Dowladda Nederlaan waa iney ilaalisaa ka qayb qaybgalayaasha mudaaharaadka. Tusaale ahaan kuwa ka soo horjeeda haddii ay jiraan, ama haddii jawaab nacayb ay imaanayaan mudaaharaadka. Mudaaharaad walba waa inuu boliis joogaa. Boliiska ayaa sugaaya inuu mudaaharaadka amaan iyo si degan u dhoco. Waxey u joogaan amaankaaga