Laga soo xigtay: Shutterstock / Orange Pictures
Qodob

Sidee ayaa sharci loo sameeyaa Nederlaan?

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/28/2025, 8:49 GH

Hadii aad Nederlaan degan tahay waxaa dhaqso u dareemeysaa in sharciyada saameyn ku leeyihiin noloshaada. Tusaale ahaan dacwada magangelyada, mideynta qoyska ama shaqada. laakiin sidee sharciyada loo sameeyaa? Iyo yaa ka go'aaminaaya taasi? Qodobkan ayaa wax dheeraad ka aqrineysaa sida sharciyada Nederlaan loo sameeyo.

Maxey yihiin sharciyada iyo yaa sameeya?

Sharciyada waa xeerar ay soo dejisay dowladda Nederlaan oo khuseeya qof walba oo Nederlaan jooga. Dowlada iyo baarlamaanka ayaa sameeya sharciyadan.

Dowladdu waxey ka kooban tahay Boqorka iyo wasiirada. Xakuumada waxaa loo yaqaan dowlad "Rijk"ama

. Hawlaha ugu muhiimsan ee dowlada waa sameynta sharciyada, hubinta u hogaansanaanta sharciyada, iyo maamulka Nederlaan.

Baarlamaanka wuxuu ka kooban yahay laba qeybood:

iyo
. Erey kale oo baarlamaanka waa
.

Golaha Wakiilada ayaa ka kooban 150 xubnood oo ay soo doorteen dadka Nederland doorashada baarlamaanka. Golaha Wakiiladu waxa uu leeyahay laba hawlood: oo kala ah la baaritaanka waxqabadka xukuumadda, iyo ka qayb qaadashada sameynta shuruucda iyo horumarinta wax ka bedelka shuruucda.

Golaha Sare waa 75 xubnood. Xubnaha toos Nederlaanka uma soo dooranin, laakiin xagga

Xubnaha waxaa kaloo lagu magacaabaa senator. Shaqada ugu muhiimsan ee Golaha Sare waa baaritaanka in sharciyada ay soo jeediyeen Golaha wakiilada ay yihiin kuwo la fulin karo iyo sharci ahaan sax ah.

Waxaa sharciyada laga sameeyaa Golaha Wakiilada

Sharciga la soo jeediyey waa dokumenti lagu sharaxaayo sharciga cusub. Soo jeedinta waxaa soo gudbinaaya wasiirada, xoghaynta dowlada, ama xubnaha Golaha Wakiilada.

Haddii wasiirada ama

rabaan iney sharci sameeyaan, waxey weydiiyaan shaqaalaha wasaaradooda iney sameeyaan soo jeedin sharci. Shaqaalaha waxey sameeyaan soo jeedin iyo la wadaagaan golaha wasiirada iyadoo ka wada hadlayaan dhamaan wasiirada. Haddii Golaha wasiirka ku qanacsan yihiin soo jeedinta sharciga, waxaa soo jeedinta loo gudbinaayaa
. La taliye madaxbanaan ahaan ee dowladda iyo baarlamaanka waxaa Golaha ay bixiyaan talo sharciga la soo jeediyey ah.

Waxaa RvS fiirisaa haddii sharciga la soo jeediyey uu yahay mid fulin karo iyo inuusan ka soo horjeedin

. Talada iyo sharciga la soo jeediyey waxaa loo wada dirayaa Golaha Wakiilada. Golaha Wakiilada qasab kuma aha iney tlada RvS ay qaataan. Laakiin haddii talada tahay mid diidmo ah, waa in wasiirka ay quseyso uu Golaha Wakiilada u sharaxaa sida ay dowlada talada ka yeeleyso

Golaha wakiilada ayaa ka doodaya oo cod u qaadaya sharciga lasoo jeediyey

Golaha Wakiilada waxey ka munaaqashoodaan sharciga la soo gudbiyey inta doodda socoto. Markaasoo xubnaha baarlamaanka su'aalo weydiin karaan wasiirka iyo wax ka bedel sharciga soo bandhigi karaan. Waxaa ka bedekan waxaa la yiraahdaa

. Xubnaha Golaha Wakiilada waxey kaloo soo gudbin karaan mooshin ay dhaliilayaan sharciga la soo bandhigay.

Dooda ka dib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka u codeynayaan sharciga la soo bandhigay. Haddii Aqlibiyada ay u diidmo u codeeyaan sharciga la soo bandhigay, lama dhaqan geli doono sharciga. Markaa waa in wasiirka ama xildhibaanka sharciga soo fekeray uu wax ka bedelaa ama ka tanaasulaa.

Haddii ay aqlibiyada sharciga ogolaansho u codeeyaan, markaa soo jeedinta loo gubinaayaa Golaha Sare.

Golaha Sare ayaa baareysa sharciga la soo jeediyey

Golaha sare waxey ka doodayaan senatorada soo jeedintaasi. Waxey fiirinaayaan iney qaab-dhismeedkeeda fiican yahay iyo in aysan dhibaato keeni doonin. Tusaale ahaan maadaama uu Dastuurka ka soo horjeedo.

Golaha Sare soo jeedinta wax kama bedeli karo. Golaha keliya wey ogolaan karaan ama xannabi karaan keliya.

Haddii aqlabiyada diidmo u codeeyaan soo jeedinta, markaa soo jeedinta waa la soo diidayaa iyo ma noqonaayo sharci. Markaasi waa in wasiirka ama Xildhibaanka Golaha Wakiilada ee soo fekeray uu ka tanaasulaa, ama uu wax ka bedelaa oo markaa mar kale uu soo jeediyaa.

Haddii aqlibiyada Golaha Sare ay soo jeedinta ogolaadaan, markaa waxaa sharciga saxiixaaya Boqorka. Ka dib marka sharciga

lagu qoray, ayaa si rasmi ah u howlgelayaa.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful