
Maxaa ku qoran warqada mushaharkaaga?
Haddii aad shaqo heysato bil walba mushahar ka heleyso waxaa ku shaqeysaa shaqo mushahar. Bil walba shaqo siiyaha wuxuu soo diraayaa warqada mushaharka. tani waa muuqaal sida uu mushaharkaaga u dhisan yahay. Warqadan mushaharka kuma qorna keliya inta lacag aad qaadato, waxaa kaloo ku qoran inta canshuur aad bixiso iyo waxaa ku bixiso. Qodobkan waxaad ka aqrineysaa waxa kale ee warqada mushaharka ku qoran iyo maxey muhiim u yihiin.
Waxaa warqada mushaharka ku qoran warbixintaada iyo shaqadaada
Macluumaadkaaga shaqsiga iyo macluumaadkaaga shaqada
Sida magacaaga, jagadaada, taariikhda dhalashadaada, cinwaankaaga iyo akoonkaaga bangiga
Macluumaadka loo shaqeeyaha
Sida magaca iyo cinwaanka loo-shaqeeyahaaga
Taariikhda aad shaqada bilowday
Warqada mushaharka waxaa ku qoran taariikhda aad sida rasmiga aad shaqada u bilowday shaqo siiyahaaga.
Heshiiska shaqada: heshiis muddo ah ama heshiis aan xad lahayn
Warqada mushaharka waxaad badiyaa ka arkeysaa nooca heshiiska shaqada ee aad heysato. Waxaa ku qoran inaad heshiis muddo ah (oo leh taariikhda uu dhamaanaayo) ama heshiis aan waqti ku xirnayn (aan waqti dhamaad lahayn)
Heshiiska wicitaanka/ shaqaale la soo wacaayo
Heshiiska wicitaanka waa heshiis aad keliya shaqeyneyso marka uu shaqo bixiyaha ku weydiiyo. Markaa ma lihid saacado joogto ah. Shaqo bixiyaha ayaa ku wacaaya ama emailka ku diraayo marka aad shaqeyn doonto
Heshiiska sjhaqada oo qoraal ah
Waxaa warqada mushaharka ku qoran in aad heysato heshiis shaqo qoraal ah. Taasi waxey micnaheeda tahay in adiga iyo shaqo siiyahaaga aad ballamada shaqadaada warqad ku qorteen aad saxiixdeen
Lacag celiska iyo canshuuraha
Lacag celin
Warqada mushaharkaaga waxaa ku qornaan kara soo celis kala duwan. Kuwaasi waa qarashyo dheeraad ka sokow mushaharkaaga. Tusaale: qarash celiska safarka iyo qarash celiska ka shaqeynta guriga. Shaqo siyahaaga wuxuu badiyaa lacag celinta ku qoraayaa warqada mushaharka. Sidaa ayaa si sax ah u arki kataa wixii dheeraad ee aad bishaasi heshay
Canshuurta mushaharka laga gooyo
Waxaad mushaharkaaga ka bixineysaa canshuur. Lacagtaasi waa canshuur iyo qarashka waajibka. Shaqo siiyahaaga si toos ayuu uga jaraayaa mushaharkaaga.
Canshuur mushaharka
Waa inaad canshuur mushaharka aad siisaa dowladda. Waxaad bixineysaa canshuur mushaharkaaga ah, lagacta fasaxa, ama lacagta aad heshay shaqada dheeraadka
Qarashka waajibka
Kuwani waa xaddi qarash go'an aad siineyso ceymiska. Tani waxey ka dhigan tahay inaad ceymis ku jirto maqnaanshaha jirrada (WGA), shaqo la'aanta( WW), hawlgabka da'da (OP) iyo caymiska naafada (AP)
Shaqo bixiyahaaga ayaa qarashkan waajibka ah ka reebaaya mushaharkaaga oo siinaaya dowlada. Markaa ceymis ayaad ku jirtaa oo markaad jirato mushaharka wuu kuu soconayaa ama haddii aad muddo shaqo la'aan tahay
Ka dhimista canshuurta
Ka dhimista canshuurta waa dhimis canshuurta aad bixineyso. Dhimistaan oo ah inaad canshuur daqliga iyo qarashka waajibka oo ka yar inaad bixineyso. Inta ay tahay dhimista, waxey ku xiran tahay dhimista guud iyo dhimista shaqada.
Dhimista canshuurta guud
Dhimista canshuurta guud waa dhimis canshuuraha iyo khidmadaha kale aad ka bixiso daqligaaga. Dhimistaan awgeed waxaad bixineysaa canshuur yar.
Qof kasta oo ku nool kana shaqeeya Nederlaan wuxuu xaq u leeyahay qiimo dhimistan. Qadarka qiimo dhimista waxay ku xiran tahay dakhligaaga, haddii aad Nederland ku noolayd sanadka oo dhan, iyo haddii aad gaartay da'dii hawlgabka dawladda AOW
Intuu yahay canshuur dhimista guud aad heleyso 2025
Ma qaadataa wax ka yar € 28.406 sannadkii? Markaa waxaad heleysaa lacag ah ugu badnaan € 3.068
Ma qaaadataa inta u dhaxeysa € 28.406 iyo € 76.817? markaa dhimista tartiib ayey u sii yaraaneysaa
Ma shaqeysaa wax ka badan € 76.817? markaa ma heleysid dhimista gud ee canshuurta
Ka dhimista shaqada
Tani waa dhimis canshuurta. Waxaad bixineysaa canshuur yar oo mushaharkaaga. Waxaad heleysaa markiiba hal shaqo siiye oo dhimista shaqada ah. Ma u shaqeysaa shaqo siiyayaal kala duwan? Markaa keliya hal shaqo siiye ayaa dhimista shaqada heleysaa kii aad adiga sheegatao. Badiyaa waxaad dooraneysaa shaqada aad lacagta ugu badan ka shaqeyso