
Tani waa inaad ogaataa haddii aad joojineyso waxbarasho ama aad tababar cusub aad sameyn rabto
La wadaag baraha bulshada:
Haddii aad rabto inaad wax ka barato Nederlaan, waxyaalo badan waa inaad sii habeysaa. Waa inaad iska qortaa tababarka, bixisaa qarashka waxbarashada iyo mar mar waxaad heli kartaa dhaqaale ardayda. Sidoo kale haddii aad waxbarashada joojineysaa, waxaa jiro nidaamyo. Qodobkan ayaad ka aqrineysaa wixii dhaqaale ah ee lagaa rabo inaad habeysaa haddii aad waxbarasho bilaabeyso ama joojineyso.
Dhigishada tababar cusub
Tababarka kuguma habboona? Markaa tababrka waad bedelan kartaa. Markaa
Sidan ayaad wax u baran kartaa iyada oo aan hakad lahayn adiga oo kaashanaya
Ma rabtaa inaad waxbarashada joojiso?
Markaad iska tireysid tababarka
Haddii aad joojineyso tababarka-mbo, waa inaad iska tirtaa iskuulkaaga. Waxaad iskaga tiri kartaa xagga websaaytka iskuulka ama la xariiri kartaa iskuulkaaga.
Ma ku jirtaa waxbarasho hbo ama wo- waxbarasho? Markaa waa inaad iska tirtaa
Joojinta qarashka ardayda ee DUO
Qarashka ardayda iskeeda uma joogsaneyso. Waa inaad adiga iskaaga u habeysaa.
Dib u bixinta ama deeqda hadiyadda ee qarashka ardayda
Haddii aad dhigato mbo 1 ama 2, markaas deeqdaada aasaasiga ah, badeecada safarka iyo deeqda dheeraadka ah had iyo jeer waa hadiyad. Laakiin haddii aad dhigato mbo 3 ama 4, hbo ama jaamacad, markaas deeqdaada iyo badeecada safarka waxay noqon doonaan hadiyad haddii aad shahaadadaada ku hesho 10 sano gudahood. Markaas ma tahay inaad dib u bixiso. Amaahdaada waa inaad had iyo jeer dib u bixisaa.
Jooji badeecada safarka ardayga haddii aad joojiso waxbarashada
Ma joojinaysaa waxbarashadaada? Haddii ay sidaas tahay, sidoo kale jooji badeecadaada safarka ardayga. Tani samee ka hor ama maalinta shanaad ee bishan aad xaq u lahayn inaad heshid badeecadan safarka. Tani waxaad ku sameynaysaa mashiinka qaadashada kaarka OV-chipkaart.
Ma ka soo daahday? Markaa waxaad heli doontaa ganaax dhan €81 ilaa €179 bisha nuskiisa.
dib u helida lacagta casharka ama lacagta waxbarashadahaddii aad joojiso waxbarashada
Barnaamijyada waxbarashada farsamada gacanta (MBO), mararka qaarkood waxaad dib u heli kartaa (qayb) qarashkii ah. Tan ka codso DUO ka hor maalinta ugu dambeysa ee sanad dugsiyeedka.
Tababarada hbo-ama jaamacad waxaad lacag celinta ka codan kartaa iskuulka ama jaamacadda
Deynta waxbarashada bixinteeda marka aad waxbarashada dhameyso
Ma joojineysaa waxbarashada iyo ma rabtaa inaad ka dib dib u bilowdo? markaa wxaad heleysaa laba sano oo aad ka soo fekerto. Ka dib waxaa bilaabanaaya dib u bixinta deynta waxbarashada.
Waxaad bilaabeysaa dib u gudista 1 janaayo sannadka ka dib aad waxbarashada joojisey ama qalin jibisay. Deynta waxaad u bixineysaa qeybo ahaan.
Waxaad ugu badnaan heysataa 35 sano oo aad ku bixiso deynta waxbarashada ku bixiso. Inta aad bixineyso, waxey ku xiran tahay dakhligaaga iyo xaalada nololeed.