Laga soo xigtay: Canva
Qodob

Sidee guri ijaar u heli kartaa Nederlaan?

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/7/2025, 7:09 GH

Haddii aad haysato sharci deggenaansho muddo ah, waad kiraysan kartaa guri ku yaal Nederland. Laakiin waxaa muhiim ah inaad taqaan xeerarka. Maqaalkaan wuxuu kaa caawinayaa dhammaan macluumaadka aad u baahan tahay, laga bilaabo noocyada guryaha ilaa dukumentiyada aad u baahan tahay.

Guriga koowaad ee xagga degmada

Haddii aad sharci deganaansho hesho, waxaa kuu hagaajineysaa

inaadgurigaaga koowaad si wadajir ah degmada. Waxaa lagugu qoraayaa degmo taasoo mas'uul ka ah iney adiga guri kuu helaan

haddii aad si madaxbanaan u hesho guri kirada ama qolka, waa inaad tan sheegtaa. Tusaale ahaan haddii aad diidday guryaha uu degmada soo bandhigay ama haddii aad doonayso inaad degto degmo kale. U sheeg isbeddelkaasi COA iyo degmadaada cusub. Haddii aadan sameyn, degmada ma ogaanayso in aad guurtay. Sidaas awgeed, laguma yeeri doono wareysiga hore iyo

. Tani waa waajib waxayna keeni kartaa dhibaato.

Haddii aad ka tagto xerada COA oo aad iska bixiso diiwaanka, iyo aadan iska xaadirinin wiiglaha xarunta COA. Waxaa waayi doontaa xaquuqdaada meel aad seexato. Haddii aad heyato heshiis ijaar muddo ah ama aad qof la degeyso oo taasi ka dib xaalada meesha xumaato, markaa dariiqa ayaad joogtaa. Markaa mana heleysi guri kale oo ay degmadii hore kuu bandhigto oo xeradii COA ee aad ku jirtey.

Nederlaan waxey leedahay 2 nooc oo ijaarka guriga: guriyeynta bulshada iyo guryaha gaarka loo leeyahay.

Guryaha ijaarka ee bulshada

  • Guryahaan waxaa loogu talagalay dadka dakhligoodu hooseeyo

  • Kiradu waa jaban yahay, laakiin liisaska sugitaanka ayaa aad u dheer, mar mar waa sannado

  • Si aad taasi u heshaa, waa inuu dakhligaaga sannadkii ahaadaa mid ka yar xadka gaarka

  • Guryahaan waxaa qeybiya

    oo degmo walba.

xadka dakhliga guryaha ijaarka bulshada

Si aad guryaha ijaarka bulshada u heshaa, ma ahan inaad dakhli badan ku soo galaa. Dowladda ayaa sannad walba xadideysa

. Ururada guryaha waa iney xadkaasi dhowraan

2025 xeerarku waa:

Qof kali ah: Dakhligaaga sanadlaha ah ee bruto ma noqon karo mid ka sarreeya € 49.669. Laba ama in kabadan oo qof ah oo ka mid ah qoyskaaga: Wadar ahaan dakhligaaga sanadlaha ah ee bruto ma noqon karo inuu ka sarreeya € 54.847

Dakhligani waa isku darka dakhliga ay hayaan

. Ururada guryaha taasi wey baaraan. Sidaa awgeeda waa inaad tustaa
Adeega canshuuraha marka aad guriga dooraneyso. Sidaa ayaa dowladda u sugeysaa in guryaha raqiiska ah ay helaan dadka dakhligooda hooseeyo

Xeerarka deg dega: guri dhaqso ah?

Dadka qaba dhibaato aad u weyn, sababo caafimaad ama furriin, mararka qaarkood waxaa jira nidaamka degdegga ah. Markaad hesho warqad degdeg ah, waxaad mudnaanta u yeelanaysaa guri kirada bulshada ah oo waxaad sugeysaa waqti ka gaaban. Codsiga gudbinta waa mid adag oo suurtagal ah kaliya marka dhibaatooyin waaweyn oo culus ay jiraan. Codsigan ma samayn karto oo kali ah

Goormaa xeerarka deg dega heleysaa iyo marka aadan heleynin?

  • Waad heleysaa Degdeg:Waxaad qabtaa dhibaato weyn aadan waxba ka qaban karin. Tusaale gurigaaga oo aan amaan ahayn rabshado dagaal awgeed, ama sababo caafimaad ayaadan guriga u sii deganaan karin

  • Ma heleysid xaalad degdega:Ma heleysid xaalad deg dega haddii xaalada aysan ahayn mid daran. Tusaale haddii aad guri ka rabto meel kale, guriga oo kugu yar, ama ijaarka aadan iska bixin karin. Xitaa furiinka waxaa keliya aad heleysaa guri haddii ay ilmo da'yar kuu joogaan

Kani waa guryo ay leeyihiin shaqsiyaadka gaarka ah ama wakiilada guryaha. Qiimaha kirada ayaa noqon kara mid aad uga sarreeya kan qaybta kireynta bulshada, laakiin waxaad si dhakhso leh u heli kartaa guri. Milkiilayaashu badiyaa waxay dalbadaan caddeyn dakhli

Kaalmada ijaarka: caawino dhaqaale oo ijaarka

Haddii kiradaadu aysan aad u sarreyn oo dakhligaagu hooseeyo, waxaa suurtagal ah inaad heshid kabka kirada. Tani waa lacag ay bixiso dowladda oo ka caawisa bixinta kirada. Xadka kabista kirada waxay ku xiran tahay dakhligaaga, qiimaha kirada iyo qaabka qoyskaaga. Waxaad dalban kartaa kabista kirada labadaba guriyeynta bulshada ama midka gaarka loo leeyahay.

Tallaaboyinka muhiimka ah ee guri la kireysto

Raadiska guri ijaar ah

Xagga interneetka waxaad ka raadin kartaa websaaytyo sida FundaKamernetPararius. Si aad u hesho guriyeynta bulshada waa inaad iska qortaa nidaamka guriyeynta ee degmadaada(tusaale WoningNet)

Dokumentiyada loo baahan yahay

Markaad guri codsato, waxaad u baahan doontaa dukumentiyadan

  1. Koobiga baasabooorkaaga ama sharciga deganaansho aan weli aan dhicin.

  2. Cadeynta dakhligaaga(sidamushaharka intaad qaadatoee 3 bilood ugu dambeeyey).

  3. Qoraalka ka soo baxaya degmadaBasisiregistrate (BRB)ee degmadayada

  4. Mararka qaarkood waxaa kireeyaha weydiinaayay in wixii uu kaa sheegi karto mulkiilahaaga qadiimka.

Heshiiska ijaarka ka aqri si fiican ka hor intaadan saxiixin. boggan websaaytka ah dowladda ayaa ka heleysaa wa

  1. Kirada guriga bisha

  2. Debaajiga

    (lacag aad dib u helayso markaad baxeyso)

  3. Muddada heshiiska (waqti cayiman ama aan cayimanayn)

  4. Yaa ka mas'uul ah dayactirka guriga

Iska diiwaangelinta degmada

Haddii aad guri leedahay, waa inaad iska diiwaangeliso degmada aad rabto inaad degto.

. Xaquuqdaada iyo waajbaadkaaga kireyste ahaan

Kirayste ahaan waxaad leedahay xuquuq uu ilaalinayo sharciga Nederland

  • Kordhinta ijaarka:Xeerarka ijaarka waa mid sannadle oo ijaarka koraaya waana mid xajisan. Milkiilaha iskama kordhin karo ijaarka

  • Badbaadinta ka saarida guriga: Lagaama saari karo guriga si fudud. Milkiilaha waa inuu habab sharciyeed adag uu raacaa si uu heshiiska u joojiyo

  • dayactirka guriga:Mas'uuliyada dayactirka guriga waxaa loo qeybiyey adiga iyo milkiilaha. Adiga waxaa u xilsaaran tahay dayactirka yar yar, milkiilaha dayactirka waaweyn.

Haddii aad dhibatao ku qabto milkiilaha, waxaad la xariiri kartaa

xag caawino.Sidoo kale de Woonbond ayaa la xariiri kartaa oo su'aalaha ku ssabsan xaquuqdaada kireyste ahaan.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful