Laga soo xigtay: Canva
Qodob

Maxaad sameyn kartaa haddii aadan bixin karin canshuurta degmada?

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 12/10/2025, 10:43 GH

Markaad degan tahay degmo ku taal Nederlaan, waa inaad bixisaa cashuuro kala duwan, sida kharashaadka ururinta qashinka, kharashka bulaacada, iyo cashuuraha arrimaha biyaha. Ma leedahay dakhli hooseeya? Markaa waxaad mararka qaarkood bixin kartaa wax ka yar ama haba yaraatee wax cashuur ah, dhaqan loo yaqaan dhaafitaanka ‘kwijtschelding. Maqaalkani wuxuu sharxayaa cashuuraha ay tahay inaad bixiso iyo sida loo codsado ka dhaafid ‘kwijtschelding'.

Degane ahaan waxaad bixinaysaa canshuuro kala duwan oo degmada

Haddaad guri kiraysato ama aad gadatay, waxaad cashuur siinaysaa degmada. Degmadu waxay lacagtan u isticmaashaa adeegyada muhiimka ah. Qiimaynta cashuuraha dawlada waxa inta badan loo yaqaan "canshuur". Canshuuraha ugu waaweyn waa:

Canshuurta qashin-qaadista

Waxaad tan ku bixinaysaa ururinta iyo habaynta qashinkaaga. Degmada ayaa aruurisa oo habeysa qashinkaaga. Degane kasta ayaa bixinaya kharashkan, haddii aad kiraysato ama aad leedahay gurigaaga.

Canshuurta biyaha wasaqda

Waxaad kharashkan ku bixinaysaa isticmaalka iyo dayactirka nidaamka bullaacadaha. Degmadu waxay hubisaa in biyaha roobka iyo biyaha wasakhda ahi si badbaado leh u daadiyaan oo ay nidaamka bulaacaduhu ku sugnaadaan xaalad wanaagsan. Qof kasta oo degan ama mulkiilaha guriga ayaa bixinaya kharashkan.

Canshuurta ma guurtada (OZB)

Waxa kaliya oo aad bixinaysaa canshuurta hantida maguurtada ah (OZB) haddii aad leedahay guri ama dhismo. Dawladda hoose waxay lacagtan u isticmaashaa hawlaha guud, sida waddooyinka, dhirta cagaaran, ammaanka, iyo xarumaha bulshada.

Ma ku nooshahay guri shirkada keeda ah? Markaa mulkiilaha ama ururka guryuhu wuxuu bixiyaa cashuurtan.

Sidoo kale waa inaad bixisaa cashuuraha howlaha biyaha

Canshuuraha arrimaha biyaha waa canshuuraha aad siiso arrimaha biyaha. Ururka arrimaha biyuhu waa urur hubiya biyo ammaan ah, sida digada, godadka, bulaacada, iyo biyaha nadiifka ah ee aaggaaga.

Lacagtan guddiga biyuhu wuxuu ku sugayaa:

  • Ilaalinta ka badbaadinta daadadka

  • Dayactirka biyo celinta

  • Nadiifinta Biyaha wasakhda

Canshuuraha ururka arrimaha biyaha ee ugu muhiimsan waa:

  • Canshuurta Nadiifinta

Si ay u nadiifiso biyaha wasakhda gurigaaga ka imaada.

  • Canshuurta nidaamka biyaha

Si loo dayactiro godadka, webiyada, biyo celiyaha iyo heerka biyaha.

Waa inaad bixisaa cashuurahan sanad walba

Waxaad bixinaysaa cashuurta dawladda hoose iyo cashuurta arrimaha biyaha sannad kasta. Degmooyinka qaarkood, waxa lagu siinayaa 1 qiimayn oo cashuureed, halka degmooyin kalena aad helayso laba qiimayn oo kala duwan.

Qadarka aad bixinayso way kala duwan tahay degmo walba. Qadarka ayaa waliba ku xiran inta qof ee ka diiwaan gashan ciwaankaga.

Waxaad ku bixin kartaa qiimaynta cashuurta hal mar, laakiin inta badan waxaad sidoo kale bixin kartaa qayb-qayb. Adiga ayaa dooranaya qaabka aad u bixinayso.

Maxaad sameyn kartaa haddii aadan bixin karin canshuurtaada?

Haddii aad

daqli hooseeya aad leedahay, waa ay kugu adkaan kartaa inaad bixiso canshuuraha degmada. Waxaad weydiisan kartaa in lagaa dhaafo. Degmada ayaa fiirineysa daqligaaga, keydkaaga iyo qarashka joogtada.

Sidee ayaad u dalban kartaa cafis?

  • Aad bogga internetka ee degmadaada.

  • Raadi cashuur dhaaf “kwijtschelding belastingen” ama canshuur dhaaf “kwijtschelding heffingen”.

  • Buuxi foomka.

  • Soo gudbi codsiga ka hor taariikhda lagu sheegay qiimaynta.

Haddii aadan adiga tan samayn karin? waxaad caawimo ka heli kartaa ururada iskaa wax u qabso ah ama adeegyada la talinta deynta sida Schuldhulpmaatje ee degmadaada. Waxay kaa caawin karaan inaad buuxiso foomamka oo aad dalbato cafiska deynta.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful