Dadka reerka ee loo ogolaaday iney isla markii soo galaan Nederlaan marka loo ogolaado mideynta reerka
Haddii mideynta reerka la ogolaado, reerka uma baahna iney sii sugaan si ay Nederlaan u imaadaan. Golaha dowladda ayaa go'aamisay Arbacadii.
'qiyaasta safarka ka dib'
Waxaa xiiligii kuleylaha ee la soo dhaafay ay dowladda Nederlaan go'aamisay familka ama
Dadka familka waxa keliya loo ogolaa iney Nederlaan ka hor imaadaan haddii uu guri ay degaan uu jiro.
Dhaleeceyn ka timid garyaqaanada
Waxaa dowlada ay u hindistay "qiyaasta safarka-kadib" si loo yareeyo qaxootiga ka buuxay xeryaha qaxootiga. Xaalada hoyga magangelyodoonka wuxuu ahaa mid aad u daran waqtigaasi oo dadka dariiqa ayey seexanayeen habeeno badan xerada leyska dhiibo ee Ter Apel.
Si ay ahaataba, waxaa khubarada sharciga ay uga sii digeen in "qiyaasta safarka- ka dib" inaan la ogolayn. Sharci ahaan, lama oggola in dadka reerka oo hore loogu ogolaaday dib loo dhigo iney u imaadaan qofkooda. Haddana ma oggola sharciga Yurubiyanka.
Qaadiga wuu ku raacsan yahay dadka sharciga heysta
Taasi waa sababta ay dad badan oo sharciga heysta ay maxkamada u aadeen sannadkii hore. Ma rabin in reerkooda ay muddo dheer sugaan, iyadoo reerka hore loogu ogolaaday iney u imaadaan qofka familkooda. Dhowr xaakin ayaa cadeeyey iney saxsan yihiin. Markaa ka dib, reerka waa loo ogolaaday iney imaadaan Nederlaan.
Eric van de Burg, Xoghayaha dowlada ee magangelyada iyo socdaalka ayaa ka soo horjeestay go'aanka xaakinka. Dacwad ayuu ka qaatay. Inkastoo,
'Qiyaasta safarka dambe' lama oggola
Dowladda Nederlaan sidaa awgeed ma xadidi doonto isku keenista reerka dadka sharciga heysta. Tani waxey quseysaa dhamaan kiisaska: codsiyada familka kuwa hore loo codsady iyo codsiyada mustaqbalka la sameynaayo.