Dadka ku jira Gaziantep Earthquak Shelter
Laga soo xigtay: Wikimedia
Warar cusub
Keliya xaalad caafimaad deg dega ayaa la dedejin karaa mideynta qoyska jooga aaga dhulgariirka
La shaaciyey: 2/17/2023, 5:17 GD

Ma leedahay dad reerka ka mid ah oo jooga aaga dhulgariirka ee Turkiya ama Suuriya? Laga yaabo inaad rabto iney soo degaan Nederlaan. Taasi badiyaa ma suuro geleyso in la dedejiyo. Boggan ayaa wixii dheeraad ah ka aqrin kartaa.

"Dhulgariir ma ahan sabab loo dedejiyo cosigaaga magangelyo"

Haddii aad magangelyo codsatay

Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)
weli kama soo jawaabin codsigaaga, markaa ma codsan kartid mideynta qoyska ee dadka qoyskaaga ee aaga dhulgariirka.

Waxaa IND tilmaameen in xaalada ka jira Turkiga iyo Suuriya aysan ahayn sabab lagu dedijiyo codsiyada magangelyada.

Sabab Caafimaad oo deg deg ah si loo dedejiyo codsiga mideynta qoyska

Haddii aad heysato sharciga deganaansho ee magangelyada oo aad codsatay mideynta qoyska, Waxaa IND dedejin karaan codsigaaga mideynta qoyska haddii xaalado caafimaad oo deg deg ah ay jiraan. Waxaa IND rabaan cadeyno oo xaalada caafimaadka ee qoyskaaga ah. Habka dedejinta waxey qaadan kartaa wiigag ilaa bilo.

  • Haddii codsigaaga mideynta qoyska uu shaqaale IND uu ka howlgalay, weydii la xariirkaaga VluchtelingenWerk (VWN) ama caawiyaha bulshada iney la xariiraan IND. Shaqaalaha IND ayaa go'aamin doona in codsigaaga la dedejin doono iyo inkale.

  • Haddii codsigaaga mideynta qoyska aan weli ka howl gelin shaqaalaha IND, weydii la xariirkaaga VWN ama caawiyaha bulshada in laguu codsado dedejin. shaqaalaha IND ayaa go'aamin doona in codsigaaga la dedejin doono iyo in kale.

Fadlan la soco:Haddii aysan jirin xaalad caafimaad oo deg deg ah, IND si fudud uma dedejin doonaan codsigaaga mideynta qoyska. haddii xubin qoyskaaga joogo Suuriya ama Turkiga oo ay ku jiraan daruufo murugo leh, weydii qofka aad la xariirto ee VWN ama caawiyaha bulshada waxa ay yihiin fursadaha lagu dedejin karo codsigaaga.

Dokumetigii oo ku dhumay dhulgariirka

Haddii qofka qoyskaaga uu dokumentiga uga dhumay dhulgariirka, IND tan xisaabta wey ku dareysaa marka ay qiimeyneyso codsigaaga mideynta qoyska.

Soo qaadashada 'Machtiging tot Voorlopig Verblijf' deganaanshaha mudada ah

Dadka reerka ah ee Tukiya iyo Suuriya waxey

Deganaanshaha mudada ah, Machtiging tot Voorlopig Verblijf' (mvv)
ka soo qaadan karaan keliya safaaradda Nederlaanka ee Ankara.

Ma u suuro geli weysey saameynta dhul gariirka dartiisa iney waqtiga la rabo ku soo qaataan? Markaa taasi IND wey ku xisaabtami doontaa. Waxaa mudada lagu soo qaadan karo mvv la dheereyn karaa 3 loo dheereyn karaa 6 bilood.

Keenista ama mideynta familka/reerka
Ma heysataa deganaansho magangelyo oo ma rabtaa in qoyskaaga laguu keeno? Markaa waxaad weydiin kartaa in qoyskaaga Nederlaan laguu keeno. Taasi waxaa lagu magacaabaa mideynta qoyska. Boggan ayaad ka aqrineysaa sida mideynta qoyska u shaqeeyo.
Maxey kula tahay qodobkan?