
VluchtelingenWerk wey u badan tahay iney joojineyso caawinaada mideynta qoyska ee xeryaha magangelyada
La wadaag baraha bulshada:
Wasiirka Magangelyada & Socdaalka ayaa go'aamiyey in IND ay caawineyso dadka ku jira xeryaha qaxootiga oo weydiisanaaya mideynta qoyska taasi waxey dhaqan geli doontaa laga bilaabo 1 disambar. VluchtelingenWerk lacag dambe laguma siin doono iney taasi caawinaad ka bixisaa. Sidaasi ayuu wasiirka warqada ugu soo qoray VluchtelingenWerk.
Wasiirka Van Weel ee magangelyada & Socdaalka ayaa go'aamiyey in
Sida ay IND u maareyn doonto weli ma cadda. Waxaa IND ilaa sanado ku adkaaa iney codsiyada magangelyada waqtigooda ku hawlgasho. Sidoo kale mudada sugitaanka ee go'aaminta mideyta qoyska waxey mar mar IND ku qaadataa 23 bilood.
Haddii ay VluchtelingenWerk joojiso caawinaada codsiyada mideynta qoyska, waxaa laga yaabaa iney qaxootiga markaa ay iskooda codsigooda u sameeyaan. Taasina wey dhib badan tahay. Sidaa awgeed ayaa mudada soo socda ay VluchtelingenWerk ay wadahadalo kula jiraan wasaaradda iyo IND. Haddii aqbaar cusub soo kordho, waxaan ku qori doonaa RefugeeHelp.
Caawinaada mideynta qoyska (iyo dhisida qoyska) ee degmada VluchtelingenWerk wey sii sameynayaan. Taasi waxaa keenaaya maadaama degmooyinka ay tani si gaar ah u bixiyaan.