
Shuruucda cusub ee ku saabsan ogolaanshaha degenaanshaha waxay leeyihiin cawaaqibo ku saabsan dib u mideynta qoyska: waa kuwan waxaad sameyn karto
La wadaag baraha bulshada:
Ma codsatay dib u mideynta qoyska ka hor 12 juun, 2026, ma waxaad sugeysaa go'aan ka yimaada IND? Ma haysataa ruqsadda degenaanshaha adigoo ah qof la siiyay badbaadin guud? Kadib baar inaad weli heli karto ogolaansho deganaansho qaxooti ahaan.
Tan iyo Juun 12, 2026, Nederland waxay lahayd nidaamka xaaladda laba-sharciyoodka ah ee
Miyaanay IND weli go'aan ka gaarin codsigaaga dib u midoobida qoyska? Markaa xeerarka cusub ayaa adigana ku khuseeya. Xitaa haddii IND ay dib u dhacdo go'aan qaadashada. Natiijo ahaan, IND way diidi kartaa codsigaaga haddii aadan buuxin shuruudaha cusub. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa inay caqli gal tahay in la baaro
Waa maxay farqiga ka dhashay sharciga cusub ee nidaamka labada sharci?
Ma heli doontaa ruqsad deganaansho ah qof ka tirsan ilaalinta guud ka dib Juun 12, 2026? Markaa, laga bilaabo Juun, shuruudo dheeraad ah ayaa khuseeya dib u mideynta qoyska:
Xubnaha qoyskaaga, kuwa soo socda ayaa khuseeya:
1. Lamaanahaaga isqaba iyo carruurtaada ka yar 18 sano ayaa imaan kara Nederlaand. Way adkaan doontaa inaad lammaanahaaga keento Nederlanad haddii aadan is guursan. Carruurtaada korsan iyo carruurtaada da'doodu tahay 18 ama ka weyn ma imaan karaan Netherlands mar dambe.
Kuwani waa 3da shuruudood ee dheeraadka ah:
2. Sida ku xusan xeerarka cusub, waa inaad marka hore sugtaa 2 sano ka dib markaad hesho ogolaanshahaaga deganaansho. Markaas oo keliya ayaad codsan kartaa dib u mideynta qoyska. Miyaadan sugin 2 sano weli? Markaa IND way diidi kartaa codsigaaga.
3. Waa inaad haysataa dakhli ku filan muddo dheer. Ma haysataa dakhli ku filan? Markaa IND way diidi kartaa codsigaaga.
4. Waa inaad leedahay guri. Ma lihid guri? Markaa IND way diidi kartaa codsigaaga, xitaa haddii aad buuxiso shuruudaha kale. Gurigaagu waa inaanu ku jirin xarumaha soo dhawaynta ee
Ma haysataa ruqsad degenaansho qaxooti? Markaa shuruudan dheeraadka ah ayaa khuseysa:
Lamaanahaaga ma imaan karo Nederland haddii aadan guursan. Carruurtaada korsan iyo carruurtaada da'doodu tahay 18 ama ka weyn sidoo kale ma imaan karaan Nederland.
Maxaad samayn kartaa haddii aad rabto sharci degenaansho oo ka duwan?
Ma u malaynaysaa in lagu siiyo ogolaansho degenaansho qaxooti halkii aad ka heli lahayd ogolaansho degenaansho dadka la siiyay ilaallin guud? Tusaale ahaan, sababtoo ah waxaad halis shaqsi ah ugu jirtaa waddanka aad ka soo qaxday. Tani kaliya kuma saabsana xaalad khatar ah oo ka jirta dalka oo dhan. Waa inay khuseysaa khatar adiga shaqsi ahaan kugu soo food leh, tusaale ahaan, sababtoo ah waxaa laguu dhibaateynayaa jinsiyaddaada, diintaada, ama caqiidooyinkaaga siyaasadeed. Haddii ay sidaas tahay, la xiriir qareenka kaa caawiyay habkaaga magangalyada. Weydii inay faa'iido leedahay inaad tagto maxkamadda. Samee tan sida ugu dhakhsaha badan, ilaa inta IND aysan weli go'aan gaarin. Qareenkaagu ma haysto waqti? Kadib raadi qareen kale.
Muxuu lawyarkaaga sameyn karaa?
Qareenkaagu wuxuu racfaan ka qaadan karaa
Lawyarkaagu wuxuu kaloo waydiisan karaa garsooraha 'dib u fiirsi'
Marka laga soo tago racfaanka go'aanka IND, qareenkaagu wuxuu sidoo kale awood u yeelan karaa inuu ka codsado IND 'dib u eegis maamul'. Tani waxay ka dhigan tahay inaad weydiisato IND inay dib u eegto go'aankii hore. Qareenkaagu waa inuu markaas muujiyaa inay jiraan xaqiiqooyin iyo duruufo cusub. Xaaladdan cusub awgeed, waxaa laga yaabaa inaad xaq u lahayd ogolaansho degenaansho oo ka duwan. Tusaale ahaan, qareenkaagu wuxuu ku doodi karaa in nidaamka laba-sharciga uu yahay xaalad cusub. Ka hor Juun 12, 2026, ma jirin wax muhiim ah oo ku saabsan dib u mideynta qoyska ruqsadda degenaanshaha ee aad haysatay. Hadda waa muhiim, sababtoo ah IND weli go'aan kama gaarin dib u mideynta qoyskaaga. Sidaas darteed, xeerarka cusub ayaa sidoo kale adigana ku khuseeya. Haddii IND ay diido codsiga dib u eegista, waxaad racfaan u qaadan kartaa maxkamadda.
Garsooraha ayaa leh go'aanka ugu dambeeya
Ma cadda in garsooruhu u oggolaan doono qareenkaaga inuu racfaan qaato. Si rasmi ah, aad ayaad u daahday. Caadiyan, waa inaad racfaan qaadataa dhowr toddobaad gudahood marka go'aanka IND la gaaro. IND waxay sidoo kale diidi kartaa codsiga dib u eegista. Intaa ka dib, ma cadda in garsooruhu uu aaminsan yahay in IND ay ahayd inay dib u eegto go'aankii hore sababtoo ah duruufaha cusub. Sidaa darteed, kala hadal qareenkaaga inaad isku dayi karto mid ka mid ah labadan ikhtiyaar ama labadaba. Haddii kale, waxaa jirta fursad ah in IND ay diidi doonto codsigaaga dib u mideynta qoyska sababtoo ah xeerarka cusub.
IND waa iney go' aan cusub gaaraan
Haddii garsooruhu kuu ogolaado inaad racfaan qaadato oo uu kuu xukumo inaad adiga saxan tahay? Markaa IND waa inay dib u eegtaa kiiskaaga oo ay go'aan cusub gaarto. IND waxay markaas dib u qiimayn doontaa inaad xaq u leedahay inaad magangalyo ka hesho qaxooti ahaan Nederland iyadoo la raacayo qawaaniinta
Waa inaad weli awood u yeelatid inaad caddeyso inaad tahay qaxooti sida ku xusan Heshiiska Qaxootiga. Sidoo kale waa inaad hoos timaadaa 1 ka mid ah sababaha lagu cadaadinayo ee ku qoran heshiiska. Haddii kale, laguma siin doono ogolaansho degenaansho qaxooti ahaan. Haddii aadan caddeyn karin inaad halis shaqsi ah ku jirto waddanka aad ka soo carartay, IND waxay mar kale diidi doontaa inay ku siiso ogolaansho degenaansho qaxooti ahaan.
Waa in ay khatar kugu tahay adiga dalkii aad ka soo qaxday
Waxa kaliya oo macno samaynaysa in aad racfaan ka qaadato ama aad codsato dib u eegis haddii aad caddayn karto in aad khatar shakhsi ah ugu jirto waddankii aad ka soo qaxday. Taasi awgeed waa inaad marka hore u tagto qareenkaaga oo aad weydiiso inay macno samaynayso in tallaabooyinkan la qaado.