Ku noqoshada wadankaaga asalka ah
Ma joojineysaa dacwadaada magangelyada? Ama mala soo diidad codsigaaga magangelyo? Markaa waa inaad sida sharciga Nederlaanka qabo ka baxdaa Nederlaan. Adiga ayaa dooran kara inaad dib u noqoto ama in qasab Nederlaan lagaaga saaro. Labada xaaladoodba taageero ayaa heli kartaa si aad Nederlaan uga baxdo.
Warbixin

Noqoshada isku filnaanta ah ee waddankaaga asliga
Adiga ayaa go'aansanaaya inaad wadanka aad ka soo jeedo ku noqoneyso ama in kale. Haddii aad go'aansato inaad wadanka aad ka soo jeedo ku noqoto, waxaad heli kartaa taageero. Lacag ama taageero ayaa heli kartaa aad noloshaada ku dhisato wadanka aad ka soo jeedo. Boggan ayaa ka aqrineysaa wax dheeraad oo dib u noqoshada qaabka iskufilnanshaha ah.

Noqoshada qasabka ah ee wadankaaga asliga
Haddii aadan si iqtiyaari ah ugu noqoneynin wadanka aad ka soo jeedo, waxaa dowlada Nederlaan kugu celin kartaa si qasab ah. Marka qasab lagugu celiyo ma heleysid lacag yar ama lacag la'aan. Boggan ka aqri wixii dheeraad ee celinta qasabka ah.
Na sii talo
Ma u haysaa talo websaaytka? Talooyinkaagu waxay caawiyaan RefugeeHelp si ay u horumariyaan websaaytka. Noo sheeg waxa aad wali ka maqan u aragto ama ka fakar astaamo cusub. Foomkan maaha mid loogu talagalay su'aalaha shakhsi ahaaneed. Ma heli doontid jawaab.