Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




Dadka waxey raacaan diyaarada
Laga soo xigtay: Longxiang Qian

Noqoshada qasabka ah ee wadankaaga asliga

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/22/2024, 2:05 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Haddii aadan si iqtiyaari ah ugu noqoneynin wadanka aad ka soo jeedo, waxaa dowlada Nederlaan kugu celin kartaa si qasab ah. Marka qasab lagugu celiyo ma heleysid lacag yar ama lacag la'aan. Boggan ka aqri wixii dheeraad ee celinta qasabka ah.

Codsigaaga magangelyo oo la soo diiday

Haddii

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)
codsigaaga magangelyada soo diido, waxaa urur dowladeedka
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Adeegga Dib u Celinta iyo Bixitaanka (DT&V)
ayaa kaala soo xariiraaya arrinta dib ugu noqoshada wadankaaga asliga. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad Nederlaan isla markii aad ka baxdaa.

Garyaqaankaaga miyaa maxkamad ka qaadanaaya go'aanka IND? Badiyaa go'aanka xaakinka Nederlaan waad ku sugi kartaa.

Dib u noqoshada isku filnaanta

Ma u soo diiday IND codsigaaga magangelyada si kama dambeys ah? Markaa waxaad heli doontaa warqad taasi ku saabsan. Taasi waxaa la yiraahdaa 'Go'aanka'.

Taasi waxey micnaheeda tahay iney dowladda Nederlaan kaa rabto inaad ku noqoto wadankaaga asalka. Haddii aad doorato inaad noqoto, waxaad taageero ka heli kartaa ururo kal duwan.

Celinta qasabka

Ma waxaad dooraneysaa inaadan la shaqeynin inaad ku noqoto wadankaaga asalka? Markaa dowladda Nederlaan kugu soo oogi kartaa dibaaji aad dib u heleyso haddii aad dib noqoneyso.

Haddii dowlada u maleyso inaad ku talo jirto inaad sharci daro waddanka ku joogi rantid, waxaa lagu geyn karaa xabsiga ajaanbta. Taasi waxey micnaheeda tahay in nooc xabsi ah lagugu heynaayo ilaa qasab wadankaaga asliga lagugu celinaayo.

Safarka

Celinta qasabka ah badiyaa waa diyaarad ahaan diyaaradaha dhoofitaanka caadiga. Mar mar diyaarad gaar ah ayaa loo sameeyaa. Tusaale ahaan haddii dad badan oo isku waddan ah hal mar waddankooda asliga ku noqonayaan.

Haddii ay jiraan calaamado inaad iska hortaageyso dib u celinta, waxaa ku hagaaya mudada safarkaaga shaqaalaha boliiska

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Ilaaliya Xaduudka
. Mar mar waxaa kula raacaaya shaqaalaha DT&V diyaarada si uu kuu hago. Tusaale ahaan da'yarka.

Taageero yar ama taageero la'aan marka qasab laguu celinaayo

Fursadaha taageerada dib u noqoshada wey xadidan yihiin haddii lagugu qasbo inaad ku noqoto wadankaagi. Xaaladaha qaarkood waxaad heli kartaa caawino taageero dib ula qabsashada. Taageeradani waxey ka kooban tahay alaab iyo/ama caawino ugu badnaan qiimahooda yahay € 1.000,-.

Qodobkan ma ku caawiyay?