Badqabka
Ma dareemeysaa ammaan darro? Nederland, waxaa jira ururo aad u tagi karto. Halkan ka akhri waxaad sameyn karto.
Warbixin

Booliska ama fulinta: yaa ka caawiya dhibaatada?
Booliska iyo hay'adaha fulinta ayaa gacan ka geysta ilaalinta amniga Nederland. Ma laha hawlo isku mid ah. Maqaalkan, waxaad ka akhrisan doontaa waxa ay booliisku qabtaan, waxa ay hay'adaha fulintu qabtaan, iyo cidda lala xiriiro dhibaatooyinka kala duwan.

Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aadan amaan ku dareemeynin xerada magangelyada
Mudada aad joogto xerada, waxaad la kulmi kartaa cunsuriyeyn, cagajugleyn ama rabshado. Tusaale magangelyodoonka kale ee xerada kula degan. Taasi lama oggola sida uu sharciga Nederlaanka qabo. Dhaqankaasi waa mid ciqaab mudan. Waxaad dacwad u gudbin kartaa boliiska. Waxaana jira ururo ku caawini kara.

Mudaharaad ka dhacaya hoygaaga? Waa kuwan waxaad samayn karto haddii aad dareento ammaan darro
Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa jira banaan baxyo ama rabshado ka dhaca goobta soo dhawaynta. Tani waxay dareemi kartaa xiisad ama ammaan darro, tusaale ahaan ciriiri, buuq, booliis, ama halku dhigyo caro leh. Maqaalkan, waxaad ka akhrisan kartaa waxaad samaynayso haddii aad qabtid su'aalo ama walaac.

Maxaa dhacaya haddii booliiska ama booliiska lajaanibta ay ku qabsadaan ama ku xiraan?
Ma waxaa ku xiraya booliiska ama booliiska ajaanibka? Mise waa inaad tagtaa saldhigga booliiska? Markaa waxaad rabtaa inaad ogaato xuquuqdaada. Maqaalkan, waxaad ku akhrin doontaa waxa dhici kara iyo waxa aad sameyn doonto.

Ma lagu qasbay inaad shaqeyso ama galmo sameyso? Waa kan sida loo helo caawimaad
Ma dareentaa cadaadis ah inaad shaqeyso, galmo sameyso, ama lacag dhiibto? Ma ka baqaysaa qof ku maamula? Markaa waxaa laga yaabaa inaad la kulanto dulmi. Waxaad raadsan kartaa caawimo xitaa adigoon haysan ruqsad deganaansho. Akhri maqaalkan si aad u ogaato meesha aad ka heli karto caawimo.

Qiyaanada Nederlaan
Nederlaan dadka kale ay tijaabineyaan iney khiyaaneeyaan ama lacag ama warbixin shaqsi u helo. Taasi waxaa loo yaqaan khiyaano. Qof walba ayaa dhibane noqon karaa, sidoo kale dadka ku cusub Nederlaan. Sidaa awgeed waa muhiim inaad ogaato sida ay u dhacdo khiyaamada, iyo noocyada jira, iyo waxa aad sameyn karto hadii ay kugu dhacdo.

Ururadee ka jira Nederlaan ee ku caawini kara haddii aad ammaan la'aan tahay?
Ma u baahan tahay booliiska? Boggan, waxaad ka akhrisan kartaa goorta la wacayo 112 iyo goorta la gaari karo booliiska haddii aysan jirin xaalad degdeg ah. Waxa kale oo aad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan waxa dhaca haddii booliisku ay xoog adeegsadaan iyo sida loo gudbiyo cabasho haddii aadan ku qanacsanayn booliiska.